Sign in to follow this  
Liqaye

Al-Shabaab oo degaanada ay ka taliyaan dadka ugu hanjabay cidii aan ka qeyb gelin dagaalka

Recommended Posts

Liqaye   

Dadka degan gobolada ay maamulaan Xarakada ururka Al-Shabaab ayaa waxaa soo wajahay xaaladii ugu darneyd abid oo iminka soo food saartay noloshooda, kaddib maamulada goboladaasi ee Al-Shabaab ay laba farood u taageen waayeelka iyo caruurta aan qaangaarin inay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

 

Degmooyinka Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud, Bay iyo Bakool, Shabeelooyinka iyo gobolo kale maamulada Al-Shabaab ay ka bilaabeen muxaadarooyin dadka lagu dagaal gelinayo looguna baaqayo inay dagaalada ka qeyb qaataan.

 

Hanjabadaaha iyo caga jugleynta dadka rayidka ah ee ururka Al-Shabaab oo maalinba maalinta ka dambeysa isa soo tareysa, ayaa wararka naga soo gaaraya gobolada dalka waxay sheegayaan inay keentay barakac ka bilowday degaanada qaarkood.

 

Hhanjabaadaha iyo digniinta Al-Shabaab ay u jeedinayaan dadka dhibaateysan ayaa waxay sheegayaan dadweynaha inay ugaba sii daran tahay xaaladda abaaraha ka jira degaanadooda, iyagoo ku jira dagaal nolol raadis ah hadana loogu sii daro dagaallo aanay wax shaqo ku lahayn.

 

Deegaanada ay Al-Shabaab dadka ugu hanjabeen ayaa waxaa ka mid ah Degmada Cel-dheer, waxayna odayaasha deegaankaasi ku wargeliyeen inay keenaan dhalinyarada, hadii keeni waayaan talaabo laga qaadayo, iyadoo dadka deegaankaasi ku dhaqan ay bilaabeen inay deegaanadaasi ka barakacaan.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Daciifnimo ayaa keentey in waayeel loo hanjabo. Shaley ayey ahayd markii ay waayeelka warkooda la dhageysan waaye, maantana waxaa la rabaa in ay ka qayb qaataan dhiig daadinta ay ku jiraan.

Ha idinka saarto dheh! qurunka xayawaaniinta ah meel ay galaan ayey waayeen markaan.

 

Meel walba ayaa laga karaahiyeystey habaar qabayaashaan. Uff

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this