Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Foreign minister to visit the republic of china

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ku Sii Jeeda China Iyo Arrimaha Lala Xidiidhinayo Socdaalkiisa

 

Hargeysa, March 3, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo muddo afar maalmood ah socdaal ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu xalay ka dhoofay Madaarka Addis-Ababa ee dalkaasi oo uu ugu kicitimay dalka China.

 

Ma jiro war rasmiya oo Madaxtooyada ka soo baxay oo shaaca ka qaadaya socdaalka Wasiirka Arrimaha dibada ee China, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa Wargeysaka Haatuf u sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadu Maxamed C/laahi Cumar oo Safar ugu sii jeeda China la sheegay inuu gogol xaadh u yahay socdaal la filayo in madaxwenaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) bishan March 2011-ka ugu kicitimi doono dalkaasi Beijing oo marti qaad rasmiya uu ka helay dawlada dalkaasi.

 

Ilo wareedyo kale ayaa iyaguna sheegaya in ujeedada socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadu Maxamed C/laahi Cumar ay la xidhiidho arrimo ku saabsan Mashruuc khad Tareen oo isku xidha magaalada Berbera iyo Addis-Ababa oo laga hir galin doono labada dal ay ku saabsan tahay sidii qiimayn loogu soo samayn lahaa shirkadaha ku haboon ee hir galin kara khadkaasi Tareenka, hase yeeshe xukuumaddihii hore ee Somaliland maamulkii madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo dawlada Ethiopia ayaan iyagu isla meel dhigin qaabka loo hir galinayo heshiiskaasi ee loo wada galayo, hase yeeshe heshiiskaasi oon ilaa hadda aanay isla meel dhigin Somaliland iyo Ethiopia ayaa la sheegay in xukuumadda madaxweyne Siillaanyo iyo dawlada Raysalwasaare Males Zenawi ay wakhtigan xaadirka ah isla dhiraan-dhirinayaan sidii is fahan guud ay uga wada gaadhi lahaayeen Mashruucaasi lagu doonayo in khad Tareen oo dawalada Ethiopia ay Dekada Berbera Mustaqbalka ku doonayso sidii ay u isticmaali lahayd Alaaba-na ugala soo degi lahayd ay Maanka ku hayso, taas darteedna ay tibaaxuhu sheegayaan in Safarka Wasiirku ee la sheegayo inuu ugu sii jeedo dalkaasi China lagu soo qiimaynayo Maaliyada ku bixi doonta iyo Shirkadaha ku haboon ee fulin kara Mashruucaasi, hase yeeshee ilaa hadda Ethiopia iyo Somaliland si rasmiya Qalinka ugu may duugin hir galinta Mushruucaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar Oo Ku Sugan Waddanka Shiinaha, Arrimaha Ugu Muhiimsan Socdaalkiisa.(London-HNW)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ayaa beryahanba booqasho hawleed ku joogay magaala madaxda Shiinaha ee Beijing, ka dib markii dawladda Somaliland casuumada ka heshay dawladda Shiinaha. Warakan oo laga

 

(London-HNW)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa beryahanba booqasho hawleed ku joogay magaalo madaxda Shiinaha ee Beijing, ka dib markii dawladda Somaliland casuumada ka heshay dawladda Shiinaha. Warakan oo laga helay ilo wareedyo u dhoon daloola ayaan xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah shaaca uga qaadin. Waxayna wararku shegayaan intii uu joogay dalka shinaha inuu wasiirku kulamo la yeeshay xubno ka tirsan dawladda Shiinaha, shirkado waawayn oo shiinaha laga leeyahay iyo maalgashiyayaal ajeniba ah iyo masuulin kaleba, iyadoo arrimaha lagawada hadlay ay u badnaayeen xagga iskaashiga iyo maalgashiga oo dhinacyo badan leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar.

Waxaa kale warar ka qaarkood carabka ku dhufteen in arrimo xagga siyaasadda ku saabsan ay ka mid yihiin arrimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen Wasiirka iyo dawladda Shiinuhu. Wuxuu warkani *****l ka qaadaya in Somaliland iyo Shiinaha uu in mudda ahba u socdeen wadahadal hoose oo ay xagga Somaliland wadday, Waxaana la sheegayaa in dawladda Itoobiya wadahadalada qayb ka ahayd.

 

Wuxuu warka intaa ku darayaa in xukuumadda cusub ee Somaliland ee madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ay doonayso inay dalka u hesho maalgalin iyo horumarin dhaqaale oo xoog leh oo wax ka bedesha xaaladda dhaqaale ee dalka. Waxaana la filayaa in iskaashi dhex mara Somaliland iyo Shiinuhu uu arrintan wax wayn ka qabana doono.

 

Waa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland uu iskaashi noocan oo kale u bilaambo Somaliland iyo Shiinaha oo ah dawladd wayn oo ka mid ah kuwa hadda ugu dhaqaalaha wayn adduunka. Haddii u hirgalana waxaa suuragal ah in isbedel wayn oo horumar ah oo dhinac walba ahi ka dhici doona dalka, kumaan kun qof oo reer Somaliland ah oo imika shaqala´aani haysataana ay helo doonaan shaqooyin.

 

Warar ay helayso shabakadda Hadhwanaagnews ayaa shegaayaa in xukuumadda kumeel gaadhka ah ee Somaliya ay aad uga werwersan tahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland iyo sida dawladda Somaliland addunyada u dhexgashay muddo aad u gaaban, hadday noqon lahayd Yurub iyo hadda oo u gudubtay shiinaha oo lagu yaqaano iskaashi baaxad wayn oo dhinac walba leh oo la yeeshaan dawladaha Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this