Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The President of Somaliland sends his condolences to Axmed Jamac jangali and His family

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo oo ehaladii uu ka baxay Marxuum Axmed Jaamac Jeengali ka tacsiyadeeyay

siilaanyo-300x225.jpg

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehalada iyo qaraabadii uu ka baxay alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Jangeli oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehalada iyo qaraabadii uu ka baxay alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Jangeli oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

 

 

Madaxweynuhu waxa uu ilaaahay uga baryay marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehaladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ayaa waxa uu u dhignaa sidan Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu Tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii uu ka baxay MARXUUN AMB. AXMED JAAMAC JANGELI oo ku Geeriyooday Dalka Maraykanka.

 

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILAAHAY uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo

 

 

Alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Jeengali, ayaa waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare xukuumaddihii kala dambeeyay ee dalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kumuu Ahaa Axmed Jaamac Cabdulle (Jengeli)?.

Taariikh Nololeedkiisii:-(Jidbaale.com):-Waxaanu halkan idiinku soo gudbineynaa Taariikh Nololeedkii alle ha naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Cabdulle (Jengeli).

Yaraantiisii:

Axmed Jaamac Cabdulle wuxuu ku dhashay magaalada Cadan ee Yemen Bishii January 1922. Wuxuu maddarasadda Carabiga iyo Qur'aanka ku dhigtay Cadan, kadibna wuxuu galay dugsigii MISSION-ka CADAN. Badhtamihii 1940?s. Ka dib markii marxuumku dhammaystay Iskuulka ayuu waxa uu u soo wareegay waqooyiga Soomaliya.

Aqoontiisii:

Waxa loo diray Jaamacadda KHARTOUM INSTITUTE OF PUBLIC ADMINISTRATION, oo ku taalla dalka Sudan, wuxuuna kasoo qaatay laba sano, kadib shahaadadii Jaamacadda. Wuxuu kadib ku soo laabtay dalka, oo uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay intii uu Isticmaarku ka talinayey gobollada Waqooyiga ee Soomaaliya, xilkii ugu danbeeyey, ee uu u qabto xilligii sticmaarku waxa uu ahaa Guddoomiyinimada degmada LASANOD.

Ubadkiisii:

Marxuum Axmed ayaa ka tagay ubad badan, oo ku kala nool daafaha adduunka, intooda badan ay deggan yihiin waqooyiga America. Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalda San Jose ee gobolka Calafornia ee dalka Maraykanka.

Shaqooyinkii Uu Soo Qabtay:

1947- WUXUU SHAQADII UGU HORRA YSA Y KA BILAABA Y MAGAALADA HARGEYSA

1960- WUXUU NOQDAY DEPUTY GOVERNOR GOBOLLADA WAQOOYI OO MIDAYSNAA

1961/62- WUXUU NOQDAY GOVERNOR HARGEYSA

1962- WUXUU NOQDAY GOVERNOR BURCO

1963- WUXUU U AADAY WAXBARASHO MANCHESTER UNIVERSITY UK

1964- WUXUU MAR KALE NOQDAY GOVERNOR BURCO

1964 -1967- WUXUU NOQDAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD

1967 -1970- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOMALIYEED EE UK FADHIYA

1970 -1975- WUXUU NOQDAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA GUDAHA

1975-1979- WUXUU NOQDAY MAAREEYAHA GUUD EE HAY’ADDII DANWAAGAHA

1979-1980- WUXUU NOQDAY XOGHAYAHA JOOGTADA AH EE XAFIISKA MADAXWEYNAHA

1980 -1982- WUXUU NOQDAY XILDHIBAAN, ISLA MARKAAS XOGHAYE KA AH GUDDIGA JOOGTADA AH

1982-1984- WUXUU NOQDAY WASIIRKA DAWLADAHA HOOSE IYO HORUMARINTA REER MIYIGA

1984-1986- WUXUU NOQDAY WASIIRKA MADAXTOOYADA

1986-1988- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOOMAALIYEED EE JARMALKA

1988-1989- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOOMAALIYEED EE UK

1989-1990- WUXUU NOQDAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA.

Ilaahey ha u naxariisto MarxuuN Axmed Jaamac, Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this