Liqaye Posted March 11, 2011 Wafdiga Waax iyo Waadi oo kulan la yeeshay Imaam Maxamuud Imaam Cumar kana wadahadlay sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha dowlad goboleed. Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa Gurigiisa ku Qaabilay Wafdigii ay Hogaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Maamul U Samynta Deegaanada Waax iyo Waadi Jawaahir Baarqab iyo Wafdigii ay hor kacaysay oo Dhowaan ka Yimid Dalka Ingiriiska,Wafdigaas oo ay ka mid ahaayeen Sayid Cali Wasuge, Saciida Cilmi Jalle,Dahabo Maxamuud Max,ed,Xaawa Cismaan Caynte iyo Deeqo Abuukar Gacal. Uagu horreyn waxaa halkaasi Warbixin dheer oo Dhinacyo badan taabanaysay ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Maamul u samaynta Deegaanada Waax iyo Waadi,iyadoo faah faahisay Ujeedada fog ee ay kaleeyihiin Maamul Goboleedkaas oo ay sheegtay in ay doonayaan Dadka ku nool; Waax iyo Waadi in ay helaan Maamul ka tarjuma Rabitaankooda Isla markaana danahooda u adeega. Guddoomiye Jawaahir waxay ka Codsatay Imaamku in uu Taagero Dhismaha Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr.Cumar C/qaadir Axmed Fiqi (Cumar Shariif) oo ah Wakiilka Est Afrika ee Waax iyo Waadi,wuxuuna ka warbixiyay Dadaalka loogu jiro Maamul U Samaynta Deegaanada Waax iyo Waadi iyo Halka ay marayaan,wuxuuna sheegay in Qabanqaabada loogu jiro howshaasi ay marayso meel waaagsan,Sidaas Daraadeedna ay u baahanyihiin Taageerada Imaamka. Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Gabagabadii Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu Horay u Taageeray Dhismaha Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi Oktoobar Sanadkii hore, Kulankii lagu qabtay Hotel Nasahablood 2 oo ay ka soo Qayb galeen Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada. Imaamku Wuxuu hoosta ka xariiqay in uu Soo dhoweynayo Dadka uu Imaamka u yahay Haddii ay Hurdada ka kaceen oo ay Sameysanayaan Dowlad Goboleed ka Tarjuma Rabitaankooda,wuxuuna Carabka ku adkeeyay Imaamku in uu si Buuxda u Taagersanyahay Dadaalkaan ay Wadaan Gabdhaha Deegaanada Waax iyo Waadi. Ugu danbeyn Imaamku wuxuu u Duceeyay Dhamaan Dadka ku abtirsada Deegaanada Waax iyo Waadi Gaar ahaan Guddigii ku Booqday Hoygiisa.wuxuuna si gaar ah ugu duceeyay Howl wadeenada Waax iyo Waadi iyo in uu ilaahay hirgeliyo inta ku howlanna ajir iyo Xasano ka siiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted March 11, 2011 Somalina;701388 wrote: What's funny? Waa su'aale muxuu ku qoslay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 15, 2011 Mayee Wax iyo Waalni. Maamul gobolleed qalad laga fahmay. Bishii hore waxaa arkaaye on Universal another afku sheeg maamul gobolleed loogu wanqalay magaalada Landhan, loona bixiye Jubbaraas. Koow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 15, 2011 How many clan states are there now in Somalia Puntland Galmudug state ximan iyo xeeb jubbaras udubland Jubbaland waax iyo waadi Hiiraan state midstate And then there is the 3 political parties Somali dempcratic party SDP AND then there is hiilqaran And xisbal islam even though they joined Alshabaab And then there is Alshabaab iyo dawlada meel ma gaadho iyo Ahlu sunna wal jamaca Quote Share this post Link to post Share on other sites
bilan Posted March 15, 2011 you forgot to add SOMALILAND Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 15, 2011 bilan;702336 wrote: you forgot to add SOMALILAND Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 15, 2011 That would've make sense if we were part of Somalia but that's not the case here besides not a clan state to my knowledge:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted March 15, 2011 bilan;702336 wrote: you forgot to add SOMALILAND How could he forget SNM, SSC and Raaskambooni.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 15, 2011 ^^^^ SSC is a jabhad and i don't know about raaskambooni ma kooxdi xassan turki ba. And SNM were former freedom fighters who fought for the independence of Somaliland SNM ceased to exist in may 1993 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted March 15, 2011 Waryee ,,,, SSC waa dhul, waana wadan...juquraafiga soo baro teeda kale Raaskambooni waa kuwa Diif wacdaro ka dhigaya...waamonews.com gal...adaa arki doone... Quote Share this post Link to post Share on other sites