Somalina Posted March 12, 2011 Waxaa magalada Muqdisho soo gaarey labadii maalmood ee la soo dhaafey 1000 askeri oo ka socda dalka Burundi, kuwaas oo u jooga Soomaaliya nabad ilaalin, waxaana ay qaybka yihiin ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo ku hawlgala AMISOM. Tirada guud ee ciidamada Burundi ayaa hadda gaareysa 4400 oo askeri, sida uu sheegay afhayeen u hadley ciidanka Burundi. Tirada guud ee ciidamada Midowga Africa ka jooga Muqdisho ayaa hadda gaareyaa in ka badan 9000 oo askeri, waxaana ay ka kala socdaan laba dal oo keliya Uganda iyo Burundi. Lieutenant Colonel Jastace Ciza ayaa Reuters u sheegay “….Waxaan muqdisho u daabulney 1000 askeri oo dheeraad ah labadii maalmood ee la soo dhaafey, waxaana u dirney in aan ku xoojino ciidamada naga jooga Muqdisho…..”. Dhamaadkii bishii Feberaayo ayaa dagaal aad u kharaar dhexmaray ciidamada Burundi iyo kuwa Xarakada al-Shabaab, dagaalkaas oo ciidamada Burundi ay qirteen in looga diley asker, halka ay kuwo kalena aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin, waxaana dagaalkaas ay ku qabsadeen saldhigyo ay horey u lahaayeen Al-Shabaab. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 12, 2011 More foreign troops allow u sahal Carada Somali oo ajanabi ku so qul qulayan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted March 12, 2011 Mashallah good news from our Burundi brothers Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 13, 2011 So dhawaada!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 13, 2011 Bad news for the civilians. Quote Share this post Link to post Share on other sites