Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland foreign affairs Minister holds talks with Ethiopian foreign Minister

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan

shir ah la qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, mudane Hailumariam Desaglen, islamrkaa ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya. Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii isniintii ee ay taariikhdu ahayd 28 ka February, waxaa lagu lafaguray arrimo khuseeya nabadgalyada iyo siyaasadda gobolka, waxaana si qotto dheer loo taabtay qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada nabadgalyada waxyeelaya ee ka jira mandaqadda.

 

Arrimaha sida gaarka ah uga wada hadleen labada dhinac waxaa ka mid ah arrintii ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo mawqifka ay arrintan ka qaadatay Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu tilmaamay in ay u arkaan mawqifka Puntland arrintann ay ka qaadatay mid faragali toos ah ku aha arrimaha u gaarka ah Somaliland, taasi loo tarjuman karo gardarro caddan ah.

 

Wuxuuna Wasiirku caddeeyay hawlgalada nabadgalyo doonka ah ee ay xukuumadda Somaliland ka waddo deegeenkaasi , iyadoo ay door wax ku ool ah ka qaadanayaan hogaamiye dhaqameedyada Somaliland iyo odayaasha deegaanka si nabad loogu soo afjaro khilaafka ka dhex dhacay labada beelood ee deegaankaasi wada dega. Wuxuuna wasiirku ugu baaqay maamulka Punland inay joojiyaan farigalinta arrimaha Somaliland iyo taakulaynta kooxaha nabad-diidka ah ee gacan saarka la leh argagixisada.

 

Itoobiyana dhinaceeda waxay shaaca ka qaaday inay soo dhawaynayso, islamaarkaana taageerayso, hawlaha horumarinaya nabadgalyada iyo xasiloonida, jeceshahayna in arrinta ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo nawaaxigeeda lagu soo dhammeeyo nabadgalyo.

 

Waxayna labada geesood tilamaameen sida loogu baahan yahay inay si wada jir ah ugawada shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa khataraha ka iman kara nabadgalyada xumamada oo saamayn kuwada yeelan kara gobolka.

 

Waraasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this