Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga, qaybtii 2aad

Recommended Posts

Positive   

Taxane weeyaan dabo socda qaybtii hore ee aan soo gudbiyey waxaanna rajeynayaa inaad ka faa'iidaysan doontaan.

 

Carraabihii iyo dhurwaagii

 

Sidaan u soconayey ayaan mar qura soo hambabaray. Hareerahayga markaan eegay ayaan ogaaday in aan hal cabaar ah ka soo socday meeshii sheekhu degganaa oo run ahaantii aan saddex meeloodow labo meelood ku soo dhowaaday meeshii reerkayagu yiil. Inkastoo dareen igu dhashay oo aan la yaabay sababta aanan waqtiga iyo fogaantaan soo gooyey u dareemin haddana waxaan isku qanciyey in maankaygu ku foognaa waxaan markaas u arkayey xaq-darro ay iskula kacayaan dad walaalo ahi. Waxaanse la sii yaabay sida ay dadku uga damman yihiin in ay arrinkaas ka garaabaan. Weligay waxaan moodi jiray in dadka waaweyni xaqa iyo baadilka saani u kala sooci karaan, Laakiin taas shaki ayaa hadda iga galay markaan arkay hayb sooca lagula kacay dadka qaarkii.

Socodkii anigoo sii wata oo casar gaab ay soo noqotay kuna xisaabtamaya in marka qoraxdu godka gasho aan reerka gaari doono ayaan waxaan arkay labo like oo dhulka ka soo foocay. Intaan ku bayray oo dhulka oo rays lahaa awgeed gacmaha ku qoday ayaan cunay anigoo ka dhigtay cuwaafo aan jidka ku sii maro. Haddana geed sarmaan ah intaan laan dheer oo qodax leh ka goostay ayaan anigoo tallaabo dheeraynaya ku dhacay wadiiqadii aan hayey. Markaan wax yar socday ayaan meel hortayda ah ka maqlay reen ka baxaya. Geed higlo ah oo gaaban intaan jiriddiisa isku soo loohay baan jeedaashay meeshii reenka iyo sawaxanku ka baxayey. Waxaan arkay waraabe meel jabad ah oo cayo badan ku dhex jira. Markaan u sii fiirsaday waxaan arkay isagoo dhulka qodaya oo cayadiina rifaya. In cabaar ah markuu dhurwaagii hawshaas ku jiray ayuu intuu sare joogsaday oo hareerihiisa eegay xaggaas iyo qorax dhac u dhaqaaqay isagoo afar qaadlaynaya.

 

Anigoo gacanta midig ku xejisanaya ushii sarmaanta ahayd ayaan soo dhukusay oo soo dul istaagay goobtii waraabuhu ka dhaqaaqay. Waxaan arkay in dhurwaagu meesha intuu god ka qoday uu markaas laamo cayo ah ka buuxiyey godkii . Ilayn dhurwaagu wuu geedo goostaa ayaan maqli jiray ee intaan godkii ka mariyey wixii ku jiray ayaan anigoo raad-tiranaya dib ugu noqday geedkii higlada ee aan markii hore ka soo dhaqaaqay.

 

Wax yar ka dib mise waa kan waraabihii oo dheg la qabto aan lahayn. Markuu godkii is kor taagay oo uu arkay in looga dambeeyey ayuu xagga u cararay oo xaggan kale u carraray oo duryamay. Halkaygii baan isku nabay oo isha ayaan la raacay hadba geeska uu u cararo anigoo isla markaas diyaarsaday ushaydii kuna kalsoon in uusan iga faa’iidi karin hadduu i soo weeraro. Markuu waxba waayey ayuu godkii soo dul istaagay mar labaad oo cayadii ku celiyey. Sidii markii hore oo kale intaan yeelay ayaan anna ka guray godkii wixii uu ka buuxiyey.

 

Saddex goor markaan ka guray isaguna ku guray godka cayadii oo uu mar kasta cartamay oo xayraamay ayaan markii afraad cayadii oo dhan gacanta ku qaatay oo iskala dhaqaaqay. Isagoo xiimaya oo ufo kicinaya ayuu dhaqso ii soo galay. Markuu i arkay ayuu xagga iga maray oo xaggan kale iga maray oo intuu daryaamay afka kala waaxay laakiin uma jixinjixin. Intaan ushii qodaxda badnayd ee aan sitay ka buuxsaday ayaan hore ugu socday jahadii aan awalba u socda. Intuu markii dambe iska degay ayuu iska kay dabo dhuraaqiyey. Markii aannu cabbaar sidaas isu dabo soconay, qoraxdiina ay sii gaabatay oo liiqa dhigtay ayaan arkay geed lebi ah oo dheer oo hortayda ku yaal. Intaan ku bayray geedkii oo dusha uga baxay ayaan ku fadhiistay rako fiican. Waxaan hoos u soo eegay dhurwaagii oo geedka hoostiisa soo istaagay.

 

Markuu dhowr goor ku wareegay geedkii oo ay talo ku caddaatay ayuu af labadii yeeray….. Aaaaaaa…… Aaaaaaaaaa…….Aaaaaaaa. Intaan ci’dii afkiisa ka soo dhammaan ayaa waxaa hareer kasta ka yeeray ci’ waraabayaal kale……Aaaaaaa……..A……Aa.

 

Erayada aan calaamadiyey u fiirso. Haddaad micnahooda nala wadaagi kartona waa kuu furan tahay.

 

Nabad-gelyo inta ka horaysa kullanti dambe haddii Eebbe idmo iyo cashar kale.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

anigoo ka dhigtay cuwaafo aan jidka ku sii maro.

Erayga cuwaafo oo aadan ku darin kuwaad calaamadisay baa igu cusbaa macalin inta kale waan qiyaasi lahaa:)

cuwaafo markaas ma sahay bay u taagantahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Cuwaafo= ( waa kelmad beryahan dambe ku soo biirtay Af-soomaaliga) cunto dhereg-dhacsi ah; cunto yar oo u dhaxaysa waqtiga cuntooyinka muhimka ah oo aad cunto adigoo aan gaajaysnayn.

 

Fiiro-gaar ah: Macalin isuma haysto ee waxaan isu haystaa arday aan ka marnayn inuu isna cid u faa'iidayn karo.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

B]Hambabara[/b]y.(waa marka hurdo ku dhaafiso danahaggi tasarufkaad bixiso markaad toosto)

Maankaygu (maskaxdaydu )

Foognaa (waxaan filayaa inuu yahay erayada cusub waxuuse halkaan u taagan yahay ku wajahnaa)

Damman (moog ama aan sahal wax ku garan,tusale doqonu hadal kama damana)

Like (waa geed hoose oo dhulka sida bataatiga hoos ugu baxa ama kasoo fooca 4gees u dilaacamarkuu bislaado lana cuno)

 

Rays (waa marka roobku da'o ciidda qoyan)

Sarmaan (waa geed qodaxdiisu salka ka buudhan tahay foorina samayso mar dabayshu ku dhacdo)

Wadiiqadii (wadadii,jidkii)

Reen (taah uu bixiyo xooluhu siiba riyaha markay fariistaan)

Higlo (waa geed weyn geedaha cimriga dheeraada ku jira)

 

Jabad (xerada laga guuray waa hore oo sii baaba'day)

Cayo (geed hoosaad biyoole ah sida khudrada dabiicina u baxa)

Rifaya (fooda ka jaraya ama goynaya)

Afar qaadlayn (sida ay u ordaan xayawaanka afarta adin leh)

DHukusay (waxaan filayaa inay u taagan tahay gaatamay)

 

Geedogoostaa (sixir ama fal waxayna tiraahdaa soomaalidu waxaa xayawaanka ugu geedo goosasho badan saangurta ama kabsasta)

Raad tiranaya (si aan raadkaag loo arag ama loosoo raacin)

DHaglaqabto lahayn (iska fiiri eraygan macnihiisa iyo oraahdiisa isma leh,soo xiimay orod aan gabasho ku jirin)

Duryamaya (guryamaya cod hoose oo aan la garan karin)

Cartamay (xanaaq kii ugu danbeeyay oo xataa geedaha burburiya, xayraan waa xanaaq aan cartan gaarin)

 

Xiimaya (orod aad u dheer)

Ufo (dabayl yaroo istaagta oo xawaare sare ku socota)

Daryaamay (sawaxan cod aad u weyn oo meel fog laga maqlo)

Jixinjixin (u beer nuglaan u baqan )

DHuraaqiyay (waraabuhu qaarka danbe ayuu u gaaban yahay saa darteed baa dhuruqaa somaalidu ugu bixisay qaabka socodkiisa)

Liiqa (marka qoraxdu gaabato walina aysan baalka dhigan)

 

Dusha uga baxay (iska fiiri eraygaan magaciisa iyo macnuhuu samaynayo isma laha dusha sare geedka ka fuulay ama uga baxay)

Rako (waa geedka dushiisa laamo isku baxay sidii sariirtiina u samaystay ama dad ha sameeyo waa rako)

Aflabdii yeeray (iska fiiri eraygaan qaylo aad u dheer afka la taagay)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Si aad u wanaagsan oo xarago leh ayaad u fasirtay.

 

Haddaanse ku yara noqdo erayga maan iyo maskax waa kala labo. Waxaynu niraahnaa " maan dooriye ayuu cunay" ama "kala maan baannu nahay". Ma niraahno maskax dooriye ayuu cunay ama kala maskax ayaannu nahay.

 

Fasirku wuxuu markaas noqon karaa:

 

Maan= naf; nafsi; qayb aan indhaha lagu arki karin oo qofka ka mid ah.

Maskax= cad hilib ah oo lafaha madaxa gudihiisa ku jira ilaa laf-dhabartana dhexyaal ku leh.

Foognaa= mashquulsanaa; hawshaysnaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa sax toosiyow waa kala macne sidaad u sheegtay maan waa qaybta garashada ee maskaxda ku dhex jirta (maan dooriye=garasho la'an)

tusaale wuu maan doorsoonaa markuu arimahaas ku kacayey,,,ama garasho ma lahayn.

 

fiiro gaara macalinku waa arday wax bartay sidaada,,, towfiiq insha allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Gooni iyo Toosiye, waad ku mahadsantihiin cilmiga aad soo bandhigteen.

 

 

sadex ayaad qofka ku barataa,

 

inaad jabad la gasho

inaad jadiin la cunto

iyo inaad jid la marto

 

 

meesha dhaheyso jadiin la cunto, waxaan filayaa iney tahey qeeb ka mida ama nooc ka mid hilibka geela, bal arrintaa ii soo kala cadeeya idinkaa geel jirayaal ahee

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Geel jire maxaa la dhahaana:D

waa ku salaamay saxiib sadexda arimood ood soo bandhigtay horta waa xikmat aragtidayda waxay ku soo aroortay hadaadan arimahaas 3da ah qof la marin ma'aadan baran weli waana mihiim qofka aad doonayso inaad barato inaad sifahaas mid ka mida la marto,, kow

 

Inaad jabad la gasho waa sarbeeb waa inaad gabar islaameed guursato nolasha la qaybsato ka dibana barasho cajiiba idin dhex marto

Inaad jid la marto waxay ka mid tahay barashada aan wax la kala qarsan karin dabeecad, deeq,, geesi fulay, bakhayl, deeqsinimo, iwm.

Tan 3aad ee kuugu muhiimsan aragtidayda jadiin waxaan u aqaan wax kasta oo dhuunta ama hunguriga sii mara una socda caloosha,raashin biyo caano iwm

dad badana jadiin waxay u yaqaanaa hunguriga qudhiisa tusaale (jadiinkaa ii qalalay) ama (jadiinkiisa waxba ma marin biyo madowna haku ahaatee)

marka jadiin la wadaag waa hunguri la wadaag wax wada cuna caba si aad isu barataan.

 

toosiyana waa kuu haray,.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Af-soomaaligu waa hodan dhinac kastoo la eego.

 

Duur-joogta oo waraabaha, libaaxa iyo dacawadu ka mid yihiin, waxa ay soomaalidu ka samaysay sheekooyin badan; waxaase dheer sheekooyinka oo badi loogu talo galay in lagu madadaasho ama carruurta lagu maaweeliyo gabayo asteeya xayawaanka. Tudcahan soo socda oo Xuseen Dhiqle leeyahay ayaa ka mid ah gabay uu tiriyey oo ku salaysan sheeko loo yaqaan Qayb Libaax oo caan ka ah carriga dadka Af-soomaaliga ku hadlaan degaan.

 

Wuxuu yiri gabyaagu:

 

• Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

• Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye

• Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

 

• Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

• Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

• Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

 

• Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

• Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

• Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

 

• Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

• Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

• Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

 

• Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

• Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

• Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

 

• Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay

• Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare

• Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

 

• Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

• Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

• Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey

• War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan.

 

Dhammaad.

 

Waynu isla eegi karna erayada aad micnahooda garan weydaan.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

1-Qabbabaalihii

2-'Hoor'

3-Qataabsadye

4-Qambaruursi

5-Danuunacaye

6-Qoorqabkii

7-Qummud

8-Qudraba.

 

Erayadan ma sahlanaan lahayn inaad kaligood oo mutaxan fasirto hadaysan araah raacsanayn, tan kale gabaygaan wuxuu ku jiraa gabayada quruxda badan oo taabanaya mar haduusan xuseen dhiqle joogin madaxtooyadii taleex sayidkiina iska dabaayshaday in la iska maamusha naado oo ahyd sayidka walaashiis sidaan filayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Buugga af-soomaaliga waxa ku taal: 'Qayaash maash' ereygaas micnahiisana looma dhaafin: 'erey af Xabashi ah'

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday

Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah

Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye

Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye

Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og

Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye

Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye

Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay

Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay

Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e

Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey)

Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye

Nin abkii somaali yahoo aarsan baan ahaye

Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

 

raage ugaas gabayadiisa wax badan lagama hayo sida la sheegay wuxuuna ka mid ahaa ragga ugu horeeya gabayada iyo afka somaaliga

bal isku daya inaad erayadan noo fasirtaan haddii alle idmo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Gabayada in la fahmo ama la micneeyo aqoon sare oo af-soomaaliga ah ayey u baahan tahay; gaar ahaan ma sahlana in la fasiro gabay la tiriyey muddo laga joogo 120-140 sida gabaygan uu Gooni soo gudbiyey oo kale.

 

Si kasta ha ahaatee erayada calaamadsan waxaa loo micnayn karaa sidan:

 

uugaamo= guux; dhawaaq xoog leh oo ay bixiso dhibicda roobku(halkaas ila fiiriya).

oof= lafaha feeraha; feeraha bidixda ama midigta ama xubno hoose oo ku beegan oo xanuun hayo.

aboodi=magaca shimbir; shimbir inta badan saaladeeda uun la arko laakiin iyada aan la arag; shimbir la yiraahdo ishaaro xun ayey bixisaa.

oogle= ( micnaha gabayga) Oogle waa magac nin( wuu ku magac qabsanayaa oo wuxuu u jeedaa "ninkii"- halkaas ila fiiriya).

iim= dhaawac; nabar helis ah; bukaan caabuq ah oo halis ah.

arami= malax; nabar malax yeeshay.

olol=( micnaha gabayga) cida geela.

Illin= meel furan oo laga galo meel loo socda; kadinka hore ee guriga laga soo galo.

uurkutaalo= murugo, calool xumo.

igdho= ( micnaha erayga ee gabayga) khasab loogu xereeyey; khasab ku guursaday; qof dumar ah oo nin khasab ku guursaday.

 

Erayga soo haray ee ah afdhabaandhow idinka ayaan idiin daayey.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Oogle ma magaci gabayga oo keliyaa mise ereyga oogle micni u khaas ah ayuu assal-raaciisu leeyahay?

 

Oog = oogada jidhka

le = aanan lahayn, amba daraynku saaqin.

ama diirnaxa ama dub naxa aan lahayn, naxariis la'?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this