Sign in to follow this  
General Duke

Beledxaawo burns again as Kenya Ethiopia invade to oust AL Shabaab..

Recommended Posts

Dagaalkii Beledxaawo oo lagu kala baxay, Kenya iyo Al-Shabaab oo is-fara saaray

 

Posted by Gedo

Friday, February 25 @ 07:18:57 EST

 

 

Waxaa soo afjarmay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Beledxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo, kaasoo ay qeyb ka ahaayeen saddex ciidan oo duulaanka soo qaadday iyo ururka Al-Shabaab oo magaalada heystay.

 

Saaka magaalada laba aag ayey ka soo weerareen ciidamada Doolow oo ka koobnaa kuwa dowladda KMG, Ahlu-Sunna Wal-Jameeca iyo Ethiopian, dhinac waa xagga Doolow iyo kan kale oo ah Mandheere oo Beledxaawo ay deris yihiin, waxay markiiba gudaha u galeen gooba ay Shabaabku joogeen, si ba’an ayaa degmada loogu dagaalamay.

 

Dad fara badan ayaa dagaalkan ku dhintay, kuwa kalana way ku dhaawacmeen, hase yeeshee tiro rasmi ah wali nooma suurtagelin in aan helno, waxaa jirtay madaafiic ka dhaceysay qoriga BM-ka oo magaalada loo qeybiyey, guryo ayaa ku gubatay, burbur hantiyeedna way geysteen.

 

Wariye ku sugan Mandheere ayaa u sheegay Gedoweb in Al-Shabaab ay u xoog sheegteen ciidamadii isbaheysiga ahaa kana saareen gebi ahaanba Beledxaawo, waxay noqdeen wax u cararay Doolow iyo Mandheere.

 

Laakiin waxaa isqabtay militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo isweydaarsaday madaafiic markii uu dagaalku istaagay, sababta keentay in labada dhinac ay iska hor-imaadaan waxaa naloogu sheegay Shabaabku oo Mandheere gudaheeda galay iyagoo ersanayo ciidamada ay dagaalka ku jabiyeen.

 

Waxay kaloo kooxdu ka carootay oggolaanshaha ay Kenya siisay in ay Mandheere ka soo weerar tagi karaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna, lama sheegin waxa khasaaraha oo ka dhashay dagaalkan dambe, Al-Shabaabna dib bay ugu laabteen Beledxaawo.

 

Inkastoo dagaalku qaboobay, balse xaaladdu waa kacsan tahay faras magaalaha iyo jidadka waxaa gaaf wareegayo Tiknikada Shabaabka, goobaha ganacsiguna way xiran yihiin, dhaqdhaqaaqa dadweynaha warkiisaba daa.

 

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa u sheegay BBC-da in wali dagaalku socda, ciidamadooduna ay in badan oo Beledxaawo kamid ah heystaan, kooxaha nabadiidkana sida uu yiri ay dhufeysyo iyo bohollo waa weyn qoteen.

 

 

Waa markii labaad oo looga itaal roonaanayo dagaalada Beledxaawo ciidamada muddada saldhigga ku lahaa Doolow, Arbacadii dhaweyd ayey aheyd markii sidan oo kale looga gacan roonaaday.

 

Wixii ka soo kordha dagaaladan haka dheeraadan Gedoweb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this