Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Bomb explosion hits center of Boosaso+ casualties

Recommended Posts

Qarax Miino oo ka Dhacay magaaladda Boosaaso.

Wednesday, 02 March 2011

 

Qarax aan khasaare badan gaysan ayaa goor dhawayd ka dhacay bartamaha magaalada Bosaaso meel ku dhow xaawaladii

hore ee Dalsan Bank Hal ruux ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaasi oo ahaa nooca ramuudka laga hago ,iyadoo lagu aasay wadada dhinaceeda.

 

Waxaa qaraxan lala damacsanaa sida la sheegay in lagu khaarijiyo sarkaal la sheegay in Puntland uu ka caawiyay dagaalladii ay ku qabsadeen degmada Gal-Gala ee gobolka Bari.

 

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ruuxa ku dhintay qaraxa uu ahaa darawalkii waday gaadhiga miinada loo dhigay. Ciidamo aad u fara oo ay ku jiraan kuwa sirdoonka ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ,iyaga oo rasaas kor u ridaya si ay u kala Yaacaan dadka isugu soo xoomay goobta.

 

 

Dad goob-joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkayeen dad dhaawacyo ah oo loola sii cararayo cisbitalka ,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada ay gaarayaan.

 

Ugu danbayntii ma jiro masuul dowlada oo ilaa iyo hada ka hadlay arinta dhacay, waxaana arimaha ay qayb ka yihiin falalka amaan xumo ee degmada ku soo kordhayay labadii sano ee u danbaysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Dhimasho iyo dhaawac Sababay oo ka dhacay Bosaaso (Sawiro)

Qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa barqadnimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Gaari nooca Land Cruiser-ka loo yaqaano ayaa saaka qarax nooca miinada dhulka lagu aaso lagula beegsaday agagaarka Hotelka Juba ee magaalada Bosaaso.

 

 

 

Sida uu noo sheegay Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Col.Hurun waxaa qaraxaas ku dhintey dareewalkii gaariga, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale.

 

Taliyaha ayaa sheegay in hadda ay wadaan baaritaano la xirrira qaraxaas isla markaana gadaal ay saxaafada ka siin doonaan warbixin faahfaahsan.

 

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dadweyne badan oo usoo baxay sidii ay u arki lahaayeen qaabka ay wax u dhaceen,waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaarey Ciidamada amaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this