A_Khadar Posted February 22, 2011 Kulan balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen qaar kamida culimaa udiinka magaalada buuhoodle ee xarunta g/cayn oo cadayeey inay ciidamada s/land dhibaato ku hayaan deeganada sool sanaag cayn, ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay sheekh saleebaan sh maxamuud isaga oo sheekhu sheegay inay arintu markii hore taagnayd kalshaale oo ay dadka reer buuhoodle ay lahaayen markii loo garqaadayna ay heleen oo ay keen sadeen makhraati iyo dhaarba, lana leexiyay oo aan si sharciya loo qaadin hadana arintu waxaa aymaba maraysaa buuhoodle inay doonayaa dadkii deeganadaasna ay ladagaalameen taasina waxaa xaqdaro waxaanu naleenahay dadka reer buuhoodle ee shacabka inay difaacaan dalkooda waaana xaq maaha danbi. Culimada reer boorame iyo hargaysa waxaan idinka codsanaynaa inaad maamulka siilanyo aad ku kacdaan maaha wax la eegan karo hadii aydin dulmiga ku taagerayn waa inaad ka hadashaan oo ciidamada laga saara deeganada ay ku soo duulen iyo dadka reer guuraga ay dhibta ku hayaan, intaasi ka dib waxaa isna halkaasi ka hadlay sh maxamuud yuusuf dhuux waxaana uu sheegay shareeca ahaan dagaalkasi in uu yahay mid xaqa oo dadka reer buuhoodle ay ku dagaalamayaa naftoodii iyo maalkoodiiba waxaana leenahay dadka reer waqooyiga ha lahadlaan mamulka silanyo, haydayna ka hadlin waxaanu u arkaynaa inay taasi lasocdaan waxaana ideen sheegayaa inaysan jirin mamulka siilanyo wax ka yaala buuhoodle iyo deeganada hoos yimaada hadaba waxaan leenahay waa fidmawale siilaanyo taasna waalagu taagersan yahay hadii aan lagu tagersanayayn maa laga hadlo, dadka reer buuhoodle waxaan idin sheegaynaa inay banaanta hay ilays difaaco layskana celiyo silanyo ciidankiisa waayo majiraan wax kamaqan waa gardaro cad dhulkiiniba laydin ku soo doontay hays dhiibina isdifaaca waa banaantahay taana anagaa idiiin hayna daliilkeeda ayuu ku soo gabagabeeyay shiikhu, waa markii ugu horaysay ee culimada deegaanka buuhoodle ay tilmaaman in uu xaq yahay dagaalkasi maadama lagu sooduulay dhulkoodii iyo maalkoodi Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 22, 2011 Culimada Magaalada Laascaanood Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalkii Kalshaale Lasanod,(Lasanod)-Ka dib markii la maqlay warkii dagaalka shalay ka dhacay degaan ka Kalshaale iyo nawaaxigiisa, kaasoo ahaa mid aad looga xumaado, kana dha sheen dhibaatooyin cul culus oo laga murugoodo, waxay culimada gobolka Sool ka soo saareen arrinka ku aaddan dagaalkaas baaqan 1-Waxay culimadu eedda dagaalkii shalay dhacay dusha u saarayaan maamul ka Somaliland ,oo isagu ku tuntay dhammaan dedaalladii nabad raadineedd ee socda, ka dib markii ciidammadoodu bilaabeen dagaalkaas lagu xasuuqay ummadda faraha badan, waxayna arrintaasi ku soo aaday iyadoo ay jireen dedaallo fara badan oo dhexdhexaadin ah ayna wadeen culimada iyo wax garad ka ka soo jeedda degaammada colaaddu saamaysay, waxaannuna maamulka somaliland u soo jeedinaynnaa inay dib ugala laabtaan ciidammadooda meelihii ay ku soo durkeen dagaalkii shalay , tallaabo danbe oo colaadeedna qaadin . Dhinacoodana waa inay u hoggaansamaan baaqyada nabadda, soona saaraan war cad iyo go’aan lagu qanco,ogaadaanna inaan dagaal xal keenayn balse huri nayo colaad sokeeye oo ku baahda dhammaan degaannada. Sidoo kale waxaan u jeeedinaynnaa shacabka degaanka Buuhodle inay is xakam eeyaan, aqbalaan na baaqyada nabadda oo cid walba dani ugu jirto. 2- Waxaaan u soo jeedinaynaa dhinacyadu dagaalku u dhexeeyo inay u dhego nuglaadaan codadka nabad doonka ah, joojiyaanna colaadda iyo dhiigga daada naya xilligan ummaddu la il daran tahay abaaraha iyo oonka. 3- Waxaan ugu baaqaynnaa culimada ,iyo wagaradka nabad raadinta wadda inaysan caajisin, siina wadaan dedaalka ay isu taageen ee dhexdhexaadinta dadka walaalaha ah. Afhayeenka culimada Sh.Maxamuud Salaad Warsame Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 22, 2011 Culamadu xaqii iyo cadaaladii ayee ka hadleen, laakiin yaa u jeeda Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 22, 2011 Culimada reer Hargaysa, Burco and Berbera xaqa ha hasheegaan hadii kale waa arin ay ka raali yihiin. Waa inay qabtaan Walaalkooda khaldan. Aamuska ama baaqaqa guud ee ah colaada labada dhani ha joojiyaan ma ahan xaq sheeg. Colaada hal dhan baa wada oo duulaan ku ah dhul dad islaam ah ee waa inay cida khaladan la hadlaan way cadahaye. Weliba waxa muhiim ah in dhamaan wax garadka, culimada, Guurtidada Umada Somaaliyeed ay ka hadlaan xadgudubyadan uu Silaanyo iyo malayshidiisu ku haso shacabka dhibta iyo abaartu horay u dilootay. Quote Share this post Link to post Share on other sites