Sign in to follow this  
General Duke

General IlkajIIR visits Puntland regions of Sanaag[Badhan] Haylaan [Dhara]

Recommended Posts

Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladdaha Hoose ee Dawladda Puntland oo maalmahaan isaga iyo wefdi kale booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee degmada Baran.

 

Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag,Taliska qaybta ee gobolka iyo xarumo kale.

 

Wuxuu ugu horeyn warbixin xerada Daraawiishta Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Sanaag Cabdullaahi Cumar Canshuur,wuxuuna sheegay in dib u habeyn loo baahan yahay in lagu sameeyo Ciidanka halkaas ku sugan.

 

Sidoo kale wuxuu xarunta Taliska qaybta kula kulmay Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyey xaaladdaha Ciidamada Booliska iyo baahiyaha ay qabaan xilligaan in ay helaan.

 

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ugu dambeyntii yimid xarunta gobolka halkaas uu kulan kula qaatay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur ”Dabayl”.

 

Gudoomiyaha ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda gobolka siiyey Wasiirka,wuxuuna ka warbixiyey dhanka nabadgalyada iyo abaaraha ka taagan dhamaan degmooyinka gobolka.

 

Waa booqashadii u horeysay uu Wasiirku ku tego xarumaha Dawladda ee degmada Baran tan iyo markii uu dhowaan halkaas gaarey isaga iyo wefdi Wasiiro ah uu hogaaminaayo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiradii Puntland oo kulamo la qaatay bulshada Reer Maakhir News/Articles

 

Waiirka arimaha gudaha Puntland General Ilko Jiir ,Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ,wasiir ku xigeenka gaadiidka bada Puntland Abshir Siciid,wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal,wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Bootaan,wasiiru dawlaha amniga Puntland Cali Xamari iyo Xildhibaano,Ganacsato, aqoonyahano ayaa waxay ku sugan yihiin Degaanda Maakhir oo ay halkaa u tageen sidii ay ugu dhisi lahaayeen maamulo dhamaystiran oo ah kuwo tayo leh dadkuna soo doortaan xildhibaanadooda ,iyaga oo maamuladani la jaan qaadi doona maamulada kale ee ka jira gobolada Maamul goboleedka Puntland .

Wafigan ku kala sugan Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar oo ah caasimadaha labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaand ayaa waxay bilaabeen wada tashi ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada iyaga oo kala tashanaya wadada ugu fiican oo lagu gaari karo maamul bulshada u horseeda horumar,nabad iyo kala danbayn

 

Allsanaag oo xiriiro kala duwan la samaysay Madaxda Puntland oo ku sugan Maakhir iyo Bulshad degaanka ayaa waxaan ku ogaanay in Wasiirka arimaha gudaha Puntland General Ilko Jiir doonayo in uu sameeyo Gole degaan oo ku dhisan wada tashi,ka dibna golaha degaanku ay dooran doonaan Gudoomiyaha Gobolka iyaga oo haba yaraatee lagu faro gelinayn doorashadooda oo ay noqonayaan kuwo u madax banaan,doorashada Gudoomiyaasha gobolada ,Gudoomiyaasha Goboladuna iyaguna ay noqon doonan kuwo doorta xubnaha maamulkooda , sida taliyaasha amniga oo aan ka ahayn Taliyaha Daraawiishta oo isagu noqon doona federaalka (dawlada Puntland).

Maamulkan oo markii horeba cagaha jiidayeen qaar yar oo ka mid ah dadka degaanka u dhashay ayaa maantana sidii caadadu ahayd waxay ku sugan yihiin Magaalda Hargaysa iyada oo sida la sheegay kulan la qaatay Dhiigyo cab Siilaanyo,wada tashi dheer oo ay la qaateen Siilaanyo ka dibna lagu arinsaday ama lagu soo diray Cadami isaga oo caawa ku sugan Magaalada Ceergaabo oo ilaa hadana la garanayn waxay noqon doonto talaabada uu qaadi doono iyo in uu soo gaari doono Magaalada Badhan.

 

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this