Sign in to follow this  
ANWAR

Xiisado dagaal oo ka taagan Luuq iyo Garbahaareey

Recommended Posts

ANWAR   

Luuq: (Sh. M. Network) Waxaa xiisado kacsanaan ah laga dareemayaa degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo halkaasi oo ay isku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab.

 

Iyadoo maanta ay degantahay xaaladda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ayaa hadana wararka laga helayo degmooyin ka mid ah gobolkaasi waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gacanta ku haya degmadaasi ay u jihayteen degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo.

 

Sida ay Shabelle u sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baladxaawo, qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayaa u ruqaansadaday degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka mid tahay degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Al Shabaab.

 

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey ay ka jiraan diyaar garow ay samaynayaan ciidamada Xarakada Shabaab, waxaana dhaq dhaqaaqa xoogan ay ka jirtaa degmada Luuq oo ah degmo u dhow magaalada Baladxaawo.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka gaareen qabsashadii magaalada Baladxaawo inkastoo Saraakiil iyana ka tirsan Shabaab ay caedeeyeen in xeelado dagaal ay kaga baxeen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

 

WE WILL WIN INSHALLAH

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Barakicii ugu xoogana oo galabta ka bilowday degmada Luuq

 

Luuq: (Sh. M. Network) Barikcii ugu xooganaa ayaa galabta ka bilowday degmada Balad Xaawo ee gobolak Gedo kadib markii duleedyada degmadaasi ay buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan dowladda oo doonaya inay la wareegaan gacanta ku heynta degmadaasi.

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo, galinkii dambe ee maanta ayaa degmadaasi waxaa ka bilowday barakicii ugu xooganaa ee abad soo mara kadib markii dadka halkaasi ku nool ay ka warhaleen in degmadaasi ay ku soo foolleeyihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo haatan la sheegay inay kusuganyihiin meel aan sidaasi uga fogeyn degmada Luuq.

 

Ilo lagu kalsonyahay oo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa Shabelle u sheegay in galabta degmadaasi lagu arkaya dad aad u farabadan oo ka cararaya guryahooda, waxaana la sheegay in cabsida ugu daran ay timid kadib markii ciidamada dowladda ay dhowr jeho ka soo galeen duleedyada degmadaasi Luuq ee gobolka Gedo.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo ku sugan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku hanjabay in ay weerar ku yihiin degmada Luuq islamarkaana ay ka fara maroojinayaan ciidamada Al Shabaab ee halkaasi ku sugan.

 

Dhankooda ciidamada Xarakada Mujaahidiinta al Shabaab ee gacanta ku haya degmada Luuq ayaa sameynaya abaabulo dagaal oo la sheegay in ay kaga hortagayaan ciidamada dowladda ee dagaalka ku soo hogaaminaya degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo, waxaana dhaq dhaqaaqa Ciidan ee Al Shabaab si weyn looga dareemay gudaha degmada Luuq.

 

Xaalada degmada ayaa Caawa kacsan waxaana dadku ay ka baqdin qabaan in saacadba saacada ka dambeysa magaalada uu ka qarxo dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada AL Shabaab.

 

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay Luuq iyo hareeraheeda ay ka sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AL Shabaab ayaa saameyn waxaa ay ku yeesheen ganacsigii ka jiray degmadaasi, waxaana galabta galinkii dambe gaabis galay howlihii ganacsi ee ka jiray degmada Luuq Cabsida dadka awgeed.

 

Majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo iyo Maamulka Al Shabaab oo ku aadan xiisada dagaal ee ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa caawa aad u kacsan xaaladdad degmada Luuq ee gobolka Gedo, taasoo ka dambeysay kadib markii ay duulaano saf balaaran leh ay kusoo yihiin ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Dhaq dhaqaaqa ee Ahlu Sunnah.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda dowaldda Soomaaliya iyo ciidamadda Ahlu Sunnah ay weeraro qorsheysan kusoo yihiin degmada Luuq ee gobolka Gedo, isla-markaana qorshaha dowladda ayaa wuxuu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd degmada Luuq.

 

Wararka qaar ayaa sheegaaya in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay kaabiga u saaran yihiin degmada Luuq ee gobolka Banaadir, sida uu Shabakadda Dhacdo.com uu u sheegay Axmed Maxamuud Aadan oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

Axmed Maxamuud ayaa inoo sheegay in’ay caawa aad u kacsan tahay xaaladda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaasi ku daray in shacabka ay bilaabeen barakac baahsan oo ay ka wadaan qeybaha kala duwan ee degmadaasi.

 

Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay caawa daafacyo adag ay ka qoteen degmada Luuq, isla-markaana waxay doonayaan buu yiri in’ay daafacdaan gacan ku heynta degmada, isagoo intaasi ku daray in saacad kasta la-fillan karaayo dagaalo aad u culus.

 

Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo kala baxay dowladda Soomaaliya, Ahlu Sunnah iyo Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee Raa’isal Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in dagaalada ay sii socon doonaan, ilaa buu yiri aanu Shabaab shacabka oo kale ka dhigno.

 

Iskusoo wada-duuboo xaaladda kacsan ee ka jirta degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo duulaanada qorsheysan ay dowladdu kusoo tahay goobaha uu ka arrimiyo Shabaabka ayaa imaaneysa xilli in badan ay dowladdu sheegtay in Shabaabku loo-yaabi doono.

 

www.dhacdo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this