Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Buhoodle community welcome peace initiative President Siilaanyo

Recommended Posts

Beesha Buuhoodle Oo Soo Dhaweysay Baraagaha Kal-Shaale Ee La Baabiyay

Monday, 28 February 2011

 

 

Afhayeenka beelaha Buuhoodle Caaqil Jaamac Sahal Muuse ayaa sheegay in beel ahaan ay soo dhaweynayaan go’aankii madaxweynaha

Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ee lagu burburiyay Baraagihii laga qoday Kal-shaale, isagoo intaa ku daray in beesha Qori-lugud ee shaqaaqadu ku dhex martay degaankaasi aanay jirin wax colaad ah oo u dhaxaysa, hase yeeshee uu tilmaamay in dawlada Somaliland oo kaliya ay kala hadli karaan dagaalkii ciidamada qaranka iyo Maleeshiyadooda ku dhex maray aaga Buuhoodle, isagoo dhinaca kalena sheegay xildhibaankii maamulka ******teeniya ee xalay ka hadlay Idaacada VOA-da aanu ku hadlaynin afka beelaha Buuhoodle, balse uu iska dhisayay maamulkaasi uu ka tirsan yahay, isagoo maamulka ******teeniyana ku eedeeyay xiligii maamulka Faroole la dhisayay in heshiiskii ay la galeen uu ka gaabiyay.

 

Afhayeenka beelaha Caaqil Jaamac Sahal Muuse oo xalay khadka Telefoonka Wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay isagoo jooga magaalada Buuhoodle, sheegayna in shir ay ka yeesheen go’aankaa lagu bur-buriyay Baraagaha Kal-shaale madaxdhaqameedyadoodu isaga ugu xil saareen inuu mawqifkooda beesha Buuhoodle shaaciyo, isagoo Afhayeenkaasi ka hadlaya mawqifkooda, waxa uu yidhi “Hadaanu nahay beelaha Buuhoodle talaabadaa lagu burburiyay Baraagaha Kal-shaale waanu soo dhaweynaynaa, in wax kasta nabad lagu dhameeyana diyaar baanu u nahay, beesha bariga burco ee Qori-lugud degtana walaalo ayaanu nahay wax colaad ah oo noo dhaxaysaana ma jirto, Baraagahaasina waxaanu ogaanay in siyaasiyiini ay markii horeba qoday oo aanay beeshaasi iyaduba shaqo kulahayn, sidaa darteed beesha qorilugudcolaad noo dhaxaysa oo aanu ka wada hadlaynaa ma jirto, hase yeeshee cida aanu wada hadli karnaa waa xukuumadda Somaliland oo wixii dagaladu keeneen aanu ka wada hadli karno,wixii nabad lagu gaadhayana anagu diraa baanu u nahay dhinacayaga, sidaa darteed dawlada Somaliland ayay wax naga dhaxeeyaan, balse cid kale oo aanu is haynaa ma jirto”.

 

Mar aanu weydiinay Afhayeenka Buuhoodle sida ay u arkaana gogosha nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u fidiyay, waxa uu yidhi “Diyaar baanu u nahay wixii wada hadalo nabadeed ah cid nabad diidi kartaana ma jirto, hase yeeshee waxaan ku sheegayaa in arintu taagan tahay xukuumadda Somaliland iyo beesha Buuhoodle”.

 

Mar aanu weydiinay sida ay beel ahaan u arkaan hadalkii ka soo yeedhay xildhibaanka maamulka ******teeniya ee xalaya laga sii daayay Idaacada VOA-da, sheegayna inuu joogo degmada Widh-Widh, Buuhoodle-na shacbigeedu ka tirsan yahay maamulka Puntland ee Somalia, waxa uu yidhi “Ninkaasi xildhibaanka sheegtay waxa uu ku hadlayay hadalo uu iskaga dhisayay maamulkaa uu ka tirsan yahay, balse qadiyada noo dhaxaysa anaga iyo xukuumadda Somaliland iyo ta uu ka hadlay wax isku xidhan maaha, maamulkaasi Puntland wakhtigii la aasaasayay talo ayaanu ku lahayn, xitaa markii maamulka Faroole la dhisayay, hase yeeshee heshiisyadii aanu wada galnay wuu ka gaabiyay maamulkaasi, wax badan baana iska badalay, balse ilaa hadda ma jiro go’aan laga qaatay maamulkaasi, dagaalka naga dhexeeya Somaliland-na maaha mid u dhexeya Puntland iyo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Diyaar baanu u nahay wixii wada hadalo nabadeed ah cid nabad diidi kartaana ma jirto, hase yeeshee waxaan ku sheegayaa in arintu taagan tahay xukuumadda Somaliland iyo beesha Buuhoodle”.

 

Great ! ! ! !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Here's the source that Xaaji is hiding!

 

http://www.haatuf.net/2009files/1582657.html

 

Beesha Buuhoodle Oo Soo Dhaweysay Baraagaha Kal-Shaale Ee La Baabiyay, Sheegtayna In Xukuumadda S/Land Oo Kaliya Ay Wada Hadli Karaan

 

“Beesha Habar-J**** Wax Colaad Ah Oo Noo Dhaxaysaa Ma Jirto” Afhayeenka Buuhoodle Caaqil Jaamac Sahal Muuse

 

Hargeysa, February 29, 2011 (Haatuf)- Afhayeenka beelaha Buuhoodle Caaqil Jaamac Sahal Muuse ayaa sheegay in beel ahaan ay soo dhaweynayaan go’aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ee lagu burburiyay Baraagihii laga qoday Kal-shaale, isagoo intaa ku daray in beesha Qori-lugud ee Habar-jeclo ee shaqaaqadu ku dhex martay degaankaasi aanay jirin wax colaad ah oo u dhaxaysa, hase yeeshee uu tilmaamay in dawlada Somaliland oo kaliya ay kala hadli karaan dagaalkii ciidamada qaranka iyo Maleeshiyadooda ku dhex maray aaga Buuhoodle, isagoo dhinaca kalena sheegay xildhibaankii maamulka ******teeniya ee xalay ka hadlay Idaacada VOA-da aanu ku hadlaynin afka beelaha Buuhoodle, balse uu iska dhisayay maamulkaasi uu ka tirsan yahay, isagoo maamulka ******teeniyana ku eedeeyay xiligii maamulka Faroole la dhisayay in heshiiskii ay la galeen uu ka gaabiyay.

 

Afhayeenka beelaha Caaqil Jaamac Sahal Muuse oo xalay khadka Telefoonka Wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay isagoo jooga magaalada Buuhoodle, sheegayna in shir ay ka yeesheen go’aankaa lagu bur-buriyay Baraagaha Kal-shaale madaxdhaqameedyadoodu isaga ugu xil saareen inuu mawqifkooda beesha Buuhoodle shaaciyo, isagoo Afhayeenkaasi ka hadlaya mawqifkooda, waxa uu yidhi “Hadaanu nahay beelaha Buuhoodle talaabadaa lagu burburiyay Baraagaha Kal-shaale waanu soo dhaweynaynaa, in wax kasta nabad lagu dhameeyana diyaar baanu u nahay, beesha Habar-jeclo ee Qori-lugud degtana walaalo ayaanu nahay wax colaad ah oo noo dhaxaysaana ma jirto, Baraagahaasina waxaanu ogaanay in siyaasiyiini ay markii horeba qoday oo aanay beeshaasi iyaduba shaqo kulahayn, sidaa darteed beesha Habar-jeclo colaad noo dhaxaysa oo aanu ka wada hadlaynaa ma jirto, hase yeeshee cida aanu wada hadli karnaa waa xukuumadda Somaliland oo wixii dagaladu keeneen aanu ka wada hadli karno,wixii nabad lagu gaadhayana anagu diraa baanu u nahay dhinacayaga, sidaa darteed dawlada Somaliland ayay wax naga dhaxeeyaan, balse cid kale oo aanu is haynaa ma jirto”.

 

Mar aanu weydiinay Afhayeenka Buuhoodle sida ay u arkaana gogosha nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u fidiyay, waxa uu yidhi “Diyaar baanu u nahay wixii wada hadalo nabadeed ah cid nabad diidi kartaana ma jirto, hase yeeshee waxaan ku sheegayaa in arintu taagan tahay xukuumadda Somaliland iyo beesha Buuhoodle”.

 

Mar aanu weydiinay sida ay beel ahaan u arkaan hadalkii ka soo yeedhay xildhibaanka maamulka ******teeniya ee xalaya laga sii daayay Idaacada VOA-da, sheegayna inuu joogo degmada Widh-Widh, Buuhoodle-na shacbigeedu ka tirsan yahay maamulka Puntland ee Somalia, waxa uu yidhi “Ninkaasi xildhibaanka sheegtay waxa uu ku hadlayay hadalo uu iskaga dhisayay maamulkaa uu ka tirsan yahay, balse qadiyada noo dhaxaysa anaga iyo xukuumadda Somaliland iyo ta uu ka hadlay wax isku xidhan maaha, maamulkaasi Puntland wakhtigii la aasaasayay talo ayaanu ku lahayn, xitaa markii maamulka Faroole la dhisayay, hase yeeshee heshiisyadii aanu wada galnay wuu ka gaabiyay maamulkaasi, wax badan baana iska badalay, balse ilaa hadda ma jiro go’aan laga qaatay maamulkaasi, dagaalka naga dhexeeya Somaliland-na maaha mid u dhexeya Puntland iyo Somaliland”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this