Somalina Posted February 22, 2011 Talaado, February 22, 2011(HOL): Waxaa weerar lagu hayaa muddo 24 saacadood ka badan Adeegaha Website-ka Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA, waxaaney qolada weerarkan geysatay oo la baxay magaca Iranian Cyber Army ay soo dhigeen index-ka ama halkii wararka VOA-da laga aqrisanayay sawir wata calaamad la dareemayo in koox iiraaniyiin ah ay weerarkan geysteen, waayo calanka Iiraan ayaa sawirka ka muuqda. Sawirka dushiisa ayaa waxaa digniin loogu diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Clinton, taasi oo looga digayo in ay faraha kala baxdo arrimaha dalalka Islaamka, iyadoo sidoo kale sawirka dushiisa ay ka muuqato oraah dhaheysa “Waxaan caddeynay in aan kari karno sidan”. Website-ka ayaa mar mar hawada ka baxaya, haddana ku soo noqonaya, iyadoo ay taasi muujineyso in howl-wadeennada qeybta website-ka VOA ay dagaall kula jiraan qoladaas soo weerartay, ayna ku dadaalayaan sidii ay website-ka ammaankiisa u sugi lahaayeen. Waxaa kaloo ku xusan qeybta hoose ee sawirkan shabakado badan oo ay kooxdan sheegtay ay weerartay, isla markaana ay hawada ka saartay. Xafiiska Wararka Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites