Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2011 Dagaallo goos-goos ah oo Muqdisho ku dhexmaray Xarrakatul Shababa iyo DKMG ah iyo ciidanka AMISOM Jimco, 04 Maarso, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo goos-goos ah iyo duqeymo maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo taageero ciidan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarraatul Shabaab. Dagaalladan ayaa waxay billowdeen markii xoogagga Al-shabaab ay weerarro ku ekeeyeen fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo iyo kuwa AMSIOM ay kaga sugan yihiin degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana dagaalladan ay si goos-goos ah u socdeen illaa duhurnimadii maanta. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay dhamaantood ahaa shacab ay waxyeellada kasoo gaartay madaafiic ay AMISOM ku garaacday degmooyinka ay dagaaladu ka socdeen iyo kuwa ku dhow, waxaana dadkaas ku jira caruur iyo haween. Howlwadeennada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dhaawacyo ku dhow toban qof ka qaadeen goobo kala duwan, ayna weli ku howlan yihiin daad-gureynta dhaawacyada, iyagoo sheegay inay arkeen intii ay howsha ku jireen dad dhintay. Inkastoo ay jiraan khasaarooyin kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay ayaa haddana waxaan la hayn khasaaraha kala gaaray inta u le’eg yahay, kamana aysan hadlin labada dhinac dagaallada iyo khasaaraha kasoo kala gaaray. Dagaalladan goos-gooska ah ayaa imaanaya iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay magaalada Muqdisho dagganayd, inkastoo aagagga ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhinacyadu wadaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2011 Faahin faahin kasoo baxaysa dagaal ka dhacay Muqdisho Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa dagaalo qaraar oo qasaaro gaystay oo maanta magaalada Muqdisho ku dhexamaray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Inta la’ogyahay 5-ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo goos goos ah oo maanta ilaa iyo saakay xaafado ku yaala degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al Shabaab. Dagaaladaan ayaa la sheegay inay bilaawdeen kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab weerar gaadmo ah ay ku qaadeen Fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Nawaaxiga taalada Siyadka, Isgoyska Dabka iyo gurigii Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ka dhacay dagaal culus oo fool ka fool ah. Saraakiisha gaadiidka gurmedka deg dega oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku mashquulsanyihiin qaadida dadkii rayidka ahaa ee wax ku noqday duqeymaha iyo dagaalada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho inkastoo aysan xaqiijin tirada dadka wax ku noqday dagaaldaasi oo ay qaadeen. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ay aheyd mid dagan hase ahaatee dagaalada iyo duqeymaha kooban oo maanta ka dhacay Muqdisho ay aargagax galiyeen dad faro ku tiris ah oo ku haray xaafadaha lagu dagaalamay kuwaasi oo awoodi waayay inay ka barakacaan degmooyinka ay ku noolyihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites