Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland troops clash with pirate forces in eastern sool.

Recommended Posts

Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Maanta dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyo Puntland ah oo soo weerartay Laascaanood,kana qabsaday Gaadiid iyo Maxaabiis Dagaal

Laascaanood(Waaheen)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Jiida Gobolka Sool,gaar ahaan Deegaanka Ganbadha oo dhicana bari kaga beegan Magaalada laascaanood ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyaad Reer Puntland ah oo saaka weerar ku soo qaaday Ciidanka ,kana qabsaday laba gaadhi oo qoryo saaran yihiin iyo Maxaabiis lagu qiyaasay labaataneeyo Askari

 

warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ciidamada Qaranka Somaliland caydhsadeen Maleeshiyadaasi,isla markaana ay ku celiyeen meelihii ay ka soo duuleen oo ah Tuulada Tuko-Raq iyo Deegaamo kale oo u dhaw.

 

Maleeshiyadan Ciidanka Qaranka Somaliland saaka soo weeraray ayaa la sheegay inay ka soo duuleen Tuulada Tuko-raq oo ay beryihiin u dambeeyey ku Uruurinaysay Puntland Kooxo maleeshiyaada,kuwaasoo ay ugu talo gashay in ay ku soo weerarto Magaalada laascaanood iyo Jiidaha Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka Somaliland Fadhiyo,waxaana sida la sheegay Maleeshiyaadkan Reer Puntland Hogaaminaya Nin hore Wasiir uga ahaan Jiray Maamulka ******teeniya oo lagu magacaabo Axmed Karaash.

sidoo kale waxa maanta Wasiirka Warfaafinta Puntland ugu dhawaaqay inay Xukuumadiisu qaadayso talaabo ay kaga hortagto wax uu ku tilmaamay badbaadinta dadka Reer Sool oo uu sheegay inay yihiin dadkoodii isagoo xukuumadda Ingiriikana ku eedeeyay inay taakulaynayso wax uu ku tilmaamay Somali-diid

ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo Talisyada Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku saabsan Khasaaraha dhabta ee Dagaalkaasi, balse waxa la filayaa in Saacadaha soo socda ay Xukuumaddu jawaab ka bixin doonto weerarkan gardada ah ee Saaka lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland iyo hadalada wasiirkaasba

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@prisoners of war. Sidiinii baad shacab qab qabateen miyaa? LA residents have spoken out awoowe, and they are getting their city back. Your militia along with their puppets will be send back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg-Dega: Dagaalo ka dhacay Sool , oo Hub iyo Maxaabisi lagu kala Qabsaday.

Monday, 07 March 2011

 

Laascaanood(Togdheernews.com)- Dagaalo Culus oo manta ka dhacay Jiida gobolka Sool, kuwaasoo u dhaxeeya Ciidanka Qaranka

Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulka Puntland, kaasoo sababay Dhimasho iyo Dhaawac .

 

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriydda Soomaaliland ayaa Ayaa shabakadaTogdheernews.com u sheegay in ciidanka Puntland ay Werarkaas soo qaaday ayna jabiyeen , kana qabteen Hal Baabuur oo Tikniko ah iyo 4 Maxbuus, sidoo kalena dhinaca Ciidanka Qaranka ilaa hadda ay dhaawacmeen 4 Askari oo ku dhaawacmay laba gaadhi oo isku dhacay.

 

Lama oga Sababta Xilliga keentay Dagaaladda ka soo Cusboonaaday Degaankaasi, Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Puntland Oo Weerar Kusoo Qaaday Ciidamada Somaliland Ee Degaanka Ganbadha

March 7th, 2011

 

Ganbadha (Somaliland.Org) Maanta duhurki ayaa waxa weerar laba geesood ah kusoo qaaday ciidamada qaranka ee fadhiya degaanka Ganbadha, maleeshiyo maamulka Puntland ah. Deegaanka Ganbadha ayaa ah meel u jirta tuulada Tukaraq wax ka yar 10km, dhinaca kalena u jirta magaaladda Garowe wax ka yar 30km.

 

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlaya ciidamadda Qaranka Somaliland oo u waramay idaacadda BBC Somali, maleeshiyadi soo weerartay ciidamadda qaranka ayaa laga qabsaday laba gaadhi Tikniko ah iyo maxaabiis aan tiradooda la xadidin. Isla af-hayeenkas ayaa sheegay in ciidamadda Somaliland wax khasaare ah soo gaadheen nin dhaawacmay, halka aanay jirin wax dhimasho ah. Af haying waxa uu sheegay in maxabis ay ka qabteen maleeshiyadi soo duushay, sidoo kalena laba gaadhi oo Tikniko ah ka qabsaden.

 

Dhinaca kale wasirka warfaafinta Puntland oo isna u waramay idaacadda BBC ee Somaliga ayaa sheegay in ay weerarka soo qaadeen, isagoo sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada Somaliland ku sugan yihiin magaaladda Laascaanod. Sidoo kale , mudanahan oo magaciisa lagu sheegay in la yidhaahdo Askar, waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu aad uga xun yahay caawimada dhaqale ee dalka Ingirisku siyo Somaliland.

 

Tan iyo intii xukuumadda Ingiriiska iyo alameda qarbigu sheegen in caawimada ay siyan Somaliland sadex laabayan ayaa waxa soo batay dagaal dhinacyo badan oo maamulka Puntland iyo maleeshiyo beeleed uu isticmaalaa kusoo qaaden Somaliland.

 

Maamulka Puntland ayaa ku dooda inay isku isir yihiin shacabka reer Somaliland ee dega Sool, isla markaana ku dooda intii isku isir ahba inay maamul wada samaysato. Dooda maamulka Puntland ayaa ah mid khatar ku ah nabadgelyadda geeska Afrika, maadama dad badan oo isku isir ah ay ku kala nool yihin xaduudaha Ethiopia, Somaliland iyo Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jebiyey weerar ay Puntland ku soo qaaday saaka

 

Written by Qaran news

Mar 07, 2011 at 08:41 AM

 

Laascaanood (Qaran news)- Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dhirbaaxo xoog leh ku dhiftay ciidamada maamul goboleedka Puntland oo saaka ka soo weeraray laba aag oo ah aagga hore eeTukaraq iyo Gambadhe. Ciidanka qaranka ayaa goobtaas ku qabsaday gaadiid techniko ah iyo maxaabiis badan. Wararka ka soo baxayaa goobaha dagaalka ayaa sheegaya in si xoog ah loo jebiyey ciidamada weerarka gardarrada ah soo qaaday ee Puntland.

 

Wararkaas oo faah-faahsan goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii ilaahay ka dhigo.

 

Qaran news

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji no fighting in Sool huh?

 

Of course you will put your spin on it and never admit defeat! However like it has been said many times, your think your independence bid will have any weight when it causes conflict?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX waa nin too emotional ah.. Now he is celeberating but once he got the real news, he will disappear as usual. XX, ku noqo, the reality on the ground is different than these you referred from your clan sites.

 

Plus, city of LA population aren't s/landers as you claimed because they have been protesting last several days and nighst and many of city's populations are filled in the jails. Your paied lead men from LA are big time in loss so as your militia. Run before its too late waryaa, tolka inta meesha kaaga jirta advice them before they get captured or killed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful;700080 wrote:
Xaaji no fighting in Sool huh?

 

Of course you will put your spin on it and never admit defeat! However like it has been said many times, your think your independence bid will have any weight when it causes conflict?

Fighting not between rebels and Somaliland but between Faroole and his forces and Ciidanka qaranka Somaliland this is good news since there are no rebels in eastern Sool but this is a war between Somaliland and the pirate forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;700081 wrote:
XX waa nin too emotional ah.. Now he is celeberating but once he got the real news, he will disappear as usual. XX, ku noqo, the reality on the ground is different than these you referred from your clan sites.

 

Plus, city of LA population aren't s/landers as you claimed because they have been protesting last several days and nighst and many of city's populations are filled in the jails. Your paied lead men from LA are big time in loss so as your militia. Run before its too late waryaa, tolka inta meesha kaaga jirta advice them before they get captured or killed.

Here from your own website

 

Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Ganbadhi Ee Bariga Laascaanood-

Lasanod Online. Monday, March 07, 2011

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada taabacsan SSC ee ka amar qaata Wasiirkii hore uga tirsanaan jirey maamulka Puntland, Axmed Karaash..

 

 

iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Sida ay wararku sheegaayan dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Ganbadhi oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Laascaanood,waxaana uu socday mudo dhowr saacadood dagaalkaasi.

 

Afhayeen u hadlay Ciidamada Somaliland ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ay khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidamadaas isla markaana dib u riixeen,waa siduu sheegtay.wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ay qabteen maxaabiis iyo gaadhi tikniko ah.

 

Xirrir aanu la sameynay masuuliyinta maamulka Puntland iyo aagga daalku ka dhacay ayaa dhamaantood ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkan maanta, iyagoo sheegay in saacadaha soo socda la hadli doonaan Saxaafada oo dagaalka ka warbixin doonaan.

 

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan maanta dhexmaray Ciidamada Axmed Karaash iyo Somaliland ayaan weli la ogeyn.

 

Dhowaan ayay ahayd markii Ciidamada Axmed Karaash iyo kuwo ka tirsan Puntland ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka bilaabeen inta u dhaxeysa Laascaanood iyo magaalada Garoowe.

 

Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ku eedeyey maamulka Somaliland in colaad ay ka hurinayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Faahfaahin ku saabsan dagaalkan, kala socda LASANOD ONLINE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

So you actually believe that the rebels aren't in Puntland and were not involved with the skirmish with your militia? Come on, for the rebels to get to Puntland they need to cross Sool or go through Ethiopia.

 

But if you want to believe that the rebels are just staying in Cayn, without Crossing through Sool, than fine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A khadar people can demonstrate in Somaliland since we are a democracy it's usual if riots get out of hand people get arrested there were demonstrations in borama to , two days ago and people got arrested Marka abti is dadji xuquuq shacabku wa leeyihin badankooda na wala sii dayey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this