Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Wefti Maal-gashadayaal ah Oo Ka Kooban Todoba Xubnood

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Wefti Maal-gashadayaal ah Oo Ka Kooban Todoba Xubnood

 

War-saxaafadeed uu ka saxiixanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr Cukuse, oo Kulankaasi lagu faahfaahiyey ayaa goor dhawayd soo gaadhay xafiiska warqabadka Hadhawnaag Media, waxaanu u qornaa sidan:

 

War-Saxaafadeed

 

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.

 

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay Dawlada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa qaybaha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-

 

Beeraha, Kalluumaysiga, Bada, Ganacsiga, Macdanta, Shidaalka iyo IWM.

 

iyfehlif2i1spzpdknnc.jpg

 

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taala Dalku u fududdaynayso una suurta gelinayso, cidii Danaynaysa in ay maalgashato Somaliland.

 

Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.

 

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey ,Madaxweyne ku xigeenka JSL & Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.

 

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen Sidan :-

 

1. Dato Ir. Aziz bin Mustafa Director of JPZ & Advicer

2. Shamsul Anuar bin Shasudin Director, Cosign Sdn bhn

3. Nik Arshad bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka

4. Nik Azlan bin Nik Mohamed Director, Kumpulan Senireka

5. Idris bin Mohamed Noh Director, Arab Saudi

6. Rosli bin Abu Bakar Broadcast

7. Hassan bin Samian Regional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM

 

 

1vkxnw3swkjgiqcutoq9.jpg

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   
"You see, we have this bridge that we've been struggling to finish for years. We brought in the Chinese, we brought in the Germans and we even had a group from UAE here the other day but nobody had managed to finish that bridge. My foriegn minister tells me that you have lots of bridges and big buildings in Maleysia...".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Berbera: Wafti ka socda wadanka maleysia oo Booqasho ku yimi Caasimadda Gobolka Saaxil ee Berbera.

 

20110301042335.jpg

Waxaana waftigan diyaar madaarka ugu sii ahaa saraakiil katirsan wasaarada arimaha debeda ee soomaaliland Daawo Sawiradda

 

 

Wafti ka socda wadanka maleysia ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Berbera waxaana waftigan hogaaminaayay safiirka soomaaliland ufadhiya wadankaa maleysia C/risaaq Maxamed Maxamuud

 

Waxaana waftigan diyaar madaarka ugu sii ahaa saraakiil katirsan wasaarada arimaha debeda ee soomaaliland oo uu horkacaayay C/risaaq Xaji Xusseen waxa kale oo isna madashaa diyaar kusii ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) masuuliyiintan ayaa saaka subaxnimadii hore si diiran usoo dhaweeyay waftigan reer maleysia.

5487435521_8716dddf14.jpg

 

 

Waftigan oo ka koobnaa(9)xubnood oo isugu jiray ganacsato maleysiana oo shuraako la ah muwaadiniinta reer soomaaliland ee dhaawanta warshada hilibka ka sameystay xarunta Gobolka togdheer ee Burco ayaa waxa kale oo wehelinaayay xubno kale oo iyana ka socday Telefiishanka wadankaa ugu weyn ee dawlada iyo waliba xubno kale oo indha indheynaayay sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen wadankan soomaaliland iyo meelaha ay daneynayaan oo ay soo arkaan waxaanay socdaalo ku soo mareen xarumaha dawlada ee Gobolkan saaxil oo dhan hawgu horeyso dekeduye iyo labada maxjar ee xoolaha dekeda ka dhoofa lagu caafimaadiyo waxaana xarumahaa ay marayeen warbixino ka siinaayay masuuliyiinta maamula ka hor intii aanay dhinaca caasimada usoo ambabixin

 

5487435381_f0b5a790e1.jpg

Waxaanay kormeerkoodii ugu horeeyay saaka ka bilaabeen dekeda magaalada Berbera oo ay doonayaan qoladan warshada hilibka qeybta ka ahi in ay ka dhoofiyaan hilibka oo koontanaro qaboojiyayaala ku jira waxaana halkaa waftiga warbixino la xidhiidha dekeda iyo sida ay ushaqeyso kusiiyay Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir waxaanu halkaa ku faah faahiyay adeegyada dekeda iyo habsi usocodka shaqadeeda iyo waliba in ay dekeda Berbera ufurantay cidkasta oo daneynaysa ama dooneysa in ay xidhiidh ganacsi la sameyso kadibna waxay waftigu booqdeen maxjarada labada ah ee xoolaha waxaanay ku nagaaadeen oo warbixino la xidhiidha maxjarka ka qaateen maxjarka shirkada Indha deero Grooub ee (national quaranten)waxaana halka warbixin dheer ku siiyay maamulaha labourtaryga oo ah dhakhtar masriya waxaanu waftiga usoo badhigay qalabka kala gadisan ee xoolaha lagu caafimaadiyo iyo waliba daawooyinka xoolaha cudurada lagaga talaalo oo talaagado ku xafidan

 

Kadibna waxay ku yara hakadeen Hotel Maansoor oo Quraacdu ugu sii diyaar aheyd sababtoo ah diyaarada ayaa madaarka ay diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera soo caga dhigtay 5.30 shantii iyo badhkii subaxnimo waxaanay ugu danbeyntii waftigu booqdeen xarunta warshada shamiitada ee Berbera waxaana halka warbixin ku siiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali hayste(Ramaax)isaga oo waftiga uga waramay waayaha shaqo ee ay warshadani soo martay iyo wakhtiyadii ay shaqeyn jirtay tonageka ay soo saar jirtay maalintii oo uu ku sheegay(600)lix boqol oo tan oo sibidha maalintiiba.

5488029752_f00c74db1d.jpg

 

5488029608_676c59cbc5.jpg

Dhinac kale waxa isna masuuliyiinta soo dhaweysay umahad celiyay xubin kamida waftiga maleysianka ah oo magiciisa lagu sheegay Cabdi Casiis waxaanu aad ula dhacay sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo qiimaha ay ugu fadhido kadibna waxa ay waftiga iyo xubnihii soo dhaweyntooda Berbera uyimi ay isu soo raaceen dhinaca hargeysa halkaas oo ay kulamo la qaadan doonan madaxda xukumada iyo golayaasha qaranka sida uu sheegay Cabdirisaaq Xaji Xussen manta mar u socdaalka waftigan ka hadlaayay isaga oo raaciyay in ay burcana booqan doonan hargaysa marka ay ka soo noqdaan isla wiigan gudihiisa

 

Dhinaca kale xubnaha ka socday tvga maleysia ayaa iyaguna watay kamara man uduubaya meelkasta oo ay maraan iyo iyaga oo waraysan doona madaxda ay la kulmaan waxaanay kala ahaayeen laba wariye oo midi tahay gabadh iyo hal kamara man waxaanay saaka wareysiyo ka qaadeen maamulaha madaarka Berbera Axmed Maxamed Cawaale isla markii ay soo dageenba

waana waftigii ugu horeeyay ee inooga yimaada wadankaa maleysia oo ah wadan islaama intiisa badani xubnaha manta halkan marayayna waxay ahaayeen muslim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this