wyre Posted March 8, 2011 Kooxda Al-Shabaab ayaa hubeysay odayaal da`ah oo ay kasoo qafaaleen gobolada ay gacanta ku hayaan kuwaasoo ay Muqdisho tababar shan maalmood ah ugu qabtay si ay ula dagaalamaan ciidamada AMISOM iyo kuwo dowladda. Odayaashan oo intooda badan laga keenay gobolada Shabeelooyinka ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu soo gabo-gabeeyay tababar shan maalmood ah, waxaana ay sameeyeen dheeletus. Qaar ka mid ah odayaashan ayay wararku sheegayaan in horay loogu amray in ay keenaan wiilal dagaalama, balse markii ay ka cago-jiideen amarka Al-Shabaab ay noqotay in iyaga galaan badelka wiilasha ay keeni waayeen. Arrintan qafaalka odayaasha oo wali si xowli ah uga socda goobaha ay Shabaabku maamulaan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal culus oo goobo looga qabsaday Shabaabka uu ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo B/Xaawo. Waa markii ugu horeysay oo ay odayaal adeegsadaan kooxda Al-Shabaab, waxaana horay u dhacday in sidoo kale adeegsadeen caruur da`dooda ay aad u hooseyso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Archdemos Posted March 8, 2011 where does the endless stream of arms seem to be coming from:-( Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 8, 2011 Masaakiintan C/casiis ayaa la geeye Quote Share this post Link to post Share on other sites