Maaddeey Posted March 4, 2011 Sheekh Xasan Daahir oo sheegay in dagaallada aysan joojinayn inta ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya Jimco, 04 Maarso, 2011 (HOL) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab oo xalay muxaadaro ka jeediyay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM aysan joojinayn inta ay dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM. “Qof walba oo muslim ah fardul-cayn ayuu ku yahay jihaadka ka socda Soomaaliya, dagaalkana ma joojinayno inta aan dalka oo dhan ka gaarsiinno maamullada islaamiga ah, ayna dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir. Hoggaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in inta ka harsan noloshiisa uu ku dhameysanayo dagaal, isagoo ugu baaqay dhallinyarada iyo waayeelku inay ka qayb-qaataan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka. “Ninkii gaalo la safta Wallaahi iyaga ayuu ka mid yahay oo kama taagna muran taas, waana lala dagaalamayaa,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir, oo sheegay in madaxda dowladda oo uu ku sheegay qaraabo ay la safteen ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi. Sheekh Xasan wuxuu sheegay in dagaallada ay wadaan ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay dalka oo dhan gaarsiiyaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka inta ay suurogal ka noqonaysana ay dagaallada wadayaan. Sheekh Nuur Macallin C/raxmaan oo isaguna ka hadlay muxaadarada ayaa sheegay in jihaadka uu qof walba oo muslim ah waajib ku yahay, lagana doonayo in laga qaybqaato, wuxuuna si gaar ah ugu booriyay dhalinyaradii muxaadarada kasoo qaybgalay ay is-diiwaangeliyaan si ay uga qaybqaataan dagaallada socda. Muxaadaradan ayaa waxay qayb ka ahayd muxaadarooyin ay culummaa’udiinka Xarrakatul Shabaab dhawaanahan ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, kuwaasoo ay dadka ugu yeerayeen inay ka qaybqaataan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
bilan Posted March 4, 2011 oo goormay AS yeesheen culumo??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 4, 2011 ^^Weligoodba waa lahaayeene, dheh: Anigu Culimo uma aqaanno!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 4, 2011 In other words dagaalada waxaa gilineynaa, oo ku leyneynaa caruur iyo ciyaal masaakiin aan soo aruurinay at the same time kuweyga ku raaxeysanayaan Eritareeya iyo Masar. No? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted March 4, 2011 Ina Daahir has no legs to stand. His opinion weights nothing. And in the eyes of most Somalis, he is nothing more than an opportunistic hyena. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted March 5, 2011 Just recently, after the H.Islam crises, one of Dahir's sons who was influenced by some hardcore Fadhi-ku- Jihaade decided to do something and go back to Somalia to join his father's caravan. Before he left to Mogadishu he made a phone call to his farther and this is how it went. Son. Aabo waan imaanayaa, Jihaadka ayaan rabaa. Dahir. Aabo waad yartahay, Jihaadna kuguma waajibin. Son. Aabo Hebel ayaa Shahiiday, Internet-ka yaana ka arkay!, anigaana 2 sano ka weyn Hebel. Dahir. Aabo wax baro, waxbarashada yaa jihaad kuugu filan. Shahaado soo qaado, Shahiid waad noqoneysaaye! Son. Laakin Aa... Dahir. Warkayga maqal. Dami taleefanka. Sheekada kore mid u dhow aa ka dhacday Qaahira oo ay reerka Daahir si nabad galyo leh ugu nool yihiin, Dowladda uu la dagaalayo iyo Wasiirkeedii waxbarasha ee ay qarxiyeen saxiixiisa ku heystaan deeq waxbarasho. Run ahaantii, Haddii aysan ahaan lahayn dareenka familka masaakiinta ah, anshaxa guud ee bulshada iyo ilmaha yar ee mustaqbal doonka ah, Xasan Daahir Aweys waa hore yaaa sharaftiisa dhulka la gili lahaa. Muwaadin Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 5, 2011 looooooooooooooool@ Cawaale............"Warkayga maqal. Dami taleefanka".............Jumladdaas siday iiga qoslisey! Xasan Daahir intuu ilmihiisii dibedda geystey buu rabaa inuu carruuraha islaameed baabi'iyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted March 5, 2011 I wonder who told Cawale this story? The girl on facebook from last time?kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 5, 2011 Geelle T., ma waxaad jeclaan lahayd in Sh. Xasan dagaal la galo Shabaabka!? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Al-Miskiin Posted March 5, 2011 Cawaale;699632 wrote: Just recently, after the H.Islam crises, one of Dahir's sons who was influenced by some hardcore Fadhi-ku- Jihaade decided to do something and go back to Somalia to join his father's caravan. Before he left to Mogadishu he made a phone call to his farther and this is how it went. Son. Aabo waan imaanayaa, Jihaadka ayaan rabaa. Dahir. Aabo waad yartahay, Jihaadna kuguma waajibin. Son. Aabo Hebel ayaa Shahiiday, Internet-ka yaana ka arkay!, anigaana 2 sano ka weyn Hebel. Dahir. Aabo wax baro, waxbarashada yaa jihaad kuugu filan. Shahaado soo qaado, Shahiid waad noqoneysaaye! Son. Laakin Aa... Dahir. Warkayga maqal. Dami taleefanka. Sheekada kore mid u dhow aa ka dhacday Qaahira oo ay reerka Daahir si nabad galyo leh ugu nool yihiin, Dowladda uu la dagaalayo iyo Wasiirkeedii waxbarasha ee ay qarxiyeen saxiixiisa ku heystaan deeq waxbarasho. Run ahaantii, Haddii aysan ahaan lahayn dareenka familka masaakiinta ah, anshaxa guud ee bulshada iyo ilmaha yar ee mustaqbal doonka ah, Xasan Daahir Aweys waa hore yaaa sharaftiisa dhulka la gili lahaa. Muwaadin Soomaaliyeed. lol its easy in la iska caayo qof shakhsi ah, wax kale ma haysaa oo nuxur leh? no offense mate. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted March 7, 2011 @Abwaan, Kaligiis ma ahan Daahir. every word lord ilmahiisa meel uu ka tuuray. @Polyani, Adiga waan kugu dimbaabaaya ninyahow. @Al-Maskiin, ku soo dhowoow SOL. Wax badan aa ku sugaayo. BTW, One of Dahir's sons in on Youtube. YUP..Waxaan u maleynaaya in aad i gaarsiisaan rag badan in aan qarxiyo(Qaraxa kaad taqaaneen maaha!!).. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 8, 2011 ^^ Yeah waa runtaa Fuad shongole ilmahiisa sweden ay ku dhasheen hadana Malaysiya ay joogaan.... Cali maxaa xuseen ciyaalkiisa Nairobi ay joogan.. Kaba ku dukade iyagana ciyaalkiisa Egypt aan ku ogaa.. ilmo islaameedna aaqiro ay uu diraayaan, balo idin aragto Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted March 8, 2011 Looooooool@ the replies :D:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted March 8, 2011 Maaddeey;699718 wrote: Geelle T., ma waxaad jeclaan lahayd in Sh. Xasan dagaal la galo Shabaabka!? Muxuu markii hore u booteynaayay, haddii uusan wax iska celin karin? Boowe, odaygu urur buu samaystay, AS maahi buu yiri, dagaal baa dhex maray AS iyo xisbigiisii, deerna markii la soo kulaalay ayuu is dhiibay. Marka credibility odaygu ma laha, ee warkiisa naga daa. Xaggee wax idiin marayaan hadda? Waa la idin wataaye maxaa idiin tala ah maanta? War Caruurta inta hartay badbaadiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted March 8, 2011 The trains are filling up with boys Who left behind their favorite toys They´re going over there, over there Where someone has to die wey wadayaan laynta caruurta, ma iyagaa daynaya Quote Share this post Link to post Share on other sites