Sign in to follow this  
Somalina

SL: Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo la xidhay

Recommended Posts

Somalina   

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cali Maxamed Cali ayaa la xidhay, ka dib markii ay Ciidamada Boolisku uga yeedheen xarunta dembi-baadhista, waxaanu Agaasimuhu xadhiggiisa ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

 

Agaasimaha guud oo xalay shir-jaraaíd ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in habeen hore ay Ciidamada dembi-baadhistu kala soo hadleen xaruntooda, isla markaana ay ka dalbadeen in uu tego xaruntoda, markii uu tegayna loo sheegay in uu xidhan yahay.

 

"Markii aan waydiiyay inay Waaran maxkamadeed haystaan, waxay ii sheegeen in aanay haysan, sidoo kale markii aan waydiiyay cidda amartay xadhiggaygana, waxay igu yidhaahdeen, waad ogaan doontaan," ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu sheegay in subaxnimadii loo sheegay in uu Wasiirka arrimaha guduhu xadhiggiisa amray, taas oo uu sharci-darro ku tilmaamay, isla markaana uu sheegay in aanu awooddaas lahayn Wasiirku. Isaga oo si baán u weeraray Wasiirka.

 

Hase ahaatee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre oo isna shir-jaraaíd qabtay, ayaa beeniyay in amarka xadhigga Agaasimaha guud uu bixiyay Wasiirka Arrimaha guduhu, waxaanu sheegay in baadhis ay wadeen ay gashay Agaasimaha guud, isla markaana ay suáalo waydiiyeen Agaasimaha, hase ahaatee, cidda habeenkaas xidhay ay tahay Ciidamada Booliska, gaar ahaan uu isagu taliye ahaan habeenkaa ku sugnaa xarunta dembi-baadhista.

 

"Wasiirku waxba kama ogayn xadhiggiisa ee aniga ayaabu I waydiyay oo uu I yidhi, ma jiraa in aad u yeedheen Agaasimaha guud, markaa side ayuu wax uga ogaa,"ayuu yidhi Taliyaha Ciidanku.

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha oo sheegay in xadhigiisa uu Wasiir Gaboose ka danbeeyay

Written by Qaran news

Mar 12, 2011 at 12:28 PM

 

Hargaysa,(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cali ayaa la xidhay, ka dib markii ay Ciidamada Boolisku uga yeedheen xarunta dembi-baadhista, waxaanu Agaasimuhu xadhiggiisa ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

 

Agaasimaha guud oo xalay shir-jaraaíd ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in habeen hore ay Ciidamada dembi-baadhistu kala soo hadleen xaruntooda, isla markaana ay ka dalbadeen in uu tego xaruntoda, markii uu tegayna loo sheegay in uu xidhan yahay.

 

"Markii aan waydiiyay inay Waaran maxkamadeed haystaan, waxay ii sheegeen in aanay haysan, sidoo kale markii aan waydiiyay cidda amartay xadhiggaygana, waxay igu yidhaahdeen, waad ogaan doontaan," ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu sheegay in subaxnimadii loo sheegay in uu Wasiirka arrimaha guduhu xadhiggiisa amray, taas oo uu sharci-darro ku tilmaamay, isla markaana uu sheegay in aanu awooddaas lahayn Wasiirku. Isaga oo si baán u weeraray Wasiirka.

 

Hase ahaatee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre oo isna shir-jaraaíd qabtay, ayaa beeniyay in amarka xadhigga Agaasimaha guud uu bixiyay Wasiirka Arrimaha guduhu, waxaanu sheegay in baadhis ay wadeen ay gashay Agaasimaha guud, isla markaana ay suáalo waydiiyeen Agaasimaha, hase ahaatee, cidda habeenkaas xidhay ay tahay Ciidamada Booliska, gaar ahaan uu isagu taliye ahaan habeenkaa ku sugnaa xarunta dembi-baadhista.

 

"Wasiirku waxba kama ogayn xadhiggiisa ee aniga ayaabu I waydiyay oo uu I yidhi, ma jiraa in aad u yeedheen Agaasimaha guud, markaa side ayuu wax uga ogaa,"ayuu yidhi Taliyaha Ciidanku.

 

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaan ka hadal arrintan, isla markaana waxay calaamad-suáal saaran tahay habka wada-shaqayneed ee Wasiirka iyo agaasimaha guud, maadaama ay yihiin labadii masuul ee u sarreeyay Wasaaraddaas, marka laga reebo Wasiir-ku-xigeenka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this