Xaaji Xunjuf Posted March 8, 2011 Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti uu hogaaminayo safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Adis-Ababa Hargeysa (HWN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska. Hargeysa (HWN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska. Waftigan oo uu hor kacayo Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Magaaladda Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia Mr. Norman Ling, ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in la xidhiidho, socdaalo ay labada dal is weydaarsadeen. Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Dahir (Cukuse), kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti 3 Xunood ka kooban oo uu Hogaaminaayo Tin Hitchens, Director for Africa-ka Dawlada Ingiriiska ee Adrica. Weftigan oo u jeedada Socdaalkoodu daba socoto soc-daalo isdaba joog ahaa oo ay madaxda Ingiriisku ku timid Somaliland, waxa uu madaxweynuhu uga waramay ee Dhinacyada siyaasada, nabad gelyada iyo Dhaqaalaha Somaliland. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu weftiga uga mahad naqay socdaalka ay ku yimadeen Somaliland iyo Xidhiidhka wanaagsan ee wakhtigan ka dhexeeya labada Wadan. Tin Hitchens, Director for Africa Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia and ayaa ka waramay ujeeddada Socdaalkooda oo ay sheegeen in uu daba socdo socdaaladii hore ee ay dalka ku iman jireen iyo xogogaal u noqoshada guud ee Somaliland. Xubnaha Weftigu Waxay madaxweynaha iyo Somalilandba ku amaaneen dedaalka ay ka sameeyeen dhinaca nabad-gelyada iyo horu-marka waxanay ku adkeeyeen kuna dhiiri-geliyeen inay halkaasi ka sii wadaan oo aanay ka Caajisin Dedaalkaas oo ay somaliland hore ugu caano maashay. Dhinaca Somaliland Madaxweynaha waxa kulanka ku Wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, la taliyaha Arrimaha Ictiraaf-raadiska iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada. Dhinaca Weftiga waxay ka koobnayeen, 1. Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia. 2. Tin Hitchens, Director for Africa 3. Matt Woods, First Secretary Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 8, 2011 Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu Hogaaminaayo Tin Hitchens, Director for Africa-ka Dawlada Ingiriiska ee Africa. Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti 3 Xunood ka kooban oo uu Hogaaminaayo Tin Hitchens, Director for Africa-ka Dawlada Ingiriiska ee Africa. Weftigan oo u jeedada Socdaalkoodu daba socoto soc-daalo isdaba joog ahaa oo ay madaxda Ingiriisku ku timid Somaliland, waxa uu madaxweynuhu uga waramay ee Dhinacyada siyaasada, nabad gelyada iyo Dhaqaalaha Somaliland. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu weftiga uga mahad naqay socdaalka ay ku yimadeen Somaliland iyo Xidhiidhka wanaagsan ee wakhtigan ka dhexeeya labada Wadan. Tin Hitchens, Director for Africa Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia and ayaa ka waramay ujeeddada Socdaalkooda oo ay sheegeen in uu daba socdo socdaaladii hore ee ay dalka ku iman jireen iyo xogogaal u noqoshada guud ee Somaliland. Xubnaha Weftigu Waxay madaxweynaha iyo Somalilandba ku amaaneen dedaalka ay ka sameeyeen dhinaca nabad-gelyada iyo horu-marka waxanay ku adkeeyeen kuna dhiiri-geliyeen inay halkaasi ka sii wadaan oo aanay ka Caajisin Dedaalkaas oo ay somaliland hore ugu caano maashay. Dhinaca Somaliland Madaxweynaha waxa kulanka ku Wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, la taliyaha Arrimaha Ictiraaf-raadiska iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada. Dhinaca Weftiga waxay ka koobnayeen, 1. Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia. 2. Tin Hitchens, Director for Africa 3. Matt Woods, First Secretary ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. Quote Share this post Link to post Share on other sites