Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Hiilqaran

Recommended Posts

Taleexi   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;698475 wrote:
Amiin Caamir dacaayad raqiis loo joogin uu iska galaa. Dadka ka qosolsii ee ka tahay, mar mar dhab ayee u baahantahay wuxuu gacanta ku sawiro. Dadkaan hadda lee soo baxeen in uu saas u dacaayadeeyo waaba iska raqiis. It says more about him than anything else.

 

Wax walba sawir ahaan ugu soo horjeedaa, anigana nabadda Kanadana waaku noolaanaa ma soconeyso. Qashin isku badalee marka wixiisa.

Art-istaha dhaaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hilowloow, maxaa ka ogtahay waxee soo kordhin karaan. Kasoo horjeedida aad ciyoow kasoo horjeedid iska dhaaf, horta hubso ama la sug waxee kusoo kordhiyaan. Mise inay Shariifka meesha ka saaraan ka cabsanee? Ma saasaa Shariifka ula safantahay. Shariifka waa shaqsi, berina waa baxaa, wuuna baxaa ee jagadaas asaga malahee.

 

Wax walba oo xaalka Soomaaliya nabad u keenaayo, samatabixinaayo waa soo dhaweynaa. Taas isweydiin maleh.

 

risomcal.gifrisomcal.gifrisomcal.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^walaalkay wax badan in lays waydiiyo waaye aniga kuma degdegin su'aalo badan ayaan is weydiiye, Madaxweyne shariif Agoosto ay uu dhamaaheesa, kuwaana xisbi uu halgami doono madaxtinimada ay uu egyihiin, Ya dooranaaya? Ileen waxaanu ognahay xataa Barlaamanka ineysan ictirafsaneyn, tan labaad agoosto hadii ragaan la doorto Amisom way baxeeysa aan is leeyahay maadama ay aad uuga so horjeedan, marka Amisom mugeey baxdo Amaanka yaa sugaaya ileen waxa waa process dheer inciidamoxoogan la tababaro waa long-term,, Hargeysa iney caasimada noqoto ma suurtagala ileen ninka proffesor hebelow Samatar ayaa rabo arinkaas oo markasta ku hadlaa..

 

Ileen Shariif waad ogeydeen shalay, 4.5 ma rabin, Barlamaan 550 mp:s ma rabin, waxaasi dhan international community ayaa ku rakaateynaye, hadii kuwaan Hiil qaran ku guuleystaan doorashada waxaa xaqiiqa ah iney halkii ragga kale ee ka horeeye ay mari doonan ileen they are depended by the international community..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Samatar oo rajo ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, kuna baaqay in la iscafiyo

 

HIIL4.jpg

 

Hogaamiyayaasha xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil Qaran oo shir maanta ku qabtay Hotelka Laico Regency ee magaalada Nairobi ayaa ka hadlay safar ay dhawaan ku tageen magaalada Muqdisho iyo sida xal loogu heli karo dhibaatada Soomaaliya.

 

Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah hogaamiyayaasha xisbiga Hiil Qaran ayaa ka sheekeeyay waxay ku soo arkeen magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay burburka ka muuqda Muqdisho inay u ekeetay magaalo lagu dhuftay hubka Nuclearka.

 

“Waxaan tagay 58 wadan oo dunida ku yaalla oo ay kamid yihiin magaalooyinka Heroshima iyo Nekesaki ee waddanka Japan oo lagu dhuftay Nuclear, balse muuqaalka Muqdisho ayaa igala naxdin badnaa, 90% way burburtay magaaladu waxay u ekayd magaalo lagu dhuftay Nuclear”. Ayuu yiri Samatar oo jeediyay khudbo qiiro galisay dadkii halkaas joogay.

 

“Wadadii Maka Al-mukarrama ee ahayd halbawlaha caasimada, way burburtay, hogag ayay isu badashay, shacabkana dac darro ayaa ka muuqatay”. Ayuu sii raacshay intii uu ka sheekaynayay baaxada burburka gaaray Muqdisho.

 

Prof. Samatar ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu Muqdisho ku soo arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo jecel inay wax qabsadaan, balse ay haysato hogaan la’aani.

 

“Jaamacada ayaan khudbad ka jeediyay boqolaal ayaa isugu timid, taasi waxay ku tusaysaa inay dadka rajadoodii ayan dhiman”. Ayuu yiri.

 

Cabdulaahi Faarax oo isna kamid ah xisbiga Hiil Qaran ayaa safarkoodii ku sheegay inay ku tageen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah, oo uu sheegay inay haysato xaalad nololeed oo aad u adag.

 

Xamdi Cabdulle oo kamid ah hogaamiyayaasha ururka ayaa iyaduna ka hadashay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ciyaareen xilligii burburka oo ay ku tilmaantay inay jihad u galeen sidii ay u badbaadin lahaayeen nolosha qoysaskooda.

 

“Haweenku waa kuwa lacagta ugu badan dibadaha kasoo dira, waa kuwa dalka qoysaska jooga u shaqeeya, saasoo ay tahayna doorkooda laguma xaq dhowro oo waxay la kulmaan tacadiyo raggoodiina waa kuwo iska qayilaya”. Ayay tiri Xamdi.

 

Xamdi ayaa haweenka Soomaaliyeed ku tilmaantay inay yihiin hooyooyinka ugu kartida badan ee mar walba kasoo saara dalka iyo qoysaskoodaba marxaladaha adag.

 

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallim oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu taageeri doono ururka Hiil Qaran walow uu tilmaamay in ururo badan oo uu taageero la garab istaagay ay ku guul darraysteen arrimaha Soomaaliya.

 

Faarax Macallim ayaa ka codsaday Soomaalida inay dalkooda u soo jeestaan ayna wax ka qabsadaan.

 

“Muslinka indhaha duubtay ee dalalka kale ka yimid ee Soomaaliya Alshabaab ay keentay ma dan baa ugu jirta Shacabka Soomaaliyeed? Soomaalida waxaan u sheegayaa muslinka dhulku isuguma jiro nin walba waddankiisa ayuu leeyahay, sucuudiga xataa oo baytkii barakaysnaa ku yaal fiiso ayaa lagaa rabaa, marka Soomaaliyay isku tashada”. Ayuu yiri Faarax oo aad ay ugu sacabiyeen dadkii halkaasi isugu yimid.

 

Kulankii ay qabteen xisbiga Hiil Qaran oo ay sidoo kale isugu yimaadeen masuuliyiin kala duwan iyo taageerayaasha xisbiga ayaa ugu dambayntii lagu soo afmeeray fariimo ay dirayeen hogaamiyayaasha xisbiga oo sheegay in Hiil Qaran uusan taageero ka helin cidna ayna ku tiirsanyihiin oo kaliya lacagaha ay iska aruuriyaan xubnihiisa.

 

Waxayna ugu baaqeen Soomaalida inay garab istaagaan xisbiga ama ay abuuraan qorshayaal kale oo dadka iyo dalka lagu badbaadinayo, iyagoo xalka Soomaaliya sheegay inuu ku jiro Soomaalida oo gacmaha is qabsata lagana shaqeeyo sidii dib loogu yagleeli lahaa is jacaylkii Soomaalida ka dhaxayn jiray.

 

HIIL2.jpg

 

HIIL11.jpg

 

HIIL3.jpg

Guuld Hiilqaran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Interesting Political Party. With party base, program, structure. Suggest that SOL'ers who are genuine about Unity, support Hiilqaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

The REAL DEAL. Met the Professor accidentally in Nairobi and contributed resource-wise.

 

Haven't seen anything as appealing and genuine as this thing so far.

 

As usual, kids like Oba and many nabobs of negativity with no contributions of their own will soon say nasty words about this party, but I have asked to be a member.

 

Somalidu dadkay aad u caydo inta badan waa kuwa quman ee aan rank and file 'ka sheekadooda raacin. Taas waa naqaanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Abtigiis;769046 wrote:
The REAL DEAL. Met the Professor accidentally in Nairobi and contributed resource-wise.

 

Haven't seen anything as appealing and genuine as this thing so far.

 

As usual, kids like Oba and many nabobs of negativity with no contributions of their own will soon say nasty words about this party, but I have asked to be a member.

 

Somalidu dadkay aad u caydo inta badan waa kuwa quman ee aan rank and file 'ka sheekadooda raacin. Taas waa naqaanaa.

Abtiigis, I have met the Professor as wel. I have been asked to become a member. I have some doubts about their ideas for a decentralized Central State in Somalia. But have been assured that their program is still in development and that there is space for new ideas. And focus will be on Somalia in time being rather then Somaliland, eventhough most fouding members are from SL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jacaylbaro;769081 wrote:
So he is still talking ???

Yes, he is talking and talking lots of sense. Not loooooooooooooools and Bacaaaaaaaaaaaac's. :D

 

I am impressed by the intellectual depth of the two professors (brothers). Read their research's and they are top class.

 

Carafat, you are too young and too raw to have any doubts about these greatmen's ideas. Surely, whatever you think about (now) they must have thought about it in 1960s and 1970s. It is sad we all take ourselves seriously and pretend we can critique the ideas of real thinkers the moment we do our first thesis for undergraduate levels. Waryaa Professor'ada ku daba fayl and have trust that they have better minds than yours, not because they were born better, but because they had studied better. These men are not fake Professors like the many other somali academicians we see elsewhere. They are highly, highly qualified and they deserve respect.

 

They could have lived a blame-less life in their homes, but they stepped out to make a difference in a society that is largely not in the same league.

 

Hiil-Qaran All the way!

 

D-Block ayey neceb yihiin iyo dacaayado riqiis ah ayaa la la hor boodey markay aasaasmenba. But they are getting millions of supporters from all clans and areas. Basically it is a party which you can join if you believe in their political programme, not one you become a member outright and by default simply because you are from the clans of its leaders. It is not like SNM, SPM, SSC, USC and other clan-based organisations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Abtigiis, I dont take myself too serieuz, just have more experience in active politics, party politics and governance then the two professors together. :D

 

Luckily they are reasonable men and do take some advice. Have you seen how positive and constructive they are about Somaliland last couple of years? Adiguna maalin dhoow waad nala heesi :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

HQ1.jpg

 

HQ2.jpg

 

HQ4.jpg

 

HQ6.jpg

 

Xisbiga Hiilqaran oo shir weyn ku qabtay waddanka Netherland

 

Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

 

Xubnaha xisbiga Hiil-Qaran oo ka kala yimid wadamada Mareykanka, Canada, UK, Norway, Sweden, Denmark iyo Finland ayaa si qoto dheer uga falanqooday Sida loo wajahayo siyaasada iyo marxalada kala guurka ee hadda dalka uu marayo ka hor bisha August ee sanadkan iyo in isbadel siyaadadeed ee dhowaan dhici doono uu noqdo mid looga gudbo musmuqmaasuqa iyo hogaan-xumada.

 

Xisbiga waxa uu cadeeyey aragtida xisbiga ee ku aadan shirkii dhowaan Somalida loogu London, isagoo si faahfaahsan uga hadlay wanaag iyo dhaliilba waxa uu lahaa shirkaasi. Waxa kale oo xubnaha Hiilqaran ay ka doodeen sidii uu xisbiga ka qeyb qaadan doorashooyinka soo socota ee loogu tartamayo hogaanka dalka Soomaaliya.

 

Xisbiga waxa uu cadeeyey inuu si weyn uga soo horjeedo dhaqanka qabiilka ee lagu saleeyey talada dalka iyo in dadaal loo galo sidii looga gudbi lahaa nidaamka 4.5 ee lagu qeybsaday talada dalka oo loo adkeyn lahaa mabáda Islaamnimo iyo Somalinimo.

 

Waxaa kaloo ka mid ahaa waxyaabahii laga dooday in la kordhiyo ololaha balaarinta xisbiga oo ah in la wada gaarsiiyo guud ahaan dalka iyo sidii loo kasban lahaa taageerada dadka iyadoo loo bandhigayo waxyaabaha uu qabayo xisbiga haddii uu ku guuleysato in qabto talada dalka. Waxaa kaloo xubnaha xisbiga isku raacay in la xoojiyinta xiriirka dibadda, iyadoo la difaacayo danaha guud ee dalka.

 

Qodobka kale ee laga wada hadlay waxa uu ahaa in xisbiga uu yeesho dhaqaale iyo miisaaniyad joogta ah oo ku filan oo ka yimaada gudaha Somalida si loo sii wado howlaha muhiimka ee xisbiga horyaala.

 

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mida xubnaha xisbiga Hiil-Qaran ayaa DalmarMedia u sheegay in dood iyo falaqaeyn dheer ka dib ay xubnaha xisbsiga isla garteen in shaqada ugu weyn ee hortaala ay tahay barnaamij ay ugu magacdareen 3+1 formula oo ah saddex arrimood oo ka taagan gudaha dalkii oo u baahan in Somali ay deg deg wax uga qabato mida afaraad oo ah sidii wadamada deriska iyo aduunyada kale wax loola qabsan lahaa.

 

Afar arrimood ayaa kala ah:-

 

Sidii loo dhayi lahaa dhaawac gaaray sharaftii iyo qarannimadii, iyo dadnimadii ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, lagana shaqeeyo sidii dadku ay isku jeclaan lahaayeen oo loo celin lahaa cadaaladii iyo xaqa umadda, dibna loo soo nooleeyo qabkii ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, iyadoo lala jaan qaadayo waqtiga casriga aduunka uu marayo.

 

In laga shaqeeyo sidii dib loogu dhisi lahaa xafiisyo dowladeed oo awood iyo karti leh, kana jawaabi kara baahiyaha jira ee umada Soomaaliyeed.

 

In la helo hogaan Soomaaliyeed oo xalaala oo karti u leh inuu dalka ka saaro marxalada uu hadda marayo.

 

Iyo sidii deriska iyo wadamada kale ee aduunyada wax loola wadaagi lahaa oo loola xisaabtami lahaa.

 

Dhamaan qodobadii laga wada dooday intii uu shirka socday ayaa la isku afgartay in ficil ahaan la meel marayo, iyadoo sidoo kale la isku raacay in xisbiga uu mustqabalka dhow yeesho hogaan siyaasadeed oo ka qeyb qaata siyaasada dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii Abdimaalik Yusuf oo ka mida xubnaha xisbiga Hiil-Qaran faraciisa dalka Nederlands ayaa madasha shirka ka sheegay tirada dhuuxa xisbiga (Core) oo ah 11 xubnood iyo magacyada iyo waliba taariikhdooda oo kooban iyo sababaha ay ugu soo biiraan xisbiga. Dhuuxa xisbiga Hiil-Qaran ayaa ku kala nool waqooyiga America, Europe iyo Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this