Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Hiilqaran

Recommended Posts

Carafaat   

MMA, ha xubin aan ka ahay. Abtigiis macaa wuu ku jira. Canada macaa dad ayaa ka yimi shirkii dhaweed. koley branch wee kuleeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
^^^walaalkay Hargeysa iney caasimada noqoto ma suurtagala ileen ninka proffesor hebelow Samatar ayaa rabo arinkaas oo markasta ku hadlaa..

 

 

 

 

 

 

hahahaaa :D:D:D hiloowle now you know hiil qaran wana move capital to hargeisa...that's how illegitimate they r...don't listen to thm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Shirweynihii labaad ee Xisbiga Hiil Qaran oo Maanta lagu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

 

http://www.hiiraan.com/news/2012/Apr/wararka_maanta18-17684.htmhttp://

 

Arbaco, Abriil 18, 2012 (HOL) — Shirweynihii labaad ee xisbiga Hiil Qaran oo muddo shan maalmood ka ah ka socday Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah lagu soo gabgabeeyay hotel Naasa-hablood, waxaana goobjoog ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga.

 

Guddoomiyaha xisbiga Hiil Qaran, Ibraahim Macallin Mursal oo ka hadlay halkaas ayaa wuxuu ku dheeraaday sidii lagu soo aasaasay xisbiga, marxaladihii uu soo maray iyo mustaqbalka waxay higsanayaan. Mr. Mursal wuxuu sheegay in xisbiga ay hoggaamiyaan 11-xubnood oo loogu magac-daray xubnaha dhuuxa xisbiga, wuxuuna sheegay in xubnahan aan loo ogoleyn inay siyaasadda ka qaybgalaan ama ay darjo siyaasadeed qabtaan. Isagoo sheegay in sheegay in xubnahan ay yihiin kuwa loo celiyo talada guud ee xisbiga.

 

 

HIIL2.jpg

 

HIIL6.jpg

 

"Xisbigan waa mid ruuxi ah oo loogu talogalay inuu Soomaaliya ka saaro dhibaatada ay kusoo jirtay muddada dheer. Waana mid ka madaxbannaan reer-reer," ayuu yiri Mursal, isagoo sheegay inaysan aqbali karin wax aan Soomaali ahayn. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo loo doortay guddoomiyaha dhinaca siyaasadda ee Xisbiga Hiil Qaran oo isagana ka hadlay madasha ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay sidii ay dadka Soomaaliyeed ay u mideyn lahaayeen. "Dunida aad ayay ula yaaban tahay in Soomaali oo isku af, isku dhaqan, isku diin iyo isku midab ah ay isfahmi waayaan, waana taas midda innaga ina dhaqaajisay ee aan doonayno inaan meesha ka saarno," ayuu yiri Prof. Samatar oo dhaiilay qaabka ay u wadahadlayaan Somaliland iyo DKMG ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: "Guddiyada ay magacaabeen Somaliland iyo DKMG ah ma ahan kuwii loo baahnaa haddii la doonayo xal, balse waxay ahayd in lasoo xulo dad aqoon diimeed iyo mid maaddi leh oo ay ka go'an tahay in Soomaaliya nabadi ka dhalato." Wadahadallada Somaliland iyo DKMG ah ayuu sheegay inaysan ahayn mid iyaga ka timid balse ay tahay mid dusha lagala keenay, balse laga faa'iideysan karo haddii la doonayo xalka dalkan.

 

Shariif Xuseen Roobow oo isaguna ah wakiilka xisbiga Hiil Qaran ee Muqdisho oo ka hadlay isaguna madasha ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshaha wafdigan ballaaran ee Muqdisho yimid kana qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbiga Hiil Qaran, isagoo u mahadceliyay intii gacan ku siisay qabsoomidda shirweynahan. Xisbiga Hiil Qaran oo la aasaasay sannadkii 2010 ayaa wuxuu xafiisyo ku leeyahay dalalka Soomaaliya, Mareykanka, Australia, Yurub, Afrika iyo dalal kale, waana xisbi ay aasaaseen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

HIIL8.jpg

 

HIIL5.jpg

 

HIIL10.jpg

 

HIIL1.jpg

 

HIIL4.jpg

 

HIIL9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xisbiga Hiil-Qaran oo kulan ku qabtay Alkamaar-Holland (Sawirro)Xisbiga Hiil-Qaran oo kulan ku qabtay Alkamaar-Holland (Sawirro)

 

Magaaladda Alkamaar ee waddanka Holland waxaa lagu qabtay kulan ay soo qabanqaabiyeen Xisbiga Hiil-Qaran faraciisa waddanka Holland, waxaana kulankani uu qeyb ka ahaa kulamo wareeg ah oo muddooyinkii u dambeeyey uu xisbigaasi ku qabanayey magaalooyin ka tirsan dalka Holland, ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii loo gaarsiin lahaa mujtamaca Soomaalida ee ku dhaqan Holland hadafka & ujeedada loo dhisay xibsiga, si xisbigu u helo shacbiyada badan oo ka timaada qurba-joogta.

 

Dadkii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Ibraahim Xaaji Mursal, Guddoomiyaha Faraca Holland Dr. Cali Cabdi Waare, Avv. Muuse Xersi oo ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga, Xassan Warsame oo ka mid ah xubnaha maamulka lacagta & xubno isugu jira aqoonyahano uu ka mid ahaa C/qaadir Cali (Nuune) oo ka socday Jaaliyadda Soomaalida Zwolla & nawaaxigeeda degan. 

 

Khudbad uu ka jeediyey C/risaaq Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa R/wasaarayaashii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo maray shirkii Turkiga ayaa lagu furay shirka, waxaana khudbadihiisu ay aheyd mid xamaasad gaara leh, marka loo eego tallooyinkii uu siiyey odayaasha dhaqanka ee shirka u fadhiyey Turkiga & sida uu ugu faahfaahiyey jilaafooyinka siyaasiga ah ee ku horgudban in xal laga gaaro mushkilada Soomaaliya & waaya-aragnimadiisii uu goob jooga uga ahaa qaladaadkii laga dhaxlay shirarkii ugu dambeeyey ee Soomaalida loo sameeyey, gaar ahaan shirkii Mbgathi-Kenya, oo odayaasha dhaqanka qoraal uu u qoray ay ka dhaga-adeygeen aakhirkiina ay sababtay in ay gacanta u galaan dowlado ajnabi ah oo danahooda un eeganaya.

 

"Khudbadii aan dhageysanay ee uu jeediyey C/risaaq waxey aheyd khudbad taariikhi ah, oo dhayi karta muskiladda dabada-dheeraatay ee dalkeena ka taagan, C/risaaq waa oday Soomaaliyeed oo waayo badan u soo joogay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray Soomaaliya, haddii aan qaadano tallooyinkii uu soo jeediyey waxaa hubanti ah in xal waafi ah la gaari ahaa" ayuu yiri Cali Waare.

 

"Waayahan Soomaalidu in ay maqlaan xisbiyadda Soomaaliya waxey noqotay wax caadi ah marka loo eego isbedeladda uu dalku galayo, mid ka mid ah xisbiyadaasina waa Hiil-Qaran, boorka waxaa ka muuqata in hadafka xisbigu yahay Soomaalinimo & Islaanimo, waana mabaadiidka aasaaska ee uu xisbiga ka duulayo" ayuu Cali Waare, wuxuuna intaa ku daray in xisbiga fikradiisa muddo dheer ay soo jirtay, balse markii si dhab ah looga fikiray in la aasaaso ay ku beegneyd 2010 December xilligaasoo shir ka dhacay Jabuuti, oo ay isugu yimaadeen aqoonyahano ka tegay dalka gudihiisa & dibeddiisa ay ka showreen sida loo badbaadin karo dalkeena, wuxuuna tilmaamay in dadkaasi ay ahaayeen kuwa si dhab ah uga damqaday dhibaatadda dalka ka jirtay.

 

"Waxaa ururka si sax ah loogu dhawaaqay 2011 Febraayo waxaana lagaga dhawaaqay London, kadibna waxaa lagu soo balaariyey gudaha & dibedda, waxaana bilownay in la tago magaalooyinka Soomaalidu degan tahay, si loo fidiyo mabaadiidda" ayuu yiri Waare, wuxuuna intaa ku daray "Magaalooyinkii dalkan Holland ee aan ku qabanay shirarka waxaa ka mid ah Apeldoorn, Amsterdam, Danhaag, Tilburg & maanta oo aan Alkamar joogno waxaan tegi doonaa magaalooyin kale, waana fikrad u furan soomaali oo dhan, ujeededa aanu leenahayna waxey tahay, war wadankeenii wanaagsanaa ee aan ka nimid, inkastoo dalkii ay dhibaatadu ku raagtay haddana ma ahan inaan is dhiibnee, ma ku dhici karnaa in aan seeska u dhigno sidii door muhiim ah kaga qaadan laheyn badbaadinta dalkeena, waxaan isku dayeynaa inaan isku uruurino dadka sida wanaagsan u fikirayey, lana abaaro sida dhibaatada looga bixi karo".

 

Xassan Muuse oo ka mid ah xubnaha dhinaca maamulka lacagta u qaabilsan xisbiga, dadkii madasha ka hadlayna ku jiray, ayaa ka hadlay sababaha uu ku soo galay xisbiga, wuxuuna sababahaasi ku macneeyey kuwa uu shaqsi ahaan u dareemay markii uu akhriyey hadafka xisbiga uuna maqsuud ka noqday, una arkay inuu xisbigani yahay kan keliya ee u mari karo sidii uu dalkiisa ku caawin lahaa.

 

Xassan wuxuu hoosta ka xariiqay in albaabka xisbigu u furan yahay cid kasta oo Soomaali ah, da'diisu ay ka billaabaneyso 18 sano, ahna waxgarad aan dalka & dadka dambi ka soo gelin.

 

"Xubin waxaad noqon kartaa marka aad qidmadda ururka bixiso, waxaana markii hore ku bilownay 20 qofood, muddo hal sano ah qofkiiba 50 dollar ayaan iska qaadeynay xoogaagii dhaqaalaha ahaa ee aan helnay waxaan billownay inaan ku bixino howlwadeenada xafiiska Muqdisho, xubno waa loo bahana yahay mid dhaqaale siiya & mid aqoon na siiya, wixii aad baratay waa inaad dadkaaga gaarsiiso" ayuu yiri Xassan Muuse, wuxuuna intaa ku daray in albaabadda ururka ay ka xiran yihiin kuwa dadka soo laayey & dambiilayaasha.

 

"Inta madaxweyne dalka soo maray sanadihii burburka nin Dhadhaab tegay oo soo booqday ma jiro, ilaa hadda xisbiga inuu Dhadhaab tago lix boqol kun oo Soomaali ah oo halkaas ku dhiban duruufta ay ku jiraan la soo qeybsado waxey aheyd tillaabo geesinimo leh, markii loo tegay dadkii waa ooyeen" ayuu yiri Xassan Muuse.

 

"Sheekooyinka la yaabka leh markii aan howshan billaabayey aan la kulmay waxaa ka mid ahaa, kuwa aan saaxiibo nahay waxey yiraahdeen war xisbigan & howlihiisa maad ka baxdid.? waxaa haysta ilmo Ismaaciil Samatar, waana xisbi ay ku adeeganayaan raggaas, waxaan iri anigu qabaaylad & ciddii ku hadaaqdaba sankaan ka qabsadaa, waxaas waan ka soo baxay, waan soo gaaray heer qofka Soomaaliga ah aan ku qiimeeyo aqoontiisa, fikirka uu ka duulayo & waaya-aragnimada uu ku cabirayo habka dalka & dadka lagu badbaadin karo, qabyaalad & hebel waa reer hebel, waxaana aaminsanahay Soomalinimo & Islaanimo, aniga waxaa la i saaray wixii daacad ah oo aan arko inaan aamino, raggii saaxiibadeey ahaa maanta qaarkood waxey leeyihiin xisbigii aragtidiisa waa fiican tahay, waxaa ka soo dhexmuuqda rag & gabdho qiima badan, siddaan maleynaynay ma ahan, marka idinka laftiina waxaa dhici karta kuwa tashwiish idinku fura ee iska ilaaliya" ayuu yiri Xassan Muuse.

 

Avv. Muuse Xersi oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga, ayaa ugu mahadceliyey Jaaliyadda Alkamaar sida ay ugu soo dhoweeyeen xubnaha xisbiga magaaladda, wuxuuna intaa ku daray in xisbiga Hiil-Qaran

 

"Waxaan soo naqaanay jabhado, marka waa inaan isweydiinaa maxey ku kala duwan yihiin jabhadaha & xisbiyadda.? siyaasadu macno suuqi ahna waa leedahay, mid cilmi ahna waa leedahay, Hiil-Qaran waxey ku shaqeyneysaa siyaasadda macnaha cilmiga ku dhisan ee dalka lagu badbaadinayo, siyaasadu waxey ku taxaluqdaa hogaamin & mushtamac wada nool oo uu ka dhexeeya go'aano muhiim ah ay dad u wakiishay, waxa dadkaasi u dhexeeyana waa mabaa'dii ay u arkayaan in ay isbedel wanaagsan ku dhalin karaan, bulsho meel ku wada nool oo is mudan oo dhul & dhaqan uu ka dhexeeyo dabcan waxey u baahan tahay hogaan, qaabk aay isku hogaamin laheyd ayaa lagama maarmaan ah waa in la helaa dad taliya & dad loo taliyo, waxaana ugu muhiimsan in laga badbaadiyo qatarta ku iman karta, ama ay ku jiraan"

"Muqdisho markii aan tegnay dhalinyaro 20 sano aan dowlad arag hadaladooda miisaanka leh waad yaabeysa, burburka iyagaa matalaya hadalkooda ayuu ka dhexmuuqanayaa, Soomaalina waa in ay noqotaa dad wax dhisan kara" Avv. Muuse Xersi.

 

Guddoomiyaha Ibraahim Xaaji Mursal oo shirka ka hadlay wuxuu ku dheeraaday halkii uu kaga soo biiray xisbiga, wuxuuna xusay in xisbiga markii la dhisay Guddoomiye loo doortay C/risaaq Xaaji Xuseen, kadibna uu ka cudurdaartay sababo dhinaca caafimaadka ah darteed, markaa kadibna isaga loo soo jeediyey inuu aqbalo qabashada xilkaasi, uuna muddo ka warwareegayey isagoo isu arkayey inuu joogo waqtigii uu nasan lahaa, balse uu taa bedelkeedii ka doortay inuu ka qeybqaato inta cimrigiisa ka dhiman badbaadinta dalkiisa.

 

"Holland intaan joogay waxaan la soo shaqeeyey ururada bulshadda, ururadii aan la soo shaqeeyeyna waxaa ka mid ah ururweynaha FSAN oo kaadiriin badan oo dalladaasi ka soo alflaxday ayaa hadda howsha xisbiga wax ka wada, waa dadkii ku soo caqliyeystay howshii weyneyd ee FSAN laga soo qabtay, casharada ugu weyn ee aan shaqadaas ka soo baranay waxey tahay in annagoo Soomaali ah oo wadajira aan wax qabsan karno, ujeedada aan hadda ku soconana waa inaan sameynaa isbedel dhab ah oo siyaasadeed oo biseyl xambaarsa" ayuu yiri

Ibraahim Mursal, wuxuuna intaa ku daray "Waxaan aragnay in sharaftii & Qaranimadii ay Soomaali laheyd in qabri loo sii wado dadnimadeenii dhulkaa la dhigay maalin walba calamadii cadowga ayaa laga babinayaa, waana loo mashraxadaa, raalina waan ka nahay, markaas ayaanu is niri dalku hiil ayuu u baahanay, waxaana u howlgalnay sidii shacabka loo baraarujin lahaa si ay ugu hiiliyaan dalkooda dhulka yaalo, xisbigana shacbiga ayaa iska leh"

 

"Dastuurka sida hadda uu yahay hadduu ku maro waa dhibaato weyn oo dalka ku soo korortay, nuxurkiisu waa dowladaha deriska oo loo daneeyey" Ibraahim Mursal, wuxuuna intaa ku daray in xisbigu weydiisanayo Soomaalida in ay la garab galaan sidii uu dalka isbedel ugu horseedi lahaa.

 

C/qaadir Cali Nuune oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee qaatay afkaarta Hiil-Qaran ayaa u soo jeediyey Jaaliyadaha Soomaalida in ay ku soo biiraan xisbiga, kana qeybqaataan sidii loo heli lahaa dhaqaale uu xisbigu kaga qeyqbaato isbedelada siyaasiga ah ee dalka ka soconaya, maadama mabaa'diida xisbigu ay tahay in xisbigu uu jeebkiisa ku tashado.

 

Barnaamijkan waxaa xiriirinayey Tifaftiraha Shabakadda Wehelmedia. Saalax Xassan Cumar (Saalax dheere) & Weriye Max'ed Cabdi Afgooye.

 

 

Waxaa diyaariyey : C/raxmaan Guurre Max'ed (Gentelman)

E-mail. cguure@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Hiil-Qaran taageero buuxda ayaan u hayaa. Ilma Samatar wa aqoonyahano rasmi ah oo waliba wadaniyiin ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No, believe it or not, I support someone from SSC or Awdal, just to rub it into Somaliland's face.

 

The south is being pacified by shisheeye, one must move on to other games. :cool:

 

.. And I know where they are from..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this