Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Deg deg: Dagaalo faraha looga gubanaayo oo ka qarxay gobolka Bakool iyo dowladda oo dulaano ah

Recommended Posts

Dagaalo culus ayaa waxay goor dhaw ay ka qarxeen qeybo kamid gobolka Bakool, iyadoo uu u dhaxeeyo ciidamadda dowaldda Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab oo deegaanadaasi gacanta ku heysa.

 

Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan deegaanka Yurkub ee gobolka Bakool, isla-markaana dagaalada ayaa yimid kadib markii ay soo qaadeen ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya, oo garab ka helaaya ciidamadda Ahlu Sunnah Wal Jameeca.

 

Dagaaladaan ayaa waxaa leesku adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka, iyadoo hugunka sawaxanka madaafiicda cul culus laga maqlaayo inta badan deegaanka Yurkub ee gobolka Bakool.

 

Gudoomiyaha gobolka Bakool ee dowladda kmg ee Soomaaliya Maxamed Macalin oo warbaahinta la-hadlay ayaa sheegay in dagaaladu ay si xoogan ku soconayaan, isla-markaana ay qaadeen ciidamadda xukuumadda kmg ee Soomaaliya oo ay ka dhinac dagaalamaan buu yiri ciidamadda Mujaahidiinta ee Al Sunnah Wal Jameeca.

 

Wuxuu gudoomiyaha uu sheegay in dagaalada ay yihiin sidii ay u bilowdeen, isagoo intaasi ku daray in Xarakada Al Shabaab ay ka saari doonaan guud ahaan gobolka Bakool saacadaha soo socda, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Al Shabaab oo ka baxay degmooyin ka tirsan Bakool

 

GALMUDUG.INFO)

 

Maleeshiyada Al Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta isaga baxeen degmooyinka Rabdhuure, Waajid iyo Berdaale

 

Cali Cabdiraxamaan oo ka mid ah dadka ku nool degmada Waajid ayaa sheegay in uu arkay maleeshiyada Al Shabaab oo ka baxaya degmooyinka Rabdhuure, Waajid iyo Berdaale, kuwaasoo uu sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Ka bixista degmooyinka ee maleeshiyada ayaa ka dambaysay, kaddib markii ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ay maanta la wareegeen degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, waxayna haatan ciidamadaasi ku sugan yihiin sida la sheegay Yurkut oo u dhow gobolka Baay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^They won't. They change their clothes and act like civilians for a while and easily come back again. The most difficult part of the TFG's job is not to kick al-shabaab out of towns, it is to keep them out. I don't believe they have clear agenda though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this