Bashiir Posted April 9, 2011 (Afdheer) Degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay dhawaantan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayey xalay weerar kusoo qaadeen kooxo hubeysan oo la sheegay inay shabaab ahaayeen. Kooxaha soo weeraray Luuq ayaa la xaqiijiyey inay waararkooda la beegsadeen laba xarun oo ay ciidamada dowladdu degganaayeen iyadoo ay jiraan meelo kale oo magaalada ay xabbaduhu gaareen. Weerarkaas ay kooxaha mucaaradku kusoo qaadeen degmada Luuq waxay kala kulmeen iska caabin waxayna dib ugu carareen meelihii ay kasoo duuleen. Degmada Luuq-ganaanne waxay ka tirsan tahay Gobolka Gedo, waa degmo xuduud la leh (dhanka waqooyi) gobolada O'gaden ee dalka Itoobiya waxayna kamid tahay degmooyinka istiraatiijiga ah ee ku fiican isku socodka gaadiidka gobolada Baay, Bakool iyo Gedo. sidoo kale degmada Luuq waa degmo ku wanaagsan dhanka waxsoosaarka beeraha. http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=3997:degmada-luuq-ganaane-oo-dagaal-ka-dhacay&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 Dagaal fudud ayaa lagu soo warramayaa inuu Haawinnaa shalay casarliici ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan lawareegay gacan-ku-haynta magaalada Dhoobleey kaddib marki ay u xoogsheegteen kooxda Alshabaab oo Dhoobleey hore uga talin jirtay. Sida ay wararku nagu soo gaarayaan, ilaalo ay Alshabaab soo dirtay iyo roonda ciidanka dowladda ah ayaa ishardiyey lamasa haya khasaaraha kala gaaray, inkastoo wararka qaar ay tibaaxayaan in ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo kala gaaray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 Sabti, 09 April 2011 07:44 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer War qaddar yar ka hor naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada-Hoose ayaa tibaaxaya in saraakiisha sarsare ee Alshabaab ay maanta ku shirsan yihiin Kismaayo kana tashanayaan sidi ay uga arrinsan lahaayeen xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay. Wuxuuna warku intaa u darayaa in ay Alshabaab Kismaayo ka wadaan qorsho-dagaal oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Dhoobleey oo maalmo kahor lagaga adkaaday dagaal culus kaddibna farahooda ka baxday. Afdheer.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 Ciidamada Militariga Kenya oo wata taangiyo iyo gawaarida ayaa saaka ka gudabay xadka iyagoo u dhaqaajiyay dhanka tuulada Taabta.Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadii ay gaareen Taabta saldhigna halkaa ay ka sameysteen. Warbixinada laga helayo deegaanadaas ayaa tibaaxaya in ciidamadani ay weerar xoogan la damacsan yihiin ciidamada Alshabaab ee ku sugan magaalada Qooqaani. Faahfaahinta dib kala soco http://himilonews.com/ciidamo-kenyaan-ah-oo-wata-baabuurta-gaashaaman-oo-gaaray-taabta/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 Read more ,,... http://kismaayood.com/?p=3210 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 At least seven people were killed in clashes between Islamic rebels and pro-government forces in southwest Somalia, local residents and officials from opposing sides said. Fighting erupted late yesterday in Luuq, 90 kilometers (56 miles) from the border with Kenya, after the Al-shabaab movement, which the U.S. accuses of having links to al-Qaeda, attacked government bases and lasted until this morning. “They have been exchanging heavy weapons including mortar shells and cannons,” Abdurahman Bare Mo’laim, a businessman in Luuq, said by telephone today. “Seven corpses have reportedly been seen around the battle field zone this morning, mostly from the warring sides.” Somalia has been without a functioning central administration since 1991, when ruler Mohamed Siad Barre was ousted. The Horn of Africa country is facing its worst humanitarian crisis since the early 1990s because of the conflict and drought, according to Mohamed Ali Nur, Somalia’s ambassador to Kenya. An army spokesman for Al-Shabaab said its forces had now withdrawn from Luuq after briefly taking control. “We successfully took over their bases for a while,” Sheikh Abdi Aziz Abu Musab told reporters by phone. “We inflicted heavy losses on them.” Local residents and Ahlu Suna Wal Jama, a pro-government militia, rejected this version of events. “Al-shabaab attempted to capture Luuq district last night but they have failed,” Sheikh Mohamed Hussein, a local spokesman for Ahlu Suna Wal Jama, said by phone. Separately, fighting in Mogadishu, the capital city, between Al-shabaab and government forces supported by an African Union peacekeeping mission, known as Amisom, left three civilians dead and five others injured. Ali Muse Sheikh, in charge of Mogadishu’s ambulance service, confirmed the civilian casualties in the Bondhere district in the northern part of Mogadishu. http://www.wardheernews.com/News_2011/April/09_Seven_Killed_in_Rebel_Attack_on_Government_Bases.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Neumann Posted April 9, 2011 Bashiir;700141 wrote: Ma sida hufan ee loo qoray, mise dhacdada lafteeda? Adiga qudhaada ayaan dab yar shidaayn! Soomaali qurux badan baad qoraysaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 ^Lol.Newman, lacagta iska soo uruuriya waryaaa,.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 9, 2011 By Sahra Abdi Reuters April 09, 2011 NAIROBI - Kenya has vowed to bolster Somalia's fight against al Qaeda-linked insurgents along its border with the Horn of Africa country, where troops from both sides are battling the rebels, the Somali prime minister said. Last month, Somali troops and government-friendly militia took control of the border town of Beledhawo from the al Shabaab rebels. The town is a stone's throw from the Kenyan border town of Mandera. Somalia has had no effective government for 20 years. "Kenya has given us a commitment to give us its support to eliminate al Shabab fighters who have deployed foreign fighters in the border areas," Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed said after meeting his Kenyan counterpart Raila Odinga late on Thursday. He did not specify where the foreign jihadists are from, or the type of support that Kenya will extend. Odinga said he had discussed with Mohamed the support Kenya will extend to Somalia in the fight against al Shabaab. The United Nations is backing African Union efforts to stabilise Somalia and has called a high level meeting, which is likely to also discuss security, in Nairobi next week. Mohamed, who earlier this week asked U.N. agencies that normally operate out of Nairobi to relocate to Somalia, wants the conference to be held in Somalia. "We know so many meetings held outside were unfruitful ... the Somali people have to chart their own future," he said. Special Representative of the U.N. Secretary-General for Somalia, Augustine Mahiga, said opposition to the Nairobi conference came from small groups that "do not fully understand the true aim of the meeting." There will be a follow-up session in Mogadishu as proposed by the Somali government, Mahiga added in a statement. Source: Reuters Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 13, 2011 Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya oo hambalyo u diray ciidanka XDS iyo dowladda Soomaaliya oo diiday ........ Talaado, 12 April 2011 10:00 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer (Afdheer) Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dalka Soomaaliya Cabdiraxiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya munaasabadda 51guuradda aas-aaskii ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya oo maanta ku beegan awgeed. Wasiirka ayaa hambalyo iyo sallaan u diray dhammaan ciidamada qalabka sida, saraakiisha, saraakiil kuxigeenadda, alifleyda, dablleyda iyo xaasaskooda munaasabadda awgeed. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku labisan dareyska ay caanka ku yihiin aadna u hubeysan ayaa maanta qaab dhoolatus ah loogu soo daadiyey gudaha magaalada Muqdhisho, waxayna raxan raxan u marayaan jidadka xaafadaha ay maamusho dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda maamusha inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho iyo goobihii ugu muhiimsanaa caasimadda, dowladda Dr. Maxamed cabdullaahi ra` iisul wasaaraha ka yahay oo bilowgeedii dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen looguna yeedhay dowlad TAYO ayaa wax weyn ka qabatay isbaddel muuqdana ku sameysay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho iyo gobollo kale. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa diidey inay ka qeybgasho shirka Nayroobi dalka Kenya, kadib markii ay dowladdu ku adkeysatay inay xaq u leedahay dib u heshiisiinta, inay dowladdu dooneyso shir lagu qabto gudaha dalka iyo dowladda Soomaaliya oo shaki galisay qorshaha ama ujeedadda shirka QM isugu yeedhay maamulada ka jira Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ka baqeysa in Madaxweynaha dowladda Shariif Sheekh Axmed lagu casilo shirkaas sidii ku dhacday madaxweyne Soomaaliyeed sidan oo kale lagu martiu qaaday shir ay QM qabanqaabisay oo ka dhacay Kenya xilkana looga qaaday shirkaas kadib markii la eedeeyey. Muqdisho info@afdheer.com Afdheer.com 12, April 2011 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 13, 2011 Ciidamada isbahaysiga ee la wareegay magaalada Dhoobley ee gobolka jubbada hoose ayaa beryahan ku jirey is-diyaarin iyo qorshe ay ku doonayaan inay usocdaan gudaha gobolada Jubbooyinka dalka Soomaaliya. Ciidamadan isugu jira Raaskaambooniyiinta iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weli ku sugan deegaanka magaalada Dhoobley ee gobolka J.hoose iyadoo ay ku guuleysteen inay xoog kula wareegeen magaalooyinka xuduudda la wadaagga dalka Kenya. Ciidamadan ayaa la filayaa inay u gudbaan degmada Afmadow maalmaha soo socda. Ciidamada Raaskaambooniyiinta ayaa hore looga soo saaray gobolada Jubbooyinka oo ay maamulayeen kadib markii ay is-khilaafeen Shabaab, ciidamada dowladda ayaa in muddo ah ku sugnaa xeryo tababar oo dalka Kenya gudahiisa ah waxayna ku middeysan yihiin la dagaalanka shabaab. http://afdheer.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4011:raaskaambooniyiinta-iyo-ciidamada-dowladda-oo-u-jaheystay-gudaha-gobolka-jhoose&catid=45:akhbaarta-somaliya&Itemid=127 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 13, 2011 Wararka aan ka helayno ilahanaga ku sugan goobta ay isku horfadhiyaan ciidamada Shabaabka, kuwa DKMG oo ay is garabsanayaan kuwa Kaambooniyiinta ayaa tibaaxaya inay is ku waydaarsanayaan madaafiic xooggan aagga Deelbuuyo. Ma jiraan warar dhaafsan madaafiicda sida darandooriga ay labada ciidan isu dhaafsanayaan, waxaase la fili karaa goor kasta dagaal ka dhex qarxa labada ciidan oo isu jira masaafo aan kala dheerayn. Ciidamada labada dhinac ayaa ku kala sugnaa Haawinaa iyo Taabta, waxayna qola kasta isku dhabar jabinaysaa inay garabka ka soo horjeeda durkiso ka hor inta ayna si fiican dhulka u dhigan dhibicda roobka Guga oo ka curtay meelo kamid ah gobolka. Wixii ka soo korka kala soco KismaayoNews. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3941 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 13, 2011 Bilawgii roobka Guga ayaa si fiican uga da`ay deegaanada ku xeeran magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose. Dhulka waraabay ee naqu helay ayaa ah dhulka loo yaqaano Boojiga, waana dhulka ay ku fadhido magaalada Qooqaani iyo deegaamada ku xeeran, wuxuuna kamid ahaa dhulalkii uu sida xun u halakeeyay jiilaalkii dabada dheeraa. Guud ahaan gayiga Soomaaliya, gaar ahaanna gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa riiqmay oo duf ku baxay xoolihii uu deegaanku qaniga ku ahaa, waxaana taas u sii dheerayd colaad aan caymo lahayn. Roobka Gu`gaga ee bilawday ayay dadku aad ugu farxeen waxayna Illaahay ka baryayaan, anaguna uga baryaynaa inuu uga dhigo gu` samaada. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3942 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 13, 2011 Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay kuna sugan degmada dhoobley ayaa waxay sheegayaan in dhalinyaro ka tirsanaa al shabaab u soo galeen ciidamada huwanta ah. Wararka laga helayo goobjoogayaal kusugan magaalada dhoobley ee baryihii danbe dirirtu ku dhexmareysey xoogaga raaskanbooniyiinta oo ay isgarabsanyaan cutubyo katirsan dowlada taagta daran ee muranku hareeyey sii jiritaankeeda ayaa waxay sheegayaan in dhalinyaro ka tirsanaa xoogaga xarakatu alshabaabul mujaahidiin ay isu soo dhiibeen kaanbooniyiinta. Dhalinyaradan oo tiradooda lagu sheegay in ay dhan yihiin 10 wateena qalab milatari ayaa waxay kusugan yihiin saldhiga booliska magaalada. Baryihii lasoo dhaafey ayaa waxaa ka jirey deegaanadan isu diyaargarow xoogleh oo labada dhinac ay wadeen oo midba midka kale ku dadaalayo inuu meesha kasaaro inta ka horeysa xili roobaadka waqtigiisii lajoogo. Wixii intaa kasoo kordha kala soco kismaayonews. http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=3945 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 13, 2011 Ciidamo ka tirsanaa xarkada Alshabaab ayaa iska soo dhiibay magaalada Dhoobley oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Raaskambooniyiinta iyo kuwa DFKMG. Sarkaal katirsan ciidamada Raaskambooniyiinta oo u waramay wariyaasha Himilo News ayaa xaqiijiyay ciidanka iska soo dhiibay xarakada Alshabaab.Tirada ciidanka isa soo dhiibay ayaa ah 12 askari.Sarkaalku ma uusan sheegin in raggan isa soodhiibay hub wateen iyo in kale. Dhanka kale waxaa isa soo dhiibay Cali dheere oo horay u ahaan jiray gudoomiyaha degmada Dhoobley balse mudooyinkii dambe kamid ahaa odayaashii kunoolaa Dhoobley dagaalkii markii uu dhacayna la qaxay Alshabaab.Cali dheere ayaa lagu soo waramayaa in la cafiyay oo aan waxba loo dirsanin. http://himilonews.com/ciidan-alshabaab-ah-oo-iska-dhiibya-dhoobley/ Quote Share this post Link to post Share on other sites