Jacaylbaro Posted February 28, 2011 Walee Pirates kii way waasheen ,,,,,,,,,,, Ilaa Indonesia ayaaba la socday ,, Burcad badeeda Soomaali ah oo lagu qabtay xeebaha Indonesia Sumatra: (Sh. M. Network) Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu qabtay Jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia xili weerarada Masaafooyinka dhaa dheer kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay yihiin kuwa marba marka ka dambeysa isa sootaraya. Ciimada ilaalada Xeebaha Jasiiradda Sumatra ee ku taala Dalka Indonesia ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo watay dooni dheereysa oo ku sugnayd Xeeb lagu magacaabo Baarkhiil taasi oo ku taala Jasiiradda Sumarta ee dalkaasi Indonesia. War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ilaalada xeebaha Jasiiraddaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku dhigeen labo burcad badeed Soomaali ah oo magacyadoodu lagu kala sheegay Max’ed Max’uud Saciid iyo Aadan Cali C/laahi kuwaasi oo la tilmaamay inay wateen dooni lagu magacaabo Fibar Kalas, waxaana ay ciidamada intaasi ay ku dareen in sidoo kale ay ku hubaysnaayeen labadaasi qof qoryaha loo yaqaano AK-47. “ Haa, qabashada labadaani ruux waxaa ka dambeeyay kadib markii Kaluumaysato u dhalatay Jasiiradda Sumatra ay noo sheegeen in labadaani burcad badeeda ay ceersanayeen doon dalxiis oo aan la garanayn wadanka laga leeyahay, hase ahaatee aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Kaluumaysatadaasi” ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ilaalada ee Xeebada Jasiiraddaasi. Majiro waxa war ah oo ka baxsan ciidamada ilaalada ee xeebaha Jasiiradda Sumatra oo cadaynayo inay dadkaasi yihiin burcad badeed hase ahaatee ay gacanta ku hayaan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Indonesia. Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay gaareen heer aad u saraysa iyagoo awood u leh inay Maraakiibta kasoo afduubtaan meelo ka fog fog xeebaha dalka Soomaaliya taasi oo walaac xoogan ay ka muujiyeen Maraakiibta ganacsi iyo doonyaha isticmaalaha badwaynta India. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted February 28, 2011 Soon they will be in the cost of Europe! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Archdemos Posted February 28, 2011 something fishy going on. Quote Share this post Link to post Share on other sites
isqarxis Posted February 28, 2011 ma mirqaanki aya tuusay indonesia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted February 28, 2011 Jacaylbaro;698391 wrote: kadib markii Kaluumaysato u dhalatay Jasiiradda Sumatra ay noo sheegeen in labadaani burcad badeeda ay ceersanayeen doon dalxiis. :D,,Sheekadani waa mid lagu qoslo. Laakiin waxaan u malaynayaa in ay Been tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites