Xaaji Xunjuf Posted February 22, 2011 Safiirro iyo Saraakiil ka Socda Dalalka IGAD iyo Deeqbixiyaasha oo Maanta ku soo Fool Leh Somaliland Tuesday, 22 February 2011 Beryahan ba waxa ka socday Hotel Maan-Soor shirar iyo aqoon isweydaarsiyo ay ku bahoobeen IGAD iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Shirarkaas oo lagu diyaarinayo qorsho horumarineed oo Somaliland ka hirgala kana qaybqaataan IGAD iyo dalalka la shaqeeya IGAD ee loo yaqaan International Partners Froum oo ka kooban dhawr iyo toban Dal oo u badan Dalalka Reer Galbeedka Deeqdana u fidiya Mashaariicda horumarineed ee Dalaka Geeska Afrika. IPF iyo IGAD waxay marar badan isugu yimaadaan shirar wada tashi. Hadaba siday Waaheen ku war heshay waxa Dalka ku soo fool leh Saraakiil iyo Safiiro ka socda Dalalka IGAD ee Geeska Afrika iyo Dalalka IPF. Kuwaas oo la filayo inay wadahadal ka yeeshaan qorshaha ka soo baxay aqoon isweydaarsigii beryahanba ka so cday Somaliland ee ay daadihinayeen Saraakiil IGAD ka socota oo xaruntoodu tahay Djibouti iyo Wasaaradda Qorshaha Qaranka ee JSL. Shirarkaas oo in muddo ahba socday. In kasta oo IGAD in badan jirtay, lama hayo tilmaamo badan waxay dhab ahaan ku guulaysteen oo muuqaal badan leh. Waxay IGAD intii dambana ku hawlanayd arrimaha dib u heshiinta. Mana ah markii u horraysay ee qorshe IGAD wadato laga unkay JSL iyada oo hore IGAD iyo UNHCR-tu ay sanadkii 1998 kula bahoobeen Somaliland qorshe aad u balaadhan oo loo maleegay mashaariic badan, balse aanay waxba ka suuragelin iyada oo lacag 3 Million o o Dollar ah lagu kharash gareeyay shirarkii iyo qoraalo laba buug ahaa oo lagu daabacay mashaariic la filayey inay ka hirgalaan Dalka oo markii dambe la iska wada iloobay meel ay cidhib iyo jaan dhigeenna aan dib loo arag. Quote Share this post Link to post Share on other sites