Sign in to follow this  
A_Khadar

Mudaharaad Ballaadhan Oo Ka Dhacay Garoowe-(sawiro)-

Recommended Posts

A_Khadar   

Garoowe,(lasanod Online)- Mudaharaadyo balaadhan oo ka dhan ah dagaalka maamulka Somaliland ka wado Gobolka Cayn ayaa Maanta ka dhacay Garoowe.

 

Banaan Baxan ayaa waxay dadku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Dagaalada kasocda deegaanada ka tirsan Gobolka Cayn ee Kalshaale iyo Hagoogane.

Mudaharaadyadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Shacabka Magaalada Garoowe oo sheegay inay aad uga xun yihiin Xasuuqa ay Somaliland kawado Deegaanada SSC ee Kalshaale Iyo Hagoogane. Waxayna ku dhawaaqayeen Hadalo ka dhan ah Maamulka Somaliland.

Sidoo kale wararka ka imanaya Magaalada Buuhoodle ayaa iyana waxay sheegayaan in Mudaharaad weyni maanta halkaas ka dhacay, dhanka kale Magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa inay Maanta ka dhaceen Mudaharaadyo Looga soo horjeedo Dagaalka Somaliland ka wado Hagoogane iyo Kalshaale, iyagoo ku dhawaaqayay inay taageerayaan difaaca gobolka Cayn iyo in Somaliland iskaga baxdo Dhulka SSC.

mudahgaro1.jpg

mudahgaro2.jpg

mudahgaro3.jpg

mudahgaro4.jpg

mudahgaro5.jpg

mudahgaro6.jpg

mudahgarow8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Bosaaaso,(Lasanod Online)- Mudaharaad baxad weyn oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa galabnimadii maanta sameeyey banaanbax balaadhan oo ay kaga soo horjeedeen maamulka Somaliland, kuna cambaareynayeen dagaalka ay degaanka Kalshaale iyo degaanada kale ee gobolka Cayn kusoo qaadeen Ciidamada Somaliland.

Dadka mudaharaadka dhigaayay ayaa isugu jirey Haween, rag,dhalinyaro iyo Caruur, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Waxaana ay socod kusoo mareen waddooyinka magaalada oo ay kamid tahay waddada dheer ee laamiga,waxaana ay ugu baaqeen maamulka Somaliland in ay joojiyaan xasuuqa ay ku hayaan shacabka kunool gobolka Cayn.

Mudaharaadkan ayaa kusoo dhamaaday jawi degan iyadoo aanay dhicin wax rabshado ah, waxaana xusid mudan in dadka banaanbaxayay ay hadalo dhaliil ah u jeedinayeen Madaxweynaha Puntland.

Magaalooyinka ugu waaweyn ee Puntland ayaa asbuucyadan waxaa ka dhacayey banaanbaxyo lagaga soo horjeedo maamulka Somaliland oo ku aadan dagaalada ay kusoo qaadeen shacabka kunool gobolka Cayn..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Muqdisho,(Lasanod Online)- Iyadoo waddanka Soomaaliya ay ka jiraan abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba galaaftey ayaa haddana waxaa ugu darmaday..

 

Dagaallo iyo Colaado aan kala joogsi lahayn oo shacabkii ay qaarna ku baabe’een, qaarna guryahoodii iyo xoolahoodii ku waayeen, qaar kalana ay il-darro iyo dhibaato ay ku hayso meelaha ay u qaxeen.

Asbuucyadii ugu dambeeyey ayaa wuxuu waddankii galay dagaallo lagu hoobtey oo ay ugu darnaayeen saddexdii beri ee la soo dhaafey, wuxuuna dagaalkaas si saf ah uga bilowday Deegaanka Karshaale ee ka tirsan Waqooiye Galbeed Soomaaliya, Goballada dhexe, gaar ahaan Deegaanka Wardhuumaleh, Gobalka Hiiraan, gaar ahaan duleedka Magaalada Baladweyne, Gobalka Gedo, gaar ahaan Magaalada Baladxaawo iyo Caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalladaas intii ay socdeen waxaa ku nafwaayey ilaa 125 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 250 qof. Waxaa dagaalladaas ku barakacay in ka badan 1500 oo Qoys. Inta badan dagaallada ka holcaya daafaha Soomaaliya waxay dhibaatadu ka soo gaartey shacabka oo u badan dadka Biri mageydada loo yaqaan sida: Carruurta, Haweenka iyo dadka aan tabarta lahayn ee Waaweyn.

Sidaas darted, Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar, Marka hore waxay baaq Cambareyn ah u soo jeedinaysaa Dadka iyo Ururada wada dagaalladaas Shacabka Naafeeyey. Marka xigana, waxay u soo jeedinayaasa in la joojiyo dagaalladaas, laguna baddalo gacan ka hadalka Maan iyo maskax ka hadal, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysnaa 21kii sano ee la soo dhaafey.

Waxay sidoo kale Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar u soo jeedinaysaa Beesha Caalamka iyo Waddamada Arrimaha Soomaaliya daneeya in ay is-mariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya xal waara u raadiyaan.

Hay’addu waxay sidoo kale u soo jeedinaysaa Hay’adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobey in ay gacan Bini-aadaminimo ay ka geystaan Hawlaha Bini-aadaminimo ee ka jirta waddanka Soomaaliya.

Warsame Axmed Geelle

Xafiiska Macluumaadka Ee Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Ee Cali Kaar Webisteka: www.alikarhumanrights.org

E-maillada: alikar@alikarhumanrights.org ama alikarhr@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this