Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sawirada goobaha ay la wareegeen dowladda iyo gurmadkii ugu badnaa oo gaaray aaga

Recommended Posts

Xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta kormeer howleed ku tagay goobaha ay ciidamada Dowladdu gacanta uga dhigeen maleeshiyaadka Kooxda Shabab, iyadoo Xafiis KMG-ah uu Radio Muqdisho ka furtay Xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

 

R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sh.xasan faarax, wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/Kariim Xasan Jaamac, wasiiru Dowlaha xafiiska R/wasaaraha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa galabta warbixin ka dhegeystay Saraakiil ka tirsan Ciidamada iyo waliba saraakiisha caafimaadka eek u sugan xarunta Furunta hore ee dagaalka.

 

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca iyo Xubnihii la socday ayaa soo kormeeray dhamaman goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyadoo jiidda hore ee dagaalka ay ku sii qulqulayeen ciidamo aad u faro badan oo wejiyadooda ay ka muuqatay xamaasad.

 

Wasiirka gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay inay si wanaagsan u socdaan howl gallada islamarkaasna ay ciidamada sii wadi doonaan, isagoo hoosta ka xariiqay in dagaalladii ugu dambeeyay ay maleeshiyaadka kooxda Shabab ku gaartay qasaare xoog badan iyadoo laga dilay 59 ruux oo ah dhallinyarada ay soo qaldeen maleeshiyaadku iyo in ka badan 6 ajaanib ah halka dhaawacu uusan tiro lahayn.

 

Wasiirka ayaa ugu baqay dhallinyarada ay qaldeen kooxda shabab inay isaga soo cararaan si ay badbaado u helaan,waxa uu sidoo kale tiklmaamay inay ciidamada Dowladdu guulo la taaban karo kazoo hoyeen dagaallo ay Gobolada hiiraan,gedo,bakool, iyo meelo kale kula galeen maleeshiyaadka Kooxda Shabab.

 

Dhanka kale Xafiis KMG- ah ayuu Radio Muqdisho ka dhex furtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga kaas oo loogu talo galay inuu Dhageysteyaasha si rasmi ah ugu soo gudbiyo dhacdooyinka ku saabsan howl gallada, waxa uuna agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Cadow oo xarigga ka jaray xafiiskaas sheegay in ujeeddada xafiiskaasi uu yahay sidii shacabku ay warar huban u heli lahaayeen waliba si dhaqsi ah, waliba xafiiskaas waxuu warar iyo sawirro deg deg siin doonaa Website-ka Idaacdda sida uu agaasimuhu sheegay.

 

Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sameysay gaari ay ku rakiban yihiin Cod baahiyeyaal kaas oo baahinaya Heeso Wadni ah islamarkaasna ku wareegaya gudaha magaallada iyo agagga hore ee dagaalka.

 

Waddooyinka ayaa lagu arkayay dadweyne faro badan kuwas oo si farxad leh u soo dhoweynaya guulaha ay gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana jiidda agaalka raashin iyo daawo geynaya ururrada Haweenka iyo dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed.

 

 

aaa%20bbb%201.jpg

 

mm%20200%2000.jpg

 

mm%20200%2001.jpg

 

mm%20200%2003.jpg

 

mm%20200%2004.jpg

 

mm%20200%2009.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Respect for Farmaajo's cabinet today as there are sings showing they are doing one of the most important jobs they are sworn for. They deserve support. Meeshaan ama sidaas ha uga muuqdeen amase ha iska tageen. I hope that their spirit lasts long and Al-Habaabs loose and peace and stability in Southern Somalia returns.

Shacabkana Ilaah wakhtigan culus haka saaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this