Sign in to follow this  
Somalina

Xisbi mucaarad ah oo maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Somalina   

xisbi2.jpg

 

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Xisbi lagu magacaabo Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed (SPDU) Somali Peace and Democratic Union ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana xisbigaas guddomiye ka ah C/llaahi Sheekh Xasan Cali, isagoo sheegay in xisbigoodu uu mid mucaarad ah oo aan hubeysnayn.

 

"Waxaan dhaliil u soo jeedinaynaa madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo waqtigoodii ku dhameystay isqabqabsi ku qotoma dano siyaasadeed," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu xisbigan soo saaray oo uu saxaafadda u akhriyay C/llaahi Sheekh Xasan.

 

Guddoomiyaha xisbigan cusub ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay ka gudbaan khilaafka soo noq-noqday ee ragaadiyay dowladda, iyagoo fiirinaya duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed ayna meel iska dhigaan danaha shaqsiga ah.

 

"Xisbigu wuxuu qabaa in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya madaxda DKMG ah qaab dastuuri ah," ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan, isagoo sheegay in khilaafka uu ka dhashay iyadoo mas'uul walba oo dowladda ka tirsan uu doonayo inuu faraha la galo awood uusan sharcigu u banneyn.

 

xisbi.jpg

Mas'uuliyiinta xisbigan oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliil u jeediyeen Xarrakatul Shabaab iyagoo sheegay inay doonayso inay dhibaateeyso shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale waxay hambalyo u direen ciidamada dowladda oo ay sheegeen inay faraha kula jiraan howlo lagu soo celinayo amaanka guud ee dalka.

 

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay cod mideysan ku diidaan guddiga danleyda ah ee shisheeyuhu maalgeliyo ee isku magacaabay guddiga madaxa-bannaan ee dastuur u sameynta Soomaaliya," ayaa warsaxaafadeedka uu xisbigu soo saaray lagu yiri.

 

Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu yiri: "Tani waxay meel ka dhac ku tahay shacabka Soomalaiyeed oo iyaga ay u taallo wixii ay dastuur ka dhiganayaan, isla markaasna aysan UNDP uga baahnayn inay u soo sameyso dastuurkii ay ku dhaqmi lahaayeen."

 

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga C/llaahi Sheekh Daahir oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa ku dhaliilay dowladda KMG ah xariga ay muddada dheer ku hayso Maxamed Dheere iyo dad kale oo Soomaaliyeed, isagoo xusay in sharciga u dagsan dalka uu dhigayo in qofka maxbuuska ah aan xabsiga lagu hayn karin wax ka badan 24-saac.

 

xisbi1.jpg

 

Xisbigan ayaa horay looga dhawaaqay dalka Ingiriiska, iyadoo u dhawaaqiddan kale ay tahay mid lagu daah-furayo howlaha xisbiga oo ka socon doona Muqdisho sida ay sheegeen mas'uuliyiinta xisbiga oo goobjoog ka ahaa madashii looga dhawaaqay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacpher;701656 wrote:
Unlike Hargeysa, Moqdisho has no limits on opposition parties. Zubeyraba cod bey heli laheyd xabad la'aan.

in Mogadisho they also have xisbis Taangiyo iyo beebeye saaraan:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma ninkan leeh Laascanood iyo buhooodle ba Somalia ah eeh dalkayga igu haysta baan dayaa :D

Ma nin ba dalkisa ku gorgortoma wa kusidee abti , ana Somaliyadada waan deyn adna Somaliland no daa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this