Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland Ministers Galmudug leaders hold meeting in South Galkacyu...

Recommended Posts

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug booqday Wasiiro,Xildhibaano,Siyaasiyiin,Waxgarad,Cuqaal & Saraakiil reer Puntland ah kuwaas oo Galmudug u tagay dhamaystirka gudiyadii kaladuwanaa ee heerka gobol ee heshiiskii Puntland & Galmudug ee Garoowe kuwaas oo kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda Maamulka Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

 

Waftigan sare oo uu horkacayey Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Isboortiga Dawlada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran) waxaa kamid ahaa Wasiirka Haweenka & Hormarinta Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye,Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) Wasiir kuxigeenka Beeraha Maxamuud Maxamed Ibraahim,Taliye kuxigeenka guud ee ciidanka Booliska Puntland Gol,Muxiyadiin,La taliyaha madaxweynaha Puntland ee Arimaha Amaanka Gen,Cabdullaahi Cali Mire (Careys),Taliyaha ciidanka Daraawiishta Aaga Mudug Gol,Maxamed Muuse Xussen (Ilkadheere),Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka Gaalkacyo Axmed Muuse Nuuryare Taliyaha qeybta Booliska Mudug Aadan Nuurqaal & Siyaasiyiin uu kamid yahay Siyaasiga Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) & Xubno kale oo aad u badnaa.

 

Waftiga reer Puntland waxaa Koonfurta Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey madax katirsan reer Puntland oo uu horkacayey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin & gacansiiyaha arimaha Hormarinta Maamulkaas Jen,Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) iyadoo ay kamid ahaayeen Wasiirada maamulkaas & xubno kale,waxaana ay qaateen shir waqti kooban socday oo ku saabsanaa xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaana kan gobolka Mudug & dhaqangelinta Heshiiskii Puntland & Galmudug.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin oo shirka ka hadlay ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyey Waftiga reer Puntland ee booqday Koonfurta Gaalkacyo,waxaana uu sheegey in ay ku faraxsanyihiin isdhaafsiga booqashooyinka ee dhinacyada Gaalkacyo,isagoo intaas kudaray in ay Galmudug diyaar u tahay dhaqangelinta heshiiskii ay Puntland la gashay dhawaan,wuxuuna intaas kudaray in Puntland ay ku amaanayaan wanaajinta Soomaali inteeda kale.

 

Wasiirka Wasaarada Shaqada,Shaqalaaha,Dhalinyarada & Isboortiga dawlada Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) oo isna dhankiisa ka hadlay shirka ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin imaanshahooda Koonfurta Gaalkacyo,wuxuuna Saraakiisha Galmudug gudoonsiiyey Warqad ay ku qoranyihiin magacyada gudiga heer gobol ee dhamaystirka Heshiiskii garoowe oo xubnaha goboladu ay qeyb ka ahaayeen.

 

Kulanka waxaa ka hadlay Xubno kamid ah Dhinacyadii kulankan ka qeybgalay,waxaana ay goobta ka jeediyeen hadalo kaladuwan oo gubaabo ah oo shacabka Gobolka Mudug looga codsanayo inay isku duubnaadaan islamarkaasna ay nabada kawada shaqeeyaan,waxaana ay isla maanta Waftigii Puntland ee Koonfurta Gaalkacyo booqatay,waxaana ay tani noqonaysaa Booqashadii ugu heerka sareysay ee ay madax katirsan Puntland ku tagaan Koonfurta Gaalkacyo tan & wixii ka danbeeyey dhamaadkii 2006-dii waqtigaas oo dhinacyada Mudug ay iska kaashanayaan dagaalkii ka dhanka ahaa Maxaakiimtii Muqdisho ee awoodooda kol hore la wiiqay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this