Saalax Posted March 1, 2011 Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Wasiirka Warfaafinta Ee Somaliland Written by Axmed Cabdi Xaabsade Mar 01, 2011 at 02:19 PM Warsaxaafadeed 1. Waxaa la socotaan go'aamada wax ku oolka ah ee uu madaxweynaha JSL ka qaatay shaqaaqada ka socota deegaanada buuhoodle. A. Madaxweynuhu waxa uu amray oo la fuliyey in baraagihii kalshaale la aaso waana la aasay. B. Madaxweynuhu isagoo tix galinaya dhibaatada abaarta iyo biyo la'aanta ka haysata shacbiga deegaanadaas waxa kale oo uu amray in uu ciidanka qaranka u banneeyo oo dib uga soo baxo dhulkii uu fadhiyey ee biyaha lahaa si ay dadku uga cabbaan. C. Madaxweynuhu wuxuu amray oo la fuliyey in maxaabiistii lagu qabtay dagaallada ee ay Dawladdu gacanta ku haysay shuruud la'aan la sii daayo, Maantana iyagoo nabada waxay joogaan Buuhoodle. D. Intaaba waxa ay xukuumadda Somaliland si cad u sheegaysay in ay ujeedadeedu tahay in ay dadku nabad kuwada noolaadaan isla markaana loo jeedsto dhinaca horumarka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhismaha bulshada oo laga fogaado dib u dhaca iyo colaadda 2. Maanta oo ay qoyan yihiin tallaabooyinkaas ay xukuumadda Somaliland qaaday ee nabada u adeegaya nasiib darro waxaa lagaga jawaabay wax aan loo fadhiyin oo aanu dadku gayin oo nacasnimo ku ah cid kasta oo qayb ka ah. 3. Weerarkaas waxa fuliyey kooxda nabad diidka ah ee ku gabata buuhoodle kuwaas oo la ogyahay in ay ka xun yihiin nabadda iyo deganaanshaha uu deegaankaasi ku soo noqonayo waana la ogyahay cida ay gacan saarka la leeyihin iyo ujeedadooda mana wadaan wax ay ugu danaynayaan dadka reer Buuhoodle iyo shacbiga deegaankaas. 4. Somaliland way ku adag tahay Nabadda inta ay irbad daloolkeed ka arkaysana ka tagi mayso laakiin dadka wax garadka ah ee isimada ah ee aqoonayahannada ah ee shacbiga ah ee deegaanka buuhoodle waxa la gudboon in ay gartaan halka ay dantu ku jirto oo ah halka ka shaqaynaysa nabadda, halka ka shaqaynaysa inay biyo helaan, halka ka shaqaynaysa in ay dadka wada dhashay nabad ku wada noolaadaan. Waxaa la gudboon in ay iska qabtaan kuwa dhex jooga, ee ku gabanaya, magacoodana sheeganaya ee weerarkan ***** nimada ah soo qaaday 5. Ciidanka qaranka ee Somaliland-na waxaan ku amaanayaa sida gobanimada leh ee uu ugu dhabar adaygayo gardarrada joogtada ah ee ay tii galabta ugu dambaysay ee kaga imanaysa kooxdaas nabad diidka ah. 6. Ugu dambayn waxaanu la socodsiinayaan cid kasta oo danaynaysa Nabad gelyada mandaqaddan in ay kooxdan nabad diidka ah ee gacan saarka la leh argagixisadu caddaysatay ujeedadooda rasmiga ah oo ah Nabad diidnimada ay la wadaagaan argagixisada kale ee mandaqadda, sidaa awgeedna dhan looga soo wada jeesto." Md. Axmed Cabdi Xaabsade Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 1, 2011 http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=5847 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 1, 2011 Good on Xaabsade ,,,,,,,,,, Now everything has been done to restore peace ,,, let's see how that Mashruuc ends in the near future. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted March 2, 2011 Mashruuc mashruuc,, waad khafiiftay adeer dee.... Mashruuc.. War maleyshidu goryahooda ha adaan.. That more important than anything else including the dams. Ma fahamtay.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted March 2, 2011 Khadar, haa la yaabin JB, mashruucii Warlord Siilaanyo iyo kooxda somalidiidka ayaa burbur ku dhamaaday, markii maleeshiyada somalidiidka lagu jabiyey Kalshaale, una carareen dhinaca qorilugud. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 2, 2011 Walee oohintaaan ogaa baa ka dambayne ,,,,, waar tolow colka jooja Quote Share this post Link to post Share on other sites