Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sh xassan daahir aweys says the war will only stop if Amisom leaves Somalia.

Recommended Posts

Sheekh Xasan Daahir oo sheegay in dagaallada aysan joojinayn inta ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya

 

 

Jimco, 04 Maarso, 2011 (HOL) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab oo xalay muxaadaro ka jeediyay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM aysan joojinayn inta ay dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM.

 

“Qof walba oo muslim ah fardul-cayn ayuu ku yahay jihaadka ka socda Soomaaliya, dagaalkana ma joojinayno inta aan dalka oo dhan ka gaarsiinno maamullada islaamiga ah, ayna dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

 

 

Hoggaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in inta ka harsan noloshiisa uu ku dhameysanayo dagaal, isagoo ugu baaqay dhallinyarada iyo waayeelku inay ka qayb-qaataan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

 

“Ninkii gaalo la safta Wallaahi iyaga ayuu ka mid yahay oo kama taagna muran taas, waana lala dagaalamayaa,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir, oo sheegay in madaxda dowladda oo uu ku sheegay qaraabo ay la safteen ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

 

 

Sheekh Xasan wuxuu sheegay in dagaallada ay wadaan ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay dalka oo dhan gaarsiiyaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka inta ay suurogal ka noqonaysana ay dagaallada wadayaan.

 

 

Sheekh Nuur Macallin C/raxmaan oo isaguna ka hadlay muxaadarada ayaa sheegay in jihaadka uu qof walba oo muslim ah waajib ku yahay, lagana doonayo in laga qaybqaato, wuxuuna si gaar ah ugu booriyay dhalinyaradii muxaadarada kasoo qaybgalay ay is-diiwaangeliyaan si ay uga qaybqaataan dagaallada socda.

 

 

Muxaadaradan ayaa waxay qayb ka ahayd muxaadarooyin ay culummaa’udiinka Xarrakatul Shabaab dhawaanahan ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, kuwaasoo ay dadka ugu yeerayeen inay ka qaybqaataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir Aways oo Dagaal ku Baaqay.

 

Friday, 04 March 2011

Kooxda Al Shabaab ayaa mar kale ku armay dadka ku barakacay duleedka magaalada Muqdisho inay ka qeyb galaan dagaallada ka socda caasimadda.

 

 

 

Xasan Daahir Aweys oo dhowaan lagu khasbay inuu ka mid noqdo Al Shabaab ayaa xalay ka hadlayay mid ka mid ah masaajidyada ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoo sheegay inay khasab tahay shacabku inay ka qeyb galaan dagaallada socda oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid waajib ah.

 

Horjoogayaasha Al Shabaab ayaa ka dalbaday jameecadii masaajidka in ay isu diiwaan galiyaan ka mid noqoshada Kooxda Al Shabaab, kaddib markii uu hadalka dhameystay Xasan Daahir, taasoo sababtay in dad badan oo masaajidka u yimid salaadda cishaha inay meesha isaga dareeraan.

 

Horjoogayaasha Al Shabaab ayaa dhowaanahan cadaadis ku saarayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay kooxdaasi ku sugan yihiin inay qeyb ka qaataan dagaallada ay kula jiraan dowladda KMG ee Soomaaliya, iyagoo gobollada qaar ka qafaalay dhallinyaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tool

 

Email ugu *** saaxiibkaa warkaan

Daabaco warkaan

 

 

Muqdisho:-Shabaab oo Gurmad ahaan Muqdisho u soo geliyey Dhalinyaro iyo waayeelo tababar aan qabin.(Warbixin)

4. marts 2011

 

APL

 

 

 

 

Muqdisho(Allpuntland)-Shalay, xalay ilaa saaka ayaa lagu waramayaa in magaalada Muqdisho ay soo galeen gurmad kuwii ugu badnaa abid oo aan tababar qabin kuwaasi oo magaalada Muqdisho laga soo geliyey Gobolada Sh/Hoose, Sh/Dhexe , Baay iyo Bakool.

 

Maamulada Al Shabaab ee Gobolada Gurmadka laga keenay ayaa bilaabay marka hore in dadka ay isu yeeraan meelo fagaaraha iyagoona wacyi gelin ka dib ugu baaqayey in ay ka qeyb qaataan dagaalada ay ugu yereen jihaadka ee ka socda Muqdisho iyo Gobolada qaar.

 

Olalaha dagaal ugu yeerka ah ayaa waxaa qiirad lagu geliyey dhalinyaro xaafadeed kuwaasi oo iska diiwaan geliyey goobo maamulada Shabaabka ay cayimeen, waxaana durbo dhalinyaradaasi lagu geliyye xerooyin.

 

Madaxda Shabaab ayaa waxaa ka daadigi waayey gurmadka dhalinyaro ee isu diiwan gelisay ka qeyb qaadashada dagaalada, waxaaan kulamo lala qaatay Odayaal Beleedyada gobolada oo loo sheegay in dhalinyaro badan nin walba beeshiisa uu uga soo xeri geliyo Shabaab hasa ahaatee qaar ka mid ah odayaasha ayaa keeni waayey tiro ku dhow cadadi laga rabay, waxaana ka dib iyaga qudhooda laga dhaadhiciyey iyadoo qasab uu ku laran yahay in dagaalada ay ka qeyb qaataan.

 

Mid ka mid ah dhalinyaro laga soo ka xeeyey Degmada Afgooye ayaa APl u sheegay in tababar kooban la siiyey oo ah sida qoriga loo qabsado iyo sida loo rido oo kaliyah, waxa uuna sheegay qof kasta loo dhiibay qori iyo rasaas aan badneyn.

 

Dadka degan degaanka Suuqa xoolaha oo ay soo marto wadada ka timaada degaanada Gobolada Sh/Dhexe iyo kuwa ku nool degaanka ceelasha Biyaha ee ay soo marto wadada iyana ka timaada gobolada Sh/hoose , Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in ay indhooda mar walba qabtaan gaadiidka kuwa Xamuulka ah oo ay ka buuxaan dhalinyaro iyo Odayaal qaarkood da' ah oo isugu jira dad ku faraxsan ka qeyb galka dagaalada iyo kuwa caajis laga dheehan karo.

 

Qaar ka mid ah Eheleda Shabaabka ay soo dagaal geliyeen wiilashooda iyo Odayadooda ayaa sheegay in caruurtooda xamaasad ay soo qaaday halka Odayaashan qasab lagu soo kaxeeyey, waxa ayna shegeen in Shabaabka jooga Gobolada ay aad u madax adag yihiin oo ay adagtahay in rabitaankooda laga horyimaado, waxa ayna Alaah ka baryayeen in wayeelada iyo Dhalintaba iyagoo bad qabo uu dib ugu soo celiyo deegaanadooda.

 

Sidoo kale Gurmad sidaan oo kale ah oo laga uruuriyey qeybo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa la geeyey duleedka magaalada Beledweyne oo ay isu horfadhiyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab iyana waxaa jirta in gurmad laga uruuriyey Gobolada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasi oo lagu xoojiyey dagaalada Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo.

 

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this