Sign in to follow this  
A_Khadar

Warsaxaafaded Xukumada R/Wasare Farmaajo dagaalka Kalshaale

Recommended Posts

A_Khadar   

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada

24.02.2011

Waxaa shir isugu yimid golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Kulankani waxaa looga hadlay xaaladda Amniga ee dalka taasoo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi uu sheegay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Shacabiga qeybihiisa kala kala duwan iyo ciidanka Nabad illaalinta ee AMISOM ay horumar ka sameeyeen aagag dagaal oo caddowga Nabad-diidka ah horay ugu sugnaayeen

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Fiqi ayaa isna faah faahin dheeraad ah ka siiyay golaha Wasiirada heerka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxdaasi Nabadiidka ah ee (Al shabaab) isagoo sheegay kadib markii ciidamada Niyadooda sare u kacday oo ay heleen taakuleyntii ciidan dagaal ku jira lagama maarmaanka u ahaa sida, Caafimaadka iyo Saadka taasoo uu sheegay in aysan horay u heli jirin ciidamadu.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada ka soconaya qaar ka mid ah gobolada dalka isagoo sheegay in dagaaladaasi ay heer wanaagsan marayaan niyad jab weyna ku riday caddowga Qaranka “Waxaan golaha u cadeynayaa in dagaaladaasi sida ay u bilowdeen ay u socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo caddowga, mana dhici doonto qaladaadkii horay u dhici jiray ee halkii la qabsadoba dib looga soo noqon jiray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga.

Guddoomiyaha shirka Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu golaha u sheegay in dagaalada ka dhacaya nawaaxiga Degmada Buuhoodle ay ayaandarro tahay inay weli sii socdaan iyadoo dadka ku nool halkaasi hub culus loo adeegsaday.

Gabogabadiina waxaa la isla gartay baaq ku aadan dagaalada Kalshaale kana kooban qodobada hoos ku xusan.

1. Waxaan tacsi u direynaa dhamaan dadkii ay eheladoodu ku dhinteen dagaalladii ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay degaanka Kalshaale iyo nawaaxiga Buuhoodle, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

2. Waxaan ugu baaqeynaa beelaha degaanadaas deriska la ah ee wax badani ka dhaxeeyaan in ay nabadda doortaan.

3. Waxaan aad uga xunahay in mas’uuliyiinta Maamul Goboleed-yadu ay dagaal ugu baaqaan dadkooda meeshii ay nabadda ka shaqeyn lahaayeen; waxaana ugu yeereynaa in ay mawqifkaas ka joogaan maadaama aan dagaal khashaaro mooyee wax faa’iido ah uusan keeneyn, xasuuqana laga joojiyo dadka shacabka ah ee degaanadaas oo loo noxo shacabka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

4. Sida ku cad axdiga KMG ah, in degaan uu ka mid noqdo Maamul Goboleed waxay ku iman kartaa oo kaliya in dadka degaanku si ikhtiyaarkooda ah ay ku doortaan ee aan marna lagu dhaqan gelin Karin awood Millateri.

5. Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka gaar ahaan dowladdaha waaweyn ee faraha kula jira arrimaha degaannadaas in ay Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku kaalmeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo Midnimada Soomaaliyeed, basle aysan dawr ka qaaddan sidii dagaalladu u faafi lahaayeen ama dalku u kala go’I lahaa.

6. Waxaa kaloo intaa dheer inay biyo kama dhibcaan tahay in Madaxbanaanidda iyo Midnimada dalka Soomaaliya aysan aheyn mid gorgortan geli karta cidna lagama yeelayo in ay meel kaga dhacdo.

7. Waxaan ugu baaqeynaa odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha degaannadaas in ay nabadda ka shaqeeyaan oo sida ugu dhakhso badan uga howlgalaan sidii lagu joojin lahaa dhiigbaxa; Xukuumadda Dowladda Federaalkuna waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda sidii naabd waarta loogu soo dabaali lahaa degaanadaas.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Muqdisho,(Lasanod Online)- Iyadoo waddanka Soomaaliya ay ka jiraan abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba galaaftey ayaa haddana waxaa ugu darmaday..

 

Dagaallo iyo Colaado aan kala joogsi lahayn oo shacabkii ay qaarna ku baabe’een, qaarna guryahoodii iyo xoolahoodii ku waayeen, qaar kalana ay il-darro iyo dhibaato ay ku hayso meelaha ay u qaxeen.

Asbuucyadii ugu dambeeyey ayaa wuxuu waddankii galay dagaallo lagu hoobtey oo ay ugu darnaayeen saddexdii beri ee la soo dhaafey, wuxuuna dagaalkaas si saf ah uga bilowday Deegaanka Karshaale ee ka tirsan Waqooiye Galbeed Soomaaliya, Goballada dhexe, gaar ahaan Deegaanka Wardhuumaleh, Gobalka Hiiraan, gaar ahaan duleedka Magaalada Baladweyne, Gobalka Gedo, gaar ahaan Magaalada Baladxaawo iyo Caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalladaas intii ay socdeen waxaa ku nafwaayey ilaa 125 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 250 qof. Waxaa dagaalladaas ku barakacay in ka badan 1500 oo Qoys. Inta badan dagaallada ka holcaya daafaha Soomaaliya waxay dhibaatadu ka soo gaartey shacabka oo u badan dadka Biri mageydada loo yaqaan sida: Carruurta, Haweenka iyo dadka aan tabarta lahayn ee Waaweyn.

Sidaas darted, Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar, Marka hore waxay baaq Cambareyn ah u soo jeedinaysaa Dadka iyo Ururada wada dagaalladaas Shacabka Naafeeyey. Marka xigana, waxay u soo jeedinayaasa in la joojiyo dagaalladaas, laguna baddalo gacan ka hadalka Maan iyo maskax ka hadal, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysnaa 21kii sano ee la soo dhaafey.

Waxay sidoo kale Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar u soo jeedinaysaa Beesha Caalamka iyo Waddamada Arrimaha Soomaaliya daneeya in ay is-mariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya xal waara u raadiyaan.

Hay’addu waxay sidoo kale u soo jeedinaysaa Hay’adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobey in ay gacan Bini-aadaminimo ay ka geystaan Hawlaha Bini-aadaminimo ee ka jirta waddanka Soomaaliya.

Warsame Axmed Geelle

Xafiiska Macluumaadka Ee Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Ee Cali Kaar Webisteka: www.alikarhumanrights.org

E-maillada: alikar@alikarhumanrights.org ama alikarhr@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan isugu yimaaday gudaha Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyey dagaalada ka socda deegaanka Kalshaale ee hoostaga degmada Buhoodle.

Mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda gobolada SSC ayaa maanta kulan waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay kulankooda waxa ay ugu hadleen dagaalada ka socda deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle.

Xildhibaanadaan ayaa si weyn ugu cambaareeyey maamulka isku magacaabay Somaliland inay xasuuqa u geysteen dad rayid oo aan wax galabsan ayna masuul ka yihiin dagaalada ka socda deegaanka Karshaale ee hoos tagta degmada Buuhoodle.

Kulanka markii ay xildhibaanada maanta soo gabagabeeyeen ayaa waxa ay kulankoodii ka soo saareen war saxaafadeed, waxaana warsaxaafadeedkaasi u aqriyey saxaafadad xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq, waxa uuna xildhibaanka warsaxaafadeedkaasi ugu baaqay beesha caalamka inay dhaqaalaha ka jartaan maadama ay dhaqaalahaasi ku wayeeleyneyso dadka rayidka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay fiiro gaar ah u yeelato maamulka isku magacaabay Somaliland islamarkaana ay u kuur gasho beesha caalamka halka ay Somaliland ay dhaqaalahaasi ay ku bixiso.

Xildhibaanada maanta kulanka ku yeesha Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyey maamulka isku magacaabay Somaliland islamarkaana waxa uu sheegay in maamulkaasi mar un lagala xisaabtami doono tacatiyada ay la beegsadaan dadka rayidka ee ku dhaqan deegaanka Kalshaale ee degamada Buuhoodle.

Hadalkaan ka soo yeeray xildhibaanada maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa imaanayo xili dagaalo culus ee u dhexeeya Jabhada SNM iyo Jabhada SSC ee maamlihhii la soo dhaafay ku dagaalamay deegaanka Kalshaale ee degmada Buhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Actually is not 2KM, goormaa xisaab baranee? :D

 

6. Waxaa kaloo intaa dheer inay biyo kama dhibcaan tahay in Madaxbanaanidda iyo Midnimada dalka Soomaaliya aysan aheyn
mid gorgortan geli karta cidna lagama yeelayo in ay meel kaga dhacdo
.

RW war fiican ayuu ku dhawaaqey. Good job Mr Prime Minister!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this