Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: World famous author Nuruddin Farah arrives in Puntland..

Recommended Posts

nuruddin_farah.jpg

 

Qoraaga Caanka Ah ee Nuradin Farax oo Booqdey Gooboaha Waxbarashada ee Caasimadda Puntland

 

 

1 hour ago | 0 comments Share 00

 

 

Waxaa maalmihii la soo dhaafey booqasho ku joogey Puntland Qoraaga caanka ah ee Nuradin Farah, Qoraaga ayaa caasimadda Puntland kaga qaybgalay shir looga hadlaayey ama lagu xusaayey maalinta afka hooyo.

 

Nuradin Farah ayaa maanta (Arbaco) booqasho ku tegay dugsiga sare ee Ganbool, waxaana booqashadiisa ku weheliyey Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dawladda Puntland Cabdi Farax Juxaa, Guddoomiyaha Gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf oo isagu booqasho ku joogey Garoowe, iyo xubno kale.

 

Cabdi Farax Juxaa Wasiirka Waxbarashada oo ugu horeyntii halkaas ka hadley ayaa ku soo dhaweeyey Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuradin Farah, waxaana uu sheegay in Qoraa sare Nuradin ugu yimid ardeyda si uu ugu dhiiri geliyo waxbarashada iyo in ay isticmaalaan qalinka oo ka miro dhaliyaan maskaxdooda, sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay ardeydu in ay aragti ka helaan qaabka qoraalka loo bilaabo iyo muhimadda uu lee yahay.

 

Qoraa Nuradiin Farah ayaa la ahdley ardeydii ka soo qaybgashey kulanka waxaana uu ku bogaadiyey dharka ay qabaan ee ah kii waxbarashada iyo fursadda ay haystaan, waxaana uu aad ugu dheeraadey qiimaha ay leedahay waxbarashadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this