Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faisal Cali waraabe: ucid opposition leader Pirate state the weakest Clan state of Somalia

Recommended Posts

Cid Ina Soo Weerarta Waxa Ugu Itaal Yar Mamuulka Buntiland

 

Mana Haboona In La Yidhaahdo Xisbi 10Sanno Jiray Ayaa Ka Baqaya Urur Jilib Yari Samaysanayo,Waftiga Ingiriisku-na Anaga Nalaga Muu Hadal Ururada”

 

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe,

 

Hargeysa, March 9, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay cabsi ka qabin ururo siyaasadeed oo la furo, balse waxa u tilmaamay inay diidan yihiin in ururo Jilib hoose ka soo jeedaa ay abuurmaan, isagoo intaa ku daray in guddida talo bixinta ururada loo saaray ay Xubnahoodii saddexda xisbi qaran aqlabiyada ay leeyihiin uu ku tilmaamay in shacbiga Somaliland ay ku wada dhan yihiin, isla markaana aana la odhan karin kama talin karaan ururada.

 

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii ay kala hadleen xisbigooda Waftigii uu hogaaminayay Safiirka Britain u fadhiya Addis-Ababa ee shalay dalka booqashada ku yimid iyo arrimo ku saabsan weerarkii Maleeshiyada ******teeniya ku soo qaadeen Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida hore doraad iyo arrimo kale.

 

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo shalay xogwaraysi kooban Haatuf kula yeeshay khadka Telefoonka, oo ka hadlaya arrimahaas, waxa uu yidhi “Waxay naga waraysteen hawlaha aanu qabano muddooyinka doorashooyinka u dhaxeeya iyo qaabka aanu u shaqayno, waxa kale oo aanu kala hadlanay dacaayadaha Somaliland laga fidinayo deeqaha ay siinayaan inay yihiin kuwo aqoonsiga Somaliland lagu diidan yahay, Soomaali Jacaylna maahee waa cadaawad lagag soo hor jeedo kaalmada horumarineed ee Biyaha iyo Waxbarashada na siiseen ayaan ku nidhi”

 

Mar aanu weydiinay Guddoomiyaha UCID in furitaanka ururada Siyaada ay wax ka weydiiyeen Waftigu, waxa uu yidhi “Anaga xisbi ahaan nagamay waraysan, laakiin qolada UDUB wey kala hadleen kulankii ay la yeesheen ururada Siyaasada, oo xisbi kasta kulan gaar ah ayay la yeelanayeen”.

 

Guddoomiyaha UCID mar aanu weydiinay waxyaabaha uu ku diin yahay in ururada siyaasada la furo, waxa uu yidhi “Anagu xisbi ahaan haddii ururada la furo, waxaan qabnaa ururka maanta la samaynayaa, urur beeleed noqon maayee waxa uu noqon doonaa urur Jilib, wax baqdin ah oo uu nagu hayaa ma jirto, laakiin wixii aan dalka dan u ahayn oo kooxi inatay Ajinabi la sheekaysto tidhaahdo ururaa u dana dalka taasi waanu diidanahay, waxan ay ku sheekeeyaan ee ay yidhaahdaan Axsaabtaa baqaysa xisbi 10 sanno jiray iy urur maanta Jilib yari samaysanayo wax la maseeyo maaha, waxa aanu aragnaa khatarta ka soo socota, laakiin anagu wixii la isku raaco diyaar baanu u nahay haddii ay guddidaa maanta la saaray soo saarto diyaar baanu u nahay xisbi ahaan. Laakiin waxaan qabnaa in dadka waxan wada aanay dalka u danaynayn ee ay u danaynayaan Naftooda, Axsaabna lama rabee Guddoomiye xisbi baa la doonayaa iyo waxa jira reero Jilib ahaan Axsaab ugu fikiraya taasuna suurto gal maaha”.

 

Mar aanu wax ka weydiinay Guddoomiyaha UCID hadalkii xiligii ololaha doorashada Mdaxtooyada dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii uu ku sheegay haddii uu waayo in aany mar saddexaad isku soo sharixi doonin madaxweynaha, balse aanu wareejin doonin arrimahaasi inay wax iska badaleen iyo in kale, waxa uu yidhi “Horta xisbigani waa Dimuquraadi marka shirweynaha xisbigaasi yimaado ayaa arrimhaasi laga hadli karaa, imika arrimahaasi nooma yaalaan, waxa se hadda noo yaala siduu xisbigu ugu diyaar garoobi lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee uu iskugu habayn lahaa, marka Congeries-ka xisbigu yimaadana qof kasta oo xisbiga ka mid ah xaq buu u leeyaay inuu iska dhex sharaxo xisbiga gudihiisa, sidaa darteed saddexda xisbi dadka ku kala jiraa ayay ka Wakiil yihiin waana axsaab qaran wixii talo qaran ahina waa laga talo galinayaa, afar qof oo is urursadayna ma odhan karaan kama talin karayno, shacbiga reer Somaliland saddexdaa xisbi ayay ku wada dhan yihiin oo Footkoodii-na ay kala siiyeen”.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID oo ka hadlaya weerarka ******teeniya ay doraad ku soo qaaday Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida Gambadha, waxa uu yidhi “Wax ina soo weerara wax ugu itaal yar ******teeniya, Ciidamada qarankana waanu ku gar taaganahay difaaca dalka iyo xuduudaha dalka”.

 

Dhinaca kale waftiga dawlada Britain ee hogaaminayay Ambasadorka Dawladaasi u fadhiya magaalo madaxda Itoobiya ee Addis ababa ee shalay booqashada ku yimid dalka oo hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kulano gooni-gooniya kula yeeshay saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Udub ayaa la sheegay, in waftigaasi ay axsaabta siyaasada culays weyn ku saareen, islamarkaana u soo jeediyeen inay ka tanaasilaan mawqifkooda ku wajahan furista ururada siyaasada gaar ahaana Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka Udub ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay Haatuf u xaqiijiyeen, in kulanadoodii sida gaar-gaarka ah ay ula yeesheen waftiga Britain ay kaga dalbadeen sida dimoqraadiyada loo kobciyo ay tixgaliyaan furitaanka ururada siyaasada.

 

Iyagoo ilo-wareedyadu intaa ku dareen, in gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyeen xubnokale ay ku adkaysteen inaanay ka tanaasilaynin mawifkooda ay kaga soo hor jeedaan furashada ururada siyaasada.

 

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir oo isagu waftigaasi xisbigooda ugu xilsaareen kulankaasi, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in kulankii waftigaasi dhex maray ay iyagana ka dalbadeen inay dhaqan galiyaan balanqaadkii furashada ururada siyaasada ay ku balanqadeen xilligii ololaha doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2010-kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

X.Xunduf waaba ayaandarro haddii aad midkaan warkiisa taageereysid. Weligey nin ka faan iyo bakh bakh badan ma arkin....Waraysi uu siiyey Universal baan xoogaa ka fiirsaday.......Booto badanaa, Boosaasaa guban doonta iyo caanaha ha iska qubina iyo wax aan loo baahnayn. Ma wuxuu wax lagu hadlo moodey inuu yiraa degaanno Soomaaliyeed baan qaab qabiil u weerarayaa! Oo toloow ma hangoolkaa u qaban? Ilaahoow yaa yiraa nabaddu waa wax wanaagsan ee adna in lagu weeraro ma habboona adna inaad wax baan weerarayaa tiraahdid ma fiicna ee cago dhigo.

Reer Waqooyi waa loo yaabaa haddii adinkoo aqoonsi waayey aad Qadaafi-Ismoodkaan taageertaan oo aad hoggaamiye ka dhigataan! lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sool, Sanaag Iyo Buuhodle Beelaha Somaliland Way Wada Dagaan, Beelina Gaar Uma Sheegan Karto, Garoowe Madfacayagaa Gaadhi Doona Ee Caanihiina Ha Iska Daadinina”

 

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa March 10, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa uga digay maamulka ******teeniya, in haddii ay joojin waayaan dagaalka Isirnimada ay ku doonayaan gobolada Somaliland ee Sool, Sanaag bari iyo Buhoodle ay faraha kaga guban doonaan, islamarkaana Somaliland Madfaceedu gaadhi doono Garoowe iyo Boosaaso u gudbi doono dagaalku.

 

Gudoomiyaha UCID waxa uu ugu baaqay bulshada gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle inay iska gartaan cida dagaalka galinaysa ee aan doonayn horumarka deegaanadaasi, isaga oo xusay in ilaa iyo intii maamulka Somaliland gacanta ku qabtay Laascaanood ay hada aad uga wanaagsan tahay wakhtigii hore ee Puntland ka talinaysay, oo uu sheegay in wakhtigan xaadirka ah ay ka jirto nabadgalyadii, cusbitaaladii iyo Jaamacado shaqaynayaan.

 

Guddoomiyaha UCID waxa uu intaa ku daray, in aduunku maanta qirayo horumarka Somaliland ku talaabsatay ee dhinacyada badan, islamarkaana dunidu haatan u soo jeedsatay sidii ay Somaliland wax ula qaban lahayd xaga dhaqaalaha iyo horumarinta, taasoo u tilmaamay in cadawga Somaliland ka xun yahay horumarkaasi, islamarkaana wadaan sidii ay u burburin lahaayeen, isaga oo intaa raaciyay, in haddii Maamulka Garoowe ay joojin waayaan colaada dagaalku gaadhi doono magaaloyinka Puntland.

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo shalay uu ku qabtay xarunta Ucud ee magaalada Hargeysa, isaga oo sidoo kalena ka dayriyey dhinaca Media-yaha gaar ahaan Idaacada BBC-da iyo TV-ga Universal oo uu sheegay inay baahiyaan dacaayado iyo been ka dhan ah Somaliland, islamarkaana waxa u shacabka isticmaala iyo xukuumadda-ba ugu baaqay inay xayaysiisyada ay siiyaan ay ka joojiyaan TV-ga Universal, kana codsaday dawlada inay alaabada u xidho Tv-gaasi, oo uu ku tilmaamay Raadiyihii Ruwaanda ee Huutuuga ee dadka isku dilay

 

Gudoomiyaha Ucid shiraasi jaraa’id waxa uu sidoo kale kaga hadlay arrimo doora oo dhinacyo badan taabanaya.

 

Ugu horayn gudoomiyaha Ucid isaga oo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “waxaanu aduunka u sheegaynaa Somaliland labaatankaa sanadood waxay ahayd meeshii la odhan jiray Somalia meesha qudha ee nabad ahayd, waxay ahayd meeshii Somalia dagaalkeedu ka bilaabmay ee horseeday dawladii Maxamed Siyaad Barre ee digtaytarka ahayd in la mijo xaabiyo, waxay ahayd meesha kaliya ee bilawday in doorashooyin ka qabatay, waxay noqotay meesha Soomaaliyi ku soo nabad gashay markii Somalia-da talyaanigu gumaysan jiray dagaalku ka dhacay”

 

Faysal Cali Waraabe, Isaga oo ka hadlayay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday ee u dambaysay, waxa uu yidhi “Hada doorashadii u dambaysay oo noqtay mucjisooyinka ku soo kordhay Somaliland, oo Somaliland noqotay wadamada ugu dimoqraadisan ee doorashadii nabad galyo ugu dhacday ee si fiican xilkii loola kala wareegay ee adduunka usoo jeedisay, waxaa la bilaabay in adduunku siyaasadiisii ku wajahnayd Somaliland uu bedelo. waxay xaqa u lahayd hadaan loo dhamayn karayn, in horta xaga dhaqaalaha iyo horumarka laga caawiyo”

 

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in xuduuda Somaliland ay tahay mid calaamadsan oo aan lagu murmi karin waxaanu yidhi “Horumarkaa Somaliland ay gaadhay ka dib waxa aloosmay colaad aan inaga inagu jirin oo waxaan qabaa in dad durbaan gareeceen ay horseed ka yihiin siyaasiyiinta maamul goboleedka Gal-Mudug iyo ******teeniya, waxaanu ummada iyo adduunka-ba u sheegaynaa, Somaliland xuduudaheedu wax inagu aynu gacanta ku samaysanay ma ahee waxay la mid yihiin xuduudaha Africa, waliba inaga xuduudaheenu waa xuduuda qudha ee calaamadsan, markaa dadkan leh xuduudii Ingiriiska ma ogin, waa dadka wax lagu jaah-wareerinayo. waxay ku andacoonayaan dadkani gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay leeyihiin Isir ahaan baanu degnaa, waxaan ka xumahay inay taasi tahay Fikradii Maxamed Siyaad Barre ee gobollada dadna siin jiray dadna ka qaadi jiray, labadaa gobol iyo degmadaa dadka reer Somaliland way wada dagaan beelina gaar uma sheegan karto, haddii gaar loo sheegto waad ogtihiin oo cawska iyo biyaha ayaa la isku dili jiray markaa dhul-boob bay noqonaysaa.”

 

Faysal wuxuu ku eedeeyay reer Garoowe inay baa’biiyaan heshiis kasta oo la isku dayo in nabad lagaga aslaaxiyo dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya waxaanu yidhi “Dagaalkan qabiilka ee reer Garoowe wadaan kuma ekaanayo Laas-caanood iyo Buuhoodle ee wuxuu gaadhi dagaalkaasi haddii uu qabiil noqdo meel kasta oo Soomaali dagto, Soomaaliyi maanta uma baahna dagaal ee waxay u baahan tahay nabadgalyo. kuwa maanta leh Soomaali diid baad tihiin, inay iyagu Soomali Bi’yeyaal yihiin, Somaliland waa la ogyahay budhcad badeed kama hawlgasho, Somaliland inta dadka doonyo lagu guro bada laguma daadiyo, Somaliland maanta Soomaali way ku soo ku nabadgashay, reer Garoowe Somaliya heshiis kasta oo la qabto iyagaa baa’biiya.”

 

“Laascaanod ilaa iyo intii maamulka Somaliland gaadhay iyo maalintii hore wanaageedu wuu muuqdaa, maalintii hore nin doorkaa la iska ugaadhsanayay, cusbitaal ma shaqaynay, maanta nabadgalyadii, cusbitaaladii, Jaamacado ayaa bilaabmay markaa maanta inaad ku badalataan nin aan kuu dhisi doonin oo dagaal ku galiyo waxaan leeyahay maaha taas ee joojiya” “Reer Garoowe waxaan leeyahay dagaalku ma noqonayo waxaad wadaane Laascaanood iyo Buuhoodle ma joogayo Boosaaso ayuu gaadhayaa, Garoowe intaanu u jiro waad aragteen Madfacayaga gaadhi doona ee caanihiina ha iska daadinina.”

 

Gudoomiyaha Ucid ka hadlay dhinaca Media-yaha gaar ahaan BBC-da iyo TV-ga Universal oo uu sheegay inay labaduba wadaan, islamarkaana baahiyaan warar dacaayado iyo been ka dhan ah Somaliland, waxanu yidhi “Media-yaha gaar ahaan BBC-da iyo TV-ga Universal waxay gacan weyn ka gaysraan borobagaandhaha somaliland beenta lagu wado, Universal wuxuu so saray dad la leeyahay waxa la mariyey Taangoyo, dad taanigiyo la mariyey ma jirto, Universal hadu noqdo sidii Raadiyihii Huutuuga ee Ruwanda dadka isku dilay, waxaanu leenahay wixii reer Somaliland Universal isticmaala xayasiisyada halaga joojiyo, dawlada Somalilandna waxaanu leenahay ha ka xidho xafiiska Hargeysa”

 

Eng Faysal Cali waraabe, waxa kala oo uu shirkaasi jaraa’id kaga hadlay abaaraha wakhtigan xaadirka ah ka jira dalka, isaga oo Ilaahay uga baryay Roob, islamarkaana waxa uu ygy baaqay xukuumadda iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee bulshada in gurmad qaran laga galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this