Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland ambassador to kenya receives a delegation from Denmark+ PICS

Recommended Posts

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah Daawo

Written by Qaran news

Mar 11, 2011 at 12:36 PM

 

SomalilanKiiniya2.JPG

Kenya,(Qaran news)-Wafti aad u heer sareeya oo ka yimid dalka Denmark oo baryahanba booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya taasoo ay ugu kuur galayaan , daraasadna ka diyaarinayaan sidii ay xog buuxda uga heli lahaayeen dalalka Africa ee ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo amniga, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ee dalka Kiiniya qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qaran news, ayaa isga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sida hoos ku xusan

 

Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo

SomalilanKiiniya2.JPG

Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani.

Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arimaha ay kamidka yihiin:

1.Arimaha budhcad badeedka

2.Adkaynta nabad galyada Somaliland

3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland

Waxa ugu horayn waftiga kusoo dhaweeyay Xafiiska Somaliland ugana mahad celiyay imaatinkooda Safiirka Somaliland ee Kenya mudane Mohamed Ahmed Indhabur, kadib waxaa halkaas hadal mahad naq ah kazoo jeediyay madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan.

Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirku xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland.

Shirkaas ayaa kuso gebogeboobay is afgarad iyo guul , waxaanay waftigu xubno kamid ahi balan qaadeen inay booqanayaan Somaliland si ay u helaan sawirka dhabta ah iyo waliba mashaariicda u bahaan in laga bilaabo.

SomalilanKiiniya3.JPG

 

P1020334.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Oo Wafti Denmark Ah Kula Kulmay Magaalada Niarobi

 

Hargaysa (HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Wafti ka socda dalka Denmark.

 

Waftigan ka socda dalka Denmark ayaa la sheegay inay marayaan dalal badan oo African ah, kuwaasoo ay ogaanayaan Xaaladaha dhabta ah ee ka jira, gaar ahaan Waddamada ay ka taageeraan Horumarinta iyo Ammniga. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska siyaasada ee Somaliland ayaa lagaga waramay Kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo Waftigaa Denmark oo uu Guddoomiyuhu warbixin ka siiyey Xaallada Somaliland hadii ay tahay Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo arrimo kale. Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo

 

Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani.

 

Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arrimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha ay ka midka yihiin:

 

1.Arimaha budhcad badeedka

 

2.Adkaynta nabad galyada Somaliland

 

3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland

 

Waxa Waftigaa qaabilay safiiska Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Indho buur

Madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan.

 

Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this