Sign in to follow this  
General Duke

SNM leader Siilanyu went from Stalin wannabe to Mickey Mouse

Recommended Posts

Ciidamadii Maamul goboleedka Puntland Oo Ku Soo Biiray Kooxihii Nabadiidka Ee SSC

February 21st, 2011 Comments Off

 

(Somaliland.ORG Laascaanood, Somaliland) War ay maanta qortay shabakda ku hadasha afka xukumada maul goboleedka puntland ee lagu magacaabo www.allpuntland.com ayaa qortay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi gurmad ugu tageen kooxaha

 

Nabadiidka ee SSC, ee iyagu dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

 

Ciidamo iyagu ka socda beesha ******teeniya oo wata hub aad u badan & gaadiid dagaal oo aanan tiradooda la xaqiijin ay galabta gaareen kusii socdeen deegaanada Tukaraq & Gambara ee katirsan gobolka Sool.

 

Hore ayaa waxaa dagaalka ugu jiray ciidamo beeleedyo uu madax u yahay Wasiirkii hore ee duulista hawada ee maamulka Puntland, kuwaas oo iyagu dagaal ku dhexmaray ciidanka Somaliland deegaanada Kalshaale,Hagoogane & Meygaag.

 

Somaliland.ORG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tukaraq (Radio Laascaanood )--Maamulka Puntland ayaa ciidamadii ugu horeeyey soo gaadhsiiyey degaanada ku xeeran Laascaanood

 

Tukaraq (Radio Laascaanood )--Wararka imika laga helayo deegaano katirsan gobolka Sool ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqaya in ciidamo farabadan oo isugujira hay�adaha kaladuwan ee Amniga Puntland islamarkaasna qeyb ka ah kuwa difaaca ee Puntland oo wata hub aad u badan

 

 

 

& gaadiid dagaal oo aanan tiradooda la xaqiijin carin ayaa galabta gaadhey deegaano katirsan gobolka Sool gaar ahaana Tukaraq & Gambadhe oo inkayar 28-Km oo kaliya u jirta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

 

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidaka Puntland ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ah kii ugu danbeeyey oo ay kusoo celinayaan deegaanada ka maqan Puntland, waxaana sidoo kale jira ciidamo beeleedyo ay dadka deegaanku iska abaabuleen oo uu madax u yahay.

 

 

 

Sida ay sheegayaan masuuliyiin Dawlada ka tirsan ayaa waxa ay tilmaamayaan in ay soo dedejisey hawlgalkan wararka foosha xun ee ka imaanaya degaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn oo maamulka la baxay Somaliland ciidamo iyo maleeshiyo beeleedyo taageeraya ay ku soo qaadeen.

 

 

 

Dhinaca kalena waxaa maanta duhurnimadii magaalada Buuhoodle gaaray Wafti sare oo katirsan Puntland oo isugujira saraakiil ciidan & Xubno katirsan dawlada Puntland kuwaas oo uu horkacayo Gudoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Puntland oo deegaankaas laga soo doorto, waxaana waftigan galbinayey Tobonaan katirsan gawaarida gaashaaman ee Puntland kuwaas oo isla galabtaba gaaray deegaanada Kalshaale, Hagoogane & Meygaag islamarkaasna si rasmi ah uga qeybqaadanaya difaacista gobolka Ceyn iyadoo tanina ay noqonayso talaabadii ugu horeysay ee ay Puntland qeybteeda ka qaadanayso taniyo intii ay dagaaladdu ka bilaabmeen gobolka Cayn.

 

 

 

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Puntland oo laga dareemayo Talisyada Puntland & Magaalooyinka Boosaaso & Garoowe ayaa bilowday xalay saqdhexe kadib markii uu madaxweynaha Puntland xalay ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda,waxaana ay tani imaanaysa xili ay deegaanada dalka oo dhan ka dheceen banaanbaxyo ka dhan ah duulaanka Somaliland ee gobolada SSC & sida aysan dawlada Puntland wax tilaabo ah uga qaadin.

 

 

 

www.radiolaascaanood1.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaac weyn ayaa soo food saaray ciidamadda maamula isku magcaaba Somaliland kuwaasi cabsi ka qaba degaanka

 

Dhaqdhaqaa xoogleh ayaa ka muuqanaya meelo badan oo ka mid ah duleedada magaaladda Laascaanood taasi oo ay sababtay ciidamada Maamulka Puntland oo wata Gaadiidka Gaashaaman oo soo gaadhey meelo u muuqda.

 

 

 

Ciidamadan oo maalmahan lagu soo xoojiyey ciidan beeleedyo laga soo ururiyey dhul badan sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaaladda Burco ayaa waxa ay ilaa fiidnimadii caawa ka guurguurayaan meelihii ay deganaayeen iyadoo ay gelayaan meelo cusub si ay uga tab samaystaan duulaanka culus ee ku soo beegmay.

 

 

 

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ku sugan duleedka magaaladda Laascaanood oo fiidnimadii la sheekaystay waxa uu ii sheegay inay ogyihiin ciidanka ku soo wajahan baaxadiisa balse ay adagtahay sida waqtigan la isaga difaacaa maadaama aanay jirin awoodii ciidan ee awal jirtey.

 

 

 

Sarkaalkan waxa uu ii xaqiijiyey in ciidankoodu sababo ay ka mid yihiin Kalsooni daro ciidanka hada haysata, hubka iyo gaadiidka ay haystaan oo aan mudo dheer dayactir fiican celin, dhaawac ciidanka kaga dhacay Kalshaale, Xiisad qabiil oo ciidanka ka dhex taagan iyo dhulka oo ku balaadhan dartood waxa haboonaan lahayd buu yidhi in laga boxo meelha haatan laysku hor fadhiyo.

 

 

 

Sarkaalkani waxa uu xusay in dagaalka Kalshaale uu noqday waxa riiqay Somaliland maadaama uu reeroobey oo mudo dheer ciidanku diidanaa saraakiishiisu hadana wixii laga baqaayeey ay muuqdeen hadii talo taal waa in ciidanku ka baxaan Sool Kalshaalena cidii leh ayaa lahaanaysa hada waa dhaaftay buu yidhi heer awood layku muquuniyo.

 

 

 

Guud ahaan xaaladda Magaaladda Laascaanood ayaa degan nayaayiro farxadeedna waa ka muuqataa waxana ay is weydiinayaan ciidanka soo baxay halkee marayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this