Sign in to follow this  
ANWAR

Culumaa’udiinka Ahlusunna uu kaga hadlay Howl galladii shalay

Recommended Posts

ANWAR   

Ashcari: "Howl galladii shalay aan ka sameynay Galguduud waa guuleysteen"

0%20119%20a.jpg

Afyaheenka Gobolada Dhexe ee Culumaa’udiinka Ahlusunna Wal jamaaca ee Dowladda la midoobay Sh C/risaaq Cali Mire “Ashcari” oo shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo talaabooyin horumar leh oo ay ka gaareen howl gallo ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeeen kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in ay jab xooggan u geysteen Maleeshiyaadka, fariisimadii ay ku dhuumaaleysanayeena ay kala wareegeen.

 

Sh C/risaaq Cali Mire Ashcari ayaa xusay in howl galladaasi ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala ah God Dhurwaa iyo Ceel la halay oo uu tilmaamay in maleeshiyaadka kooxda xagjirka ah ee Al Shaab ay ku dhibaataynayeen shacabka deegaanadaasi ku nool, isagoo sheegay in hub badan ay ka furteen maleeshiyaadka.

 

Afhayeenka Gobollada Dhexe ee Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sidoo kale tilmaamay in maleeshiyaadka laga kiciyey godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyadka koxda Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay dib u soo laabteen markii ay soo gaba gabeeyeen howlgalkii ay ka fulinayeen God Dhurwaa iyo Ceel la helay.

 

Sh. C/risaq Cali Mire Ashcari ayaa ugu dambeyntii shirkiisan jaraa’id degniin ugu diray maleeshiyaadka Shabaab oo carruur yaryar dagaalka soo geliyay, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu duceeyay in uu Alle bedelkood siiyo carruurtooda dagaallada ay ku dhameynayaan maleeshiyaadka Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this