Saalax Posted February 26, 2011 Wararkii U Danbeeyay Ee Qalalaasha Dalka Libya, Qaddafi Oo Ka Dhawaajiyay Digniin Kama Danbays Ah Sheegayna In Uu Mar Labaad Soo Noolaanayo Omar Mukhrar. Ma ihi Hogaamiye iyo Boqortoona, Waanu difaaci doonaa isku day kasta fargelin kasta oo dibadeed, waxa kale oo aanu iska caabiyi doonaa weerar Wararka ka imanaya dalka Libiya ayaa sheegaya in dibad baxayaasha ku sugan caasimada Tripoli ay bilaabeen mudaharaadyo ay kaga soo hor jeedaan xukuumada Gaddafi, tukashadii salaada Jimcaha ka dib, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaad taabacsan Gaddafi. Dad goob joog ahaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aan ilaa hada la ogayn khasaarihii ka soo gaadhay dibad baxayaasha rasaastaa la huwiyay. Golaha amaanka ee Qaramada midoobay iyo hayaddaha xuquuqal insaanka ayaa si adadg u canbaareeyay xasuuqa uu dadkiisa kula kacay Gaddafi, iyaga oo sheegay in Taangiyada iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca loo adeegsaday dibad baxayaasha halkaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof, tiro intaa ka badanina ay ku dhaawacantay. Geestav kale, Isbahaysiga NATO, ayaa qorshaynaya in ay kulan degdeg ah ka yeeshaan faro gelin lagu sameeyo gudaha dalka Libya, si loo joojiyo qalalaasaha ka socda dalkaa. War ka soo baxay Reer galbeedka ayaa odorosaya in dalka Libya uu ka dhaco xasuuqyo ka xun kuwii ka dhacay Rwanda iyo Darfour. Dhinaca kale Gaddafi, oo maanta dadka kala hadlay fagaare ku yaala caasimada Tripoli oo lagu magacaabo Green Square, ayaa yidhi " Ma ihi Hogaamiye iyo Boqortoona, Waanu difaaci doonaa isku day kasta fargelin kasta oo dibadeed, waxa kale oo aanu iska caabiyi doonaa weerar nagaga yimaada Talyaaniga, hadii aanan sidaa samayna uma qalano nolol. Gaddafi waxa kale oo yidhi Talyaaniga waxa aanu ku khasabnay in uu raali gelin iyo magdhaw bixiyo, waxaana dib u bilawday kacdonadii Omar Mukhtar. Si kastaba ha ahaatee, xaaladad dalka Libya ayaa ah mid qasan iyada oo kooxaha mucaaridka iyo dibad baxayaashu ay gacanta ku hayaan badi dhulka dalka Libya iyo qaybo ka mid ah caasimadda. Hadhwanaagnews/Office Quote Share this post Link to post Share on other sites