Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president receives a delegation From the BCIMR bank+ PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabiley Wafti ka socdaSanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR Sanduuqa Horumarinta Ee France

 

 

Hargeysa (HWN) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday Sanduuqa Horumarinta ee wadanka France iyo baanka BCIMR, kaas oo hore xafiis uga furtay dalka Somaliland.

 

Hargeysa (HWN) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay dalka Somaliland.

 

Waftigan ayaa waxa ay madaxweyne ku xigeenka ka dhagaysteen warbixin ku saabsan xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay, heerka ganacsiga iyo baahiyaha ka jira Somaliland.

 

 

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Kaas oo uu saxeexnaa Afhayeenka Madxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xarunta Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Magaaladda Hargeysa.

 

Waxaanu warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan

 

Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa uu weftiga uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland waxaanu ku soo dhaweeyey Dalka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay xaalada Guud ee Dalka Gaar ahaan Dhinacyada Maalgashiga iyo Ganacsiga,.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay Horumarka ay Somaliland ka samaysay Dhinacyada Dhismaha, Ganacsiga iyo Dimuquraadiyada.

Waxa kale oo uu sheegay inay in ay Xukuumada Somaliland Gacmo Furanm ku soo Dhawaynayso Maalgashiga Dalka.

Mareeyaha Sanduuqa horu-marinta ee Dalka France Mr Levaneur Jocelyn ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Xukuumada uga Mahad-naqay sidii loogu soo dhaweeyey dalka Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay mid aan la dhayal san-karin sida Shacabka Somaliland iyo xukuumadu, ay isaga kaashadeen horu-marinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaanu mareeyuhu xusay in ay dhinacooda balanqaadayaan in ay Somaliland ka hirgelin doonaan Maalgashi wax ku ooll ah.

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa madaxweyne kuxigeenka kulanka kuwehelinaayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayradka, la taliyaha dhinaca Dhaqaalaha ee madaxweynaha, Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, iyo Chief of Protocol-ka Madaxtooyada.

 

Dhinaca Weftigana:-

 

1. Mr. Levaneur Jocelyn Manager

2. Mr. Andrien Absolu Development fund of Djibouti

3. Philippe Lagier Development fund of Pairs

4. Jerome Perrin Manager Business

5. Awil Mousa Jama Corporate Manager Bank

6. Saad mousa Director of Hargeisa "

 

ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaybgalay Shir Lagaga Wadahadlay Maaraynta Dhaqaalaha Somaliland Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa.

 

Hargeysa (Ramaas) Mar. 09, 2011- Kulan lagaga wadahadlayay maaraynta dhaqaalaha iyo maamul wanaaga, ayaa maanta lagu qabtay hotelka Maansoorka ee Magaalada Hargeysa.

 

Shirkani oo qaatay hal maalin waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo uu horkacayay Madaxweyne hu xigeenka Somaliland, madax ka socotay baanka aduunka, Qaramada Midoobay, baanka horumarinta Afrika iyo midawga Yurub.

 

Wasiirka maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay, ayaa sheegay xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay samaynta dhaqaale xasiloon iyo dib u dhis qaran, isla markaana hoos loo dhigo faqriga, taas oo qay ka ah koboc dhaqaale oo ay saldhig u tahay siyaasada horumarka dhaqaalaha ee Fiscal Policy.

 

Waxa uu sheegay wasiirka in dhaqaalaha lagu horumarin karo cashuurtaoo si wanaagsan loo bixiyo, iyada oo xukuumada hirgalisay guddida la dagaalanka musuqmaasuqa si oo uu dhaqaaluhu u noqdo mid ka nadiif ah wax isdaba marin.

 

Saraakiil ka socotay baanka aduunka iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay munaasabadaas, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka caawin doonaan sidii sugu lahayd la xisaabtan dhab ah oo lagu ogaan karo sida loo kharashgareeyo deeqaha ay bixiyaan qadhaan bixiyaashu.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in haddii cashuurta si wanaagsan loo bixiyo la helo doona dhaqaale adag, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si ay dawlada u hirgaliso adeegyo tayo leh oo loo fidiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayey Hirgelinta Maamulka Maaliyada Qaranka Oo Si Rasmi Ah Somaliland Uga Furmay Iyo Khudbadii Uu Madaxweyne Kuxigeenku Ka Jeediyey.

 

Waxa jira dhibaatooyin inna haysta oo ay ka mid yihiin awood laaan iyo habka cashuuraha loo uruuriyo oo aanan haysanin waxaanu u baahanahay sharcigii cashuuraha iyo maamulkii cashuuraha in horumar iyo dib u habayn lagu sameeyoWasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

 

Hargeysa(HWN):-Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta furey Shir caalami ah oo lagaga hadlayey hirgelinta maamulka maaliyada qaranka (Public Finance Management) oo ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo maalinle ah, waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Qorsheynta Dr.Sacad Cali shire, Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Maxamed Cabdi Xaabsade, Guddoomiyaha Guddida dawlad wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo hanti dhawraha guud ee qaranka, hayado caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah, Sidoo kale waxa ka soo qeygalay Baanka adduunka iyo baanka horumarinta Afrika, Qaadhaan bixiyeyaasha, Hayadaha caalamiga ah oo ay ka mid ahaayeen UNDP, UN/HABITAT,EU-da iyo kuwo kale. Public finance Management

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Waxaan ku faraxsanay inaan ka soo qeybgalo xafladan lagu sameynayo shuruucdii ay ku shaqeyn lahayd wasaarada maaliyadu oo aan ku tilmaami karo inuu sharcigani ka dhigan yahay weelkii wax loogu shubi lahaa Somaliland. Waxaan muddo kooban ku hirgelin doona shuruucda halkan lagu dejiyo, inkasta oo ay dhib tahay marka la dabakhayo sharci oo ay wakhti badan qaadato. Waxaan diyaar u nahay inaan ku dhaqano shuruucda maamul wanaaga, iyadoo dalkayagu ka soo baxay burbur, waxaana aanu rajaynaynaa inaanu muddo kooban ku hirgelino. Nidaam toosinta dhaqaale waa mid dantayadu ku jirto. Waxaan shacbiga Somaliland dareen siinayaa inay ogaadaan in cashuuruhu yihiin waxaynu doonayno inaynu dalkeena ku dhisno oo ku horumarino,ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiHalka aan maanta taaganay ee ah Madaxweyne kuxigeenimada waxaan ka soo bilaabay Siyaasada dawladaha hoose ee boorame, waxa dhib naga heysatay uruurinta cashuuraha si kasta oo aan u dedaalnay waxay awoodayadii dhaafiweyday inaanu soo xoreyno cashuurta wax ka badan 60% [boqolkiiba lixdan)

Waa Cadaalad darro in cashuurta laga qaado qofka awooda yar midna uu xidho shaadh dawladeed,dalkeenu waxa uu soo maray dagaalo sokeeye, 20-sanadood ee aynu dhisanay wax badan oo burburey ayaa weli qabyo ah. Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegaya inay cashuurtu tahay ta qarankani ku dhisan yahayayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu yidhi Mashruucan oo uu ka soo shaqeeyey Baanka adduunku waa mid wax ka tareysa in maaliyada dalku noqoto mid Transparent ah,taas oo wax ka tari doonta qaabka loo bixinayo mucaawinooyinka Somaliland oo ah qaab ka duwan kii hore oo dhex dhexaad ah, kaas oo gogosha u xaadhaya in Somaliland si toos ah mucaawinada dibadda ay ka hesho lagu kabo Miisaaniyad sanadeedkeeda, waa haddii ay ku guuleysato fulinta shuruucda

Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Markaynu ka hadalno dhaqaalaha dalkan Somaliland iyo koritaankiisa waxa jira caqabado cidhiidhi gelinaya inay waarto miisaaniyadu. Somaliland waxay u baahan tahay inay joogteyso horumarka ku jiheysan uruurinta cashuuraha gudaha, taas oo ku filnaanto bixinta kharashaadka xukuummada, dardargelinta cashuuraha gudaha ayaa ah mida ugu muhiimsan horumarka Somaliland si loo soo xareeyo cashuuraha gudaha lagana dhigo dhexdhexaad kharashaadka ka baxa xukuummada waa hadafka xukuumadani leedahay maanta waxa kordhay soo xareyntii cashuuraha iyada oo aanay wax badan iska bedelin kharashaadkii xukuummada ka baxayey.

Waxa jira dhibaatooyin inna haysta oo ay ka mid yihiin awood laaan iyo habka cashuuraha loo uruuriyo oo aanan haysanin waxaanu u baahanahay sharcigii cashuuraha iyo maamulkii cashuuraha in horumar iyo dib u habayn lagu sameeyo lana sameeyo wacyigelin guud oo cashuuraha ah. Waxa kale oo jira cashuuro ay dhib innaga haysato uruurintooda, oo ay ka mid tahay cashuuraha xoola dhaqatada iyo ilaha dhaqaale ee dad-ban, waxa kale oo jira musuqmaasuq badan oo ku jira maamulka guud ee cashuurahaayuu yidhi Wasiirka maaliyadu

Waxa kale oo ay xukuummadani damacsan tahay inay dib u habeyn Siyaasadeed sameyso si ay ula shaqeyso bulshada caalamka, iyada oo jidkaas u mareysa la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka hayadaha dawlada si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka reer Somaliland, deeq-bixiyayasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahayayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Wasiirka qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Wasaarada maaliyaddu waxay dawlada uga dhigan tahay qeybta xisaabaadka ee shirkadaha oo kale. Sida xisaabaadka wasaaraddu yahay ayaa dawladana awoodeedu tahay.Wasaarada maaliyadu waxay u xil saaran tahay ururinta dhaqaalaha qaranka, bixintiisa iyo dabo galkiisa. Haddii dakhli ururintu yar tahay awooda dawladu way yaraanaysaa. Wasaaraddu waxay u baahan tahay dadkii, qalabkii iyo nidaamkii ay ku shaqayn lahayd in loo dhigo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana wasiirka qorsheyntu waxa uu yidhi Intii aanan ka noqon xubin dawlada waxaan ka shaqayn jiray oo aan ka imid shirkadaha gaarka loo leeyahay ee (Private sector) sida caadiga ah waxay leeyihiin shirkaduhu afar qeybood oo kala ah qeybta maamulka, qeybta xisaabaadka, qeybta waxsoo saarka iyo qeybta ka suuq geynta. Qeybta xisaabaadku wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan shirkadahaasi waxa macaashkooda iyo koritaankoodu uu yahay hadba sida qeybta xisaabaadku u shaqayso waayo waa qeybta kuu sheegaysa in shirkadu ay korayso iyo in kale.

Dr.Sacad Cali Shire waxa uu u mahad-celiyey hayadaha caalamiga ah siday Somaliland uga taageerayaan wasaarada maaliyada nidaamka maamul wanaaga dakhliga.waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay si wanaagsan iskaga bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Agaasime goboleedka Baanka adduunka Mr. Patrick oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey mashruucan oo ah tayeynta shuruucda dhaqaalaha dalka, qandaraasyada, hantida ay dawladu iibinayso ama ay iibsanayso in arrimahaas loo maamulo si sharciga waafaqsan, lana horkeeno Baarlamaanka ummaduna ogaato halka ay marto hantida laga helo qandaraasyada ay dawladu bixiso.

Waxa kale sharcigani la dagaalamayaa musuqmaasuqa, isla markaana waxa uu xoojinayaa maamul-wanaaga taas oo Somaliland dhaxalsiin doonta in lagu aamino lacaga hadda ay maamulaan hayadaha qaramada midoobay, oo hadda loo soo mariyo Somaliland caawimooyinka ay ka hesho dibadaha dalalka deeq bixiyayaasha.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Waxa sharaf ii ah anigoo ku hadlaya magaca agaasime goboleedka baanka adduunka, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsan nahay kulankan waxaanu ka wadnaa Somaliland laba barnaamij oo kala ah barnaamij oo waxtar weyn u leh dhaqaalaha dalka ah maamulka maaliyada qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

mashallah good news now pleas can you do something about the highway that runs between Hargeisa and Qoryaale ;) ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isu-duwaha Baanka BCIMR Xaruntiisa Jabuuti Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Ujeeddada Wefti Uu Ka Mid Yahay Ku Yimaaddeen Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa

 

(HWN):-Isuduwaha Baanka caalamiga ah ee BCIMR ee xaruntiisa Jabuuti Cawil Muuse Jaamac oo ka mid ahaa Wefti balaadhan oo ka socday sanduuqa horu-marinta ee Waddanka Faransiiska ayaa maanta markii ugu horeysay faah-faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, iyo kulamadii kala duduwana ee ay la yeesheen Madaxda dawlada

 

Hargeysa(HWN):-Isuduwaha Baanka caalamiga ah ee BCIMR ee xaruntiisa Jabuuti Cawil Muuse Jaamac oo ka mid ahaa Wefti balaadhan oo ka socday sanduuqa horu-marinta ee Waddanka Faransiiska ayaa maanta markii ugu horeysay faah-faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, iyo kulamadii kala duduwana ee ay la yeesheen Madaxda dawlada iyo weliba goobaha ay booqdeen.

Sidaa waxa uu isuduwuhu ku sheegay mar uu maanta si wada-jir ah ugu waramayey Wargeyska Saxafi iyo Shabakada Hadhwanaagnews oo kula kulmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Ugu horeyn Isuduwaha Baanka Caalamiga ah ee BCIMR Cawil Muuse Jaamac oo ka hadlayey u jeedada socdaalka Weftiga ayaa waxa uu yidhi Waxaan la soconaa Weftiga horu-marinta ee Waddanka Fance oo ka kooban sadex nin oo kala ah Maareeyaha Suuqa horu-marinta ee dalka faransiiska Mr. Levaneur Jocelyn,Mr. Andrien Absolu, iyo Philippe Lagier, Ta ugu horeysa ee aan waddankan u soo booqanay waxa weeyaan Warshada Coca collaha ee Somaliland Bravarage Industry (BSI) oo imika si wanaagsan u socota,oo bisha lixaad ee sanadkan 2011 si rasmi ah loo furi doono haddii ILAAHAY yidhaahdo, iyo Warshado kale oo waddanka ah oo aanu soo booqanay oo ay ku jirto Warshada Bacda ee Shiraaqle Company iyo Warshadaha kale ee waddanka ka jira inaanu wax la qabano waanu jecelnahay,oo aanu waddanka ka hirgelino inay warshado badan shaqeeyaan suuqa xorta ah.

Anigu Weftigan shakhsiyan la socdaa waxa uu ka socda baanka BCIMR,waxaana na wata ninkan aanu saaxiibka nahay ee la yidhaahdo Jerome Perrin oo ah Manager Commercial-ka ee baanka BCIMR waxaanu baankani ku xidhan yahay Baan faransiis ah oo la yidhaahdo PRED oo aan ahayn baan yar, marka Geeska Africa waxaanu ka waddna meelo badan baanki xafiisyo ka furto, Jabuuti uu ka furan yahay, Somaliland-na hore ayaanu uga furanay,Kenya, Koonfurka Suudaan inaanu xafiisyo ka furno oo ay isku wada xidhnaadaan,ayuu yidhi Cawil Muuse.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiMarkaa annagu waxaanu u socona baayacmushtarka xorta ah, Somaliland dhaqdhaqaaqeedu aad iyo aad ayuu u sareeya waana wax lagu farxo, dhinaca dhaqaalaha halka uu wakhtigan marayo, waana sababta aanu Somaliland u nimid. Marka xafiiskayagana waanu soo kormeeraynay meelo kalena waanu booqanay oo madaxtooyada waanu tagnay si wanaagsan ayaa na loogu soo dhaweeyey, oo aad iyo aad ayaanu mabsuud ugu nahay

Cawil Muuse waxa uu ka hadlayey kulamo uu la yeedhay Wasiiro ka tirsan xukuummada, waxaanu yidhiDhow Wasiir ayaanu la kulanay oo waxyaabaha baayacmushtarka dhibyareynaya anagana noo dhibyareynaya inaanu xafiiskayaga si qurux badan u furano, waxaanan ku xidhanahay isla markaana na horkacayey Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir oo aad iyo aad noo soo dhaweeyey, markastana sidaa iyo si ka sii wanaagsan noo soo dhaweeya.

 

 

 

 

Cawil Muuse waxa uu sheegay inay Weftigii ka socday sanduuqa horumarista ee Faransiisku waxay booqdeen Dekedda Berbera, waana wefti miisaan culus, waxaanay dalka joogeen maalin iyo badh oo maanta gelinkii danbe ayey noqdeen.

Mar aanu wax ka weydiinay Cawil Muuse waxay weftigoodu ka wadda hadleen kulankii Shalay ku dhexmaray qasriga madaxtooyada Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu uu ku jawaabay oo uu yidhi Madaxweyne kuxigeenku aad iyo aad ayuu noo soo dhaweeyey, waxaanan uga waranay waxaanu u soconay si wanaagana waanu iskula afgaranay, waxaanu madaxweyne kuxigeenku noogu bushaareeyey wixii Somaliland maalgashanayaan inay wax nagala qabanayaan sidii aanu wadankan u maalgashan lahayn

S:>Xafiiska Baanka BCIMR ee idiinka furan Hargeysa sidee ayuu u shaqeeya?

J:>Xafiiskayagan ka furan Hargeysa waa xafiis yar, waxa weeyaan Xafiis wakiilnimo,oo siddii nidaamkii baanka uma shaqeynayo, laakin waxaanu filaynaa lixda bilood ee soo socda inaanu helno ruqsad aanu waddanka oodhan isku balaadhin karno oo aanu Berbera Xafiis ka furno, oo Burco Xafiis ka furno, oo aanu shaqaale qorano oo siddii ay baananka adduunka ee baayacmushtarku u shaqeynayeen u shaqeyno.

S:>Cawil waanagii goob-jooga ahayn ruqsadiinii laba-sanadood ka hor ku furateen xafiiskiina Hargeysa, Markaa ma ruqsad kale ayaa la idiinka baahan yahay?

J:>Haayo waxay taasi ahayd mid la noogu ogolaaday inaanu waddanka soo degno, laakin xeerarkii Baananku adduunku ku dhaqmi lahaayeen ee suuqa xorta ah waxay hortaala Golaha Wakiillada Somaliland oo way ka soo dhamaanaysa sida naloo sheegay, si aanu u furan karno xafiisko oo aanu Magaalooyinka kale isku balaadhino,

Waxaanu la kulanay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo si aad iyo aad ah noo soo dhaweeyey, noona sheegay waxyaabaha ay Somaliland naga caawinayso ama ay u baahan yihiin inay adduunku ka caawiyaan dhinaca Baananka iyo baayacmushtarkaba,ayuu yidhi Cawil Muuse oo ka hadlayey kulankii dhexmaray Wasiirka Qorsheynta iyo waxay ka wadda hadleen.

S:>Cawil waxa la sheegay in waddo laba Baan oo ay leeyihiin Dahabshiil iyo Salaama in dalka laga furo, markaa ma loo arki karaa inay dawladu kuwaas la sugayso kiinana?

J:>Maya, anigu waxaan u maleynayaa oo labada baana way jiraan, kolay baanan baddan oo kalena way soo imanayaan, anaguna tartankaasi sida ugu quruxda badan ayaanu uga qeybgalaynaa baananka ugu waaweyn ee Yurubna waanu nahay,anagu qeybtayada dhaqaalaha Somaliland inaanu qabsano waanu ku tallo-jirna,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this