Saalax Posted March 3, 2011 Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Ballanqaaday In Sharciga Lala Tiigsan Doono Dadkii Ka Dambeeyay Guryihii La Gubay Ee Magaalada Hargeysa. Hargeysa (Ramaas) Feb. 28, 2011- Maayirka caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa ballanqaaday in sharciga lala tiigsan doono dadkii ka dambeeyay guriyii dabka la qabadsiiyay ee Magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in dhakhso ah loo saari doono natiijada baadhitaanka arrintaas. Waxa uu maayirku sidan ka sheegay mar uu maanta saxaafada kula hadlayay xaafada New Hargeysa oo ay ku yaaleen inta badan aqaladii la gubay, waxa uu sheegay in uu soconayo baadhitaan oo lagu xaqiijinayo cida ka dambaysay falkii foosha xumaa ee lagula kacay dadkii lahaa hantida la gubay. Eng Jiciir waxa uu sheegay in gargaar loo fidin doono dadka ay dhibaatadu soo gaadhay oo laga caawin doono sidii ay dib ugu dhisan lahaayeeen guryihii ka gubtay mar kale Ramaasnews Desk Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 3, 2011 The same "Sharcii" that released a German white man after he abused Somali women for more than a decade? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 3, 2011 Good stuff Mr jicir. Quote Share this post Link to post Share on other sites