A_Khadar Posted February 23, 2011 Ururka Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Dagaalkii Kalshaale Nairobi,(Lasanod Online)- Ururka Midowga Yurub ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn. kaasoo u dhaxeeyey dadka degaanka iyo Ciidamada maamulka Somaliland. War qoraal ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ururka uu si qoto dheer ula socdo dagaaladaas, isla markaana tilmaamay in uu dhaawacayo amaanka iyo xasiloonida ka jirta Puntland iyo Somaliland. Ururka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dagaalku dhexmaray inay isxakameeyaan si loo xaliyo arimaha la isku haysto, iyadoo lagu sheegay warsaxaafadeedka in Midowga Yurub ka qayb qaadanaayo horumarka labada maamul. Waa markii u horeysay Ururka Midowga Yurub uu ka hadlo dagaaladii dhowaan ka dhacay degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn. Xafiiska Wararka Lasanod Online. Quote Share this post Link to post Share on other sites