Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga, qaybtii 2aad

Recommended Posts

Bashiir   

^Le & la armay isku cakis yihiin? Tusaale xidigle, waxay noqon xidig leh. Sidaas darteed oogle waa oog leh, dul qaad leh. (Oog = superficial surface, tusaale oogada dhulka)

 

Afdhabaandhow = Juuq gabid= aamusnaan= af gacansaar??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waxaan hubaa in dad badanni ay jeclaan lahaayeen inay ogaadaan gabaygan sare ku qoran sababta keentay in Raage Ugaas tiriyo.

 

Gabaygan Raage wuxuu ka mid yahay qiso dheer oo dherxmartay isaga iyo Wiil-Waal oo guursiga gabar qurux badan isku qabsaday. Dhacdada, anigoo soo koobay, sidan soo socota ayaa loo soo weriyey.

 

Markii uu soo gaaray cimri guur-doon ayuu Raage Ugaas wuxuu ilaalaystay gabar qurux badan oo Faaduma Nuur la oran jiray oo ka dhalatay qoys quwad leh oo garaado ah oo ab iyo ood aysan sidaas u kala durugsanayn. Raage markuu dhowr goor siyaartay reerkoodii kuna qancay asluubta iyo quruxda gabarta jacaylna ku beermay ayuu markii dambe weydiistay aabaheed.

 

Wadaadkii gabarta dhalay ayaa Raage ku xiray saddex shuruudood inuu soo buuxiyo horta; inuu keeno: faras galaalan, ugxan gorayo iyo ilig maroodi.

 

Ugxan gorayo iyo ilig maroodi waqtigaas meelkasta waa laga helayey oo dhibi kama jirin laakiin faras galaalan sidii loo heli lahaa ayaa Raage ku adkaatay. Muddo dheer markuu werinayey faraskaas ayaa maalintii dambe loo sheegay in faras muuqaalkaas leh uu iska leeyahay nin ka talin jiray dhul xeebeedka sare ee bari oo la oran jiray boqor Maxamuud Yuusuf ( boqor Cisman aabihii).

 

Isagoo keli ah ayuu Raage ka soo socdaalay meel ku dhow Jigjiga oo bari fog afka soo saaray. Markuu in badan soo dhaxay ayuu yimi degaankii boqor Maxamud isagoo iska dhigaya nin waalan. Lama aqoonsan Raage qof ahaan isla markaasna lama dhaadin ujeedada uu u socdo. Dhowr casho markuu joogay ayuu intuu arkay faraskii oo baylah ah halabsadoo fuulay oo la baxsaday.

 

Markuu guryo yimi isagoo faraskii wata labada xujo oo kalena diyaar u yihiin oo is leh gabartii gacantaad ku dhigtay ayaa loo sheegay in gabartii la bixiyey intuu maqnaa oo uu guursaday Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal). Uurkutaaladii ayuu Raage gabayga sare ku qoran ee Gooni soo gudbiyey tiryey.

 

Markii dambe Raagena waxaa la siiyey gabartii laga qaaday walaasheed oo ka yar laakiin kumuu qancin, Arrinni waxay ku dambaysay in Raage Wiil-Waal dilo gabartii weynayd ee laga qaadayna uu la wareego oo dhisto. Waa guri aan xaq ku dhismine iyadiina wax yar ka dib libaax ayaa cunay Raagena waxba caynkaas ah kama dambayn ee dagaal ayaa lagu dilay.

 

Waa qiso dhab ah oo muujinaysana natiijada ka imaan karta marka khalad lagu saxo khalad kale.

 

Paragon: salaan ka dib kelmadda oog,oogis, oogayaa, oogay waxay u tagaan tahay si buuxda u soo muuqaday; waxaynu niraahnaa dab baa la oogay( dab xoog leh ayaa la shiday). Quraan bay oogeen( wadaado badan ayaa intay fariisteen quraan kor u akhriyey). Oogle waa qofkii ficilka samaynayey wuxuuna u taagan yahay lab.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Toosiye, inkastoo wax badan ka dhiman yihiin sida gabaygii uu ka tiriyey faraska, murtida uu yuudhi mulkii lihii faraska laga soo qaaday, iyo bilowgii haasaawaha haddana si fiican ayaad u soo naqdiday.

 

Iyadoo dhamaystiran lagana ilaashay dano ama aragti shaqsiyeed waxaad ka dheehan kartaa:

 

Kobtan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waad mahadsan tahay Bashiir.

 

Waan soo koobay anigu lakiin tixraaca aad soo gudbisay ayaa dhammaystiray qisadan dhexmartay Wiil-Waal iyo Raage Ugaas.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Markii Raage minweyntiisii caanka ahayd libaaxu ka qaaday ayaa sidii caaddadu ahayd waxaa loogu xigsiisamay gabadh da' yar oo ay haweenaydaa hore eedo u ahayd oo la odhan jiray Xaliimo. Minweyntii hore waxay ahayd mid aad ugu roon Raage oo xushmaysa, gaarinimo iyo marwanimana isku darsatay. Wuxuu Raage dareemay inaan siddii hore xaalku ahayn labada qabdhoodna in kastooy qaraabo yihiin haddana ay kala duwan yihiin. Markaa ayuu tiriyey gabay aan ka hayno tuducyadan hoose: Wuxuu yidhi:

 

Illeyn caano way kala xidhmaan, dhayda iyo xoortu

 

Illeyn xabbagta geedaha ku taal, gabal xadhaadh weeye

 

Illeyn seeddigaa kuma xiltiro, xile haddaad weydo

 

Allahayow xadhaadhaa anfaco, xalayto la siiyey

 

Naa soo Xaliimoy Xaddiya, xaalna kama raacdid

 

Naa soo dharkaagoon xumayn, xidhan aqoon maysid

 

Naa soo tolkuba waa xurmee, kaba xishoon meysid

 

Naa soo dabkuba wuu xudhmaaye, xaabo lama saaro

 

Naa soo xalliin laguma dayo, xeedhadiyo weelka

 

Naa soo ardaageer xunka ah, waana lama xaadho

 

toosiyow horta waa taariikh aad u fog wakhtigii raage noolaa AUN gabaygana ma mar sadexaad baa oo uu saluugay gabdhahaas walaalaha?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Positive, adaa mudan ina adeer. Qisiyoonka Raage Ugaas ( AUN) wax meejan lagu soo koobi karo ma ahan. Saas ay tahay inta laga hayo gaar ahaan gabayadiisa wax badan ayaa laga badalay mid kas u yeeley iyo mid aqoon daro u gaysayba welise uruuris ayaa loogu jiraa, si loo xafido taariikhda dhabta ah loona kobciyo af Soomaalka.

 

Maanta mar aan booqday shabakada Doollo.com ishayda waxa ku dhacday gabay Hami la yidhaahdo, oo uu Abwaan Raage Ugaas Allah ha xafidee ku fasilay riyo uu habeen ku riyooday waa sida gabaygu u dhacaye. Doolo ma ay hayso qisada oo dhan ana horey uma maqal oo wuu igu cusub yahay, adu hadaad hayso nala soo socodsii erayada midibaysana isku day inaad micnahooda saxda ah hesho.

 

1. Xalay Isniintii waxaa i helay toban umuuroode

2. Asal gama'na ways idhi hurdana uurka kama seexan

3. Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday

 

4. Afka kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan

5. Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday

6. Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay

 

7. Albaabada dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay

8. Istanbuuli cadar layma marin, udugana waydaaray

9. Oon baa idilay oo biyaan ku agwareegaayay

 

10. Onkod iyo hilaac roobna waa, nagu itaaleeyay

11. ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayay

12. Awaartii manabin oo hadana, wuu anfacay kaynta

 

13. Anfariir xaluunbaan hurdada oog la sookacaye

14. Ilinkaan talaabada ku waday, kol aabaarahaaye

15. Meeshaan abaarada kutago, aakhir bal aan eego

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

walaal Gooni,

 

Runtii gabayada abwaan kuma ihi laakiin sida maadooyin badan oo kale in aan dadka ku dhexgalo ayaan ka aqaan. Marka faah-faah badan kama bixin karo gabayga laakiin haddaan qiyaaso saluug ma jirin ayaan fili karaa ee Raage wuxuu ka samri la’aa gabadhii uu jeclaa ee Faduma Nuur.

 

Haddaan tusaale barbar dhig ah isticmaalo Cilmi Boodhari oo isaguna sida Raage caashaqay gabar Hodan la oran jiray ayaa markii tolkiis u doonay gabartii lagu xiray xoolo badan oo aanu bixin karin.Taasu waxay keentay inuu Cilmi halkaas ku waayo Hodan caashaqna la madluumo.

 

Tolkiis ayaa gabdho badan oo qurxo badan maalintii dambe u soo diray si uu mid uga xusho. Markay u yimaadeen ayuu tixdan tiriyey isagoo leh:

 

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee

Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene

Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane

Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye

Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina.

 

Cilmi hablaha quruxdoodu uma muuqan ee iinahooda kale ayaa u muuqday. Tan Raagena taas oo kale ayey aniga iila egtahay.

 

Bashiir.

 

Awoowe qisada ma hayo laakiin erayada sidan ayaan ku micnayn lahaa:

 

 

Arad= dhul

Istanbuuli= waxaan filayaa cadar ka imaan jiray Turkiga inuu ahaa.

ufo= dabayl.

awaartii= boorkii; ciiddii( ma hubo laakiin sidaas ayaan u malaynayaa)

oog= kulayl; gubasho; dab xoog leh oo i shidaya.

Anfariir= naxdin xoog leh; baqdin xoog leh.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waagii hore ninka gabyaaga ahi tixda ayuu ka doorbidi jiray tiraabta. Markuu wax dhaliilayo, waaninayo ama wax kale inuu sheego doonayo tix ayuu meerin jiray. Raage waynu aragnay ee isagana waxaynu soo qaadan karnaa Cabdi Gahayr oo isagana ooridiisii ka geeriyootay ka dibna gabar kale guursaday.

 

Isagoo la dardaarmaya gabarta uu guursaday ayuu yiri:

 

In gar xidhata ama guudka dabi, gebiga soomaali

Waataan geyaan dumar ku nacay, lama gubaantiiye.

Adna geela waxaan kaaga madhay, gaaridaad tahaye.

Ha yeeshee wixii kula gudboon, garangartaad joogto.

Nirgaha guriga daaqiyo, ratiga geela laga reebo.

Waa inaad martida tii golmoon, gogosha siisaaye.

Waa inaad gasiin ugu dartaa, xeedhyo geedo lehe'

Waa inaad wax lama goofiyee, gaarna dhigataaye

Hadduu marada gaygayn ku dhaco, waa gunnimo weyne.

waa inaan gambadu kaa xumaan golaha aad joogto.

Kol haddaan gacmaha loo xinnayn, kuma guduutaane.

waa inaad gadaal dhaashataa, garashadaydiiye.

Gudguduhu hadduu soo onkodo, geydhu waa halise.

Gufaacada horuu kaga ridaa, guunta buulka lehe.

Haddaan laba gufays laysku darin, gale dabayluhuye.

Gig ka siiso, gibil xeeranbay, guudka mariyaane.

 

Af-soomaaligu waa hodan dhaqankii horena taajir buu ahaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Cilmi alaha u naxariistee waxaa ku dhacay cudur aad u adag oo ilaa iyo hadda ay adag tahay in laga dhaadhiciyo dadka in loo geeriyoodo jacayl.

Sababtana waxaa keentay baan oran lahaa in dadka rumayn waayaan, meesha dhabta ah oo xanuunku hayo oo aan la garanayn iyo cid kale oo jacayl u geeriyootay cilmi gadaashii oo aan la'arag,kolay buug kale laguma qorin xataa haduu jiro.

 

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

 

Waxaan filayaa in cilmi ishuusu wedkiisii ku dhacday mar hore oo uusan daawo lahayn markuu tixdaa mariyay.

Hadii maanta nin isoo hor fariisto aniga qudhayda oo yiraahdo nin yahow jacayl baan la il daranahay waxaan oran lahaa dadaal nin yahow gabadhaas aad jeclaatay allaha ku sahlee haduu igusoo noqdo oo yiraahdo nin yahaw waan u caal waayay waxaan oran lahaa dadkaaga dhinac ka raac maaliyiin gabdhood oo soomaaliyeed oo lugaha dhulka ku jiidaya waayi mayside,haduu mar sadaxaad igusoo noqdo waan garan lahaa in wedkiisu galay.:D

 

Cabdi gahayr gabaygiisu waxa uu kasoo miiray af soomaali qani ah, habka uu wax u tusayana waa luuqad kale oo aan sahal lagu baran karin.

Erayada waaweyn ee ku jira gabaygiisa waxaa ka mida

1-gaygayn

2-gasiin

3-gudgude

4-gufaaco

5-gufays

6-gibil

Noo soo fiiriya erayadan markaad wakhti heshaan.

towfiiq bi'idnilah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Af-soomaaligu waxa uu leeyehey labo lahjadood oo kale ah Maay iyo Maxaad-tiri. Waxan filaa in afka maaydu uu jiray intii aan maxaad-tiridu soo bixin. Taas wax la hubo waaye hadalna ma ka joogo. Anigu wax badan ma ka aqaan af-maayga ee waxa aan u dayhaa macalimiinta afka maayda iney halkaan noogu soo gudbiyaan aqoontooda si aan uga faa’iidaysano.

 

Hadda igula baashaala hee maqalka iyo muuqaalkan soo socda:

 

Heestan Xasan Aden Samater aa leh.

 

 

 

Kuwaan majaajilo waaye:

 

 

 

 

 

 

Waxaan ku khatimaa macnaha erayadan ey badi fara-dheertu isticmaalaan:

 

Gaygayn= heer; usgag; aan la mayrin.

Gasiin= cunto.

Gudgude= roob habeenkii da’a.

Gufaaco= dabayl roob wadata.

Gufays= oodis meel tusaale roobka iyo dabayshu guriga ka soo geli karaan.

 

Gibil idinka ayaan idiin daayey.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Afka maygu waxaan maqlay inuu yahay asalkii oo kasoo unkumay afka maxaad tirigu.

Waxaase nagu filan in uusan ahayn af meel kale ka yimid oo yahay afkeenii hooyo oo un lahjada

 

kalmadaan isku day inaad maxaad tiri u fasirto.

wala adi sheegte garadow wali ani sheege may in garodi wayti

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

wala adi sheegte garadow wali ani sheege may in garodi wayti

Waxaan filayaa in micnuhu sidan yahay:

 

Waxaad adigu sheegtay waan gartay ee waxaan anigu sheegay maxaad u garan weyday.

 

Waxaan doorbidi lahaa in sheekooyin dhaadheer oo lahjadda Af-maayga ah in aan soo bandhigno si aan u kala faa'iidaysano.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waxaan filayaa in afka maygu inuu yahay af soomaali fac weyn mana akhrin maqaal may ah ama sheeko dheer oo erayada mayga ku qoran.

hadda ka hor maqaal uu qoray nin soomaali ah oo aan akhriyay ayaa wuxuu yiri berigii ololahii reer miyiga ayaan tagey tuulo xoogaa durugsan oo dhaxaysa

buur hakaba iyo baydhabo wuxuu maqaalkiisa ku sheegay inuu tuuladii cid ka af garan waayay oo uu markii danbe helay nin oday ah oo af carabi fusxi ah ay isku af garteen, runtii ma rumaysnayn in heerkaa lahjada mayga loo garan waayo

 

Waxaan kale oo aan doonayay inaan ku darsado mowduucan kobcinta afka soomaaliga magacyada raggii hore ee soomaalidu la bixi jireen oo la yaableh markaad u fiirsato waayo wax kasta oo dhaqaaqa oo noole ah waa loogu magac dari jiray duur joog kuwo xamaarta kuwa duula kuwa aan dhiigga lahayn dabeecadda geedaha hakal reebin wax kasta,,,

 

Carabtu inta badan waxay isugu magac daraan xayawaanka quruxda badan ama dilaaga ah sida

Fahad,nimir,saqar,asad qasaali iwm,oo la mida haramcad,shabeel,glayr,libaax,deero iwm.

 

U fiirso somaalida magacyadooda

Waraabe, good, shabeel, kaneeco, dhuurcas, jirac, dabay,l rooble, maygaag, xoor, baarqab, abees, malow, kaluun, iyo kuwa kaloo aan inaba lasoo koobi karin,waxaa kasii cajaa'ib badan intaas oo magac luuqadeena magac la dhibsado kuma jiro haduusan ku qotomim noole diinteenu xaraamaysay, iyo dameerka oo aan garan waayay waxa lagu maagay ahna noole qiimo badan xagga samirka ama dulqaadka daki nimada garashada oo kama lumo gurigiisa iyo dariiqiisaba aadna u manaafacaad badan,,,,intaasu waa qayb yar oo aan u fiirsaday dhaqankeena guunka ah.

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Sow intaan fadhi ku dirirka ku mashquulsanaa baa halkan laga noolaaday. Aqoon iswaydaarsi xiiso iyo waxtar leh baad wadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Aad baad u mahadsan tihiin inta qoraal ku soo kordhisay mawduucan iyo inta akhrisayba. Waxan jeclaan lahaa inaynaan dhaqso uga gudbin Af-maayga.

 

Intan baan ku darayaa intii hore:

 

Bariideena =subax wanaagsan.

Nepeda kabariini=nabad ayaa lagu baryey.

Se lakabariyi?=Maxaa lagu baryey.

Faayne =Waa fiican nahay.

Hergeleena? =iska warran maanta?

See atiing?=Sidee ayaad tihiin?

Faayne =fiican=

Nepeda kahergelni= Nabad ayaannu ku har-galnay

Jirinya = waan jiranahay.

Dhuuri Ihaaye= xanuun baa i haya.

Mathy dhuury =madaxaa i xanuunaya.

Alooly dhuury = calooshaa i xanuunaysa.

Gooy Dhuur = ilig xanuun.

Maghagha? = magacaa?

Maghaaghey Ali = magacaygu waa Cali

Meghaa Jarty? = meeqa ( imisa ) ayaad jirta?

Kooy = kaalay( imow)

Fadheew= fariiso.

May subiyoyte? = maxaad suubinaysaa (samaynaysaa) ?

Walne = waxba

Inte anjeede?= intee u jeedaa( xaggee ayaad qabanaysaa)?

Suuktah anjeede= suuqa aan u jeeda ( suuqa ayaan qabanayaa).

Hunguri amooye= cunto ayaan cunayaa.

Inte kukoyti?= meeshee ( xaggee) ayaad ka timi?

Shuqul’aa kukooyi= shaqo ayaan ka imi.

billan =naag (bilcan )

llmoogey=carruurtayda

so’ = hilib

wang = caano

ming= guri ( min ).

 

Meelo haddaan khalday cid garanaysaa hadday jirto inay saxdo ayaan ka codsanayaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this