Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

UAE delegation arrives in Somaliland berbera PICS

Recommended Posts

Wafti Balaadhan oo ka socday imaaraadka Carabta oo maanta booqasho ku yimi Magaaladda Berbera.

 

 

Waxaana soo dhaweynta waftigan ka qeyb qaatay madaxda heer gobol iyo heer Degmo Daawo Sawiradda

 

Wafti culus oo ka socda wadanka isutaga emiratka carabta ayaa manta siweyn loogu soo dhaweeyay xarunta Gobolka saaxil ee Berbera waxaana waftigan wehelinaayay oo hogaaminaayay xubno katirsan golaha wasiirada ee soomaaliland waxaana kamid ahaa wasiiradaa Wasiirka macdanta tamarta iyo biyaha soomaaliland Xussein Cabdi Ducaale wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha C/risaaq Khaliif iyo sheekh Maxamed Aadan oo kamida gudida qaadhaan ururinta abaaraha soomaaliland.

 

Waxaana soo dhaweynta waftigan ka qeyb qaatay madaxda heer gobol iyo heer Degmo.maareyaha dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir iyo waliba madaxda laamaha dawlada ee Gobolka saaxil

 

Waftiga oo watay diyaarad khaasa oo garoonka caalamiga ufadhiday ilaa iyo intii ay booqashadooda dhameysanayeen iyaga oo sida la sheegay ka soo kicitimay magaalo madaxda soomaaliland oo ay soo gaadheen maalintii shalay iyaga oo kulamo la soo qaatay madaxweynaha soomaaliland ka hor intii aanay soo gaadhin magaalo madaxda Gobolka saaxil ee Berbera

 

Waxaanay manta waftigani booqahadooda ku soo mareen Dekeda weyn ee magaalada iyo warshada sibidhka ee isla magaalada Berbera waxaanay socdaal iyana ku soo mareen Degmada sheekh ee katirsan Gobolkan saaxil halkaas oo ay booqdeen xarunta dhakhtarka ee uu dhawaanta dayactirka ku sameeyay amiirka dalka Kuwait ee qasriga balaadhana ka sameystay duleedka degmada sheekh ugu danbeyntiina waxa casuumada si heer sare ah loo soo agasimay loogu sameeyay degmada sheekh.

 

Waftigan ayaa ujeedada socdaalkooda uu wasiirka wasaarada macdanta tamarta iyo biyaha soomaaliland Xussein Cabdi Ducaale ku sheegay in ay ka danbeysay kulamo uu dhawaan la soo qaatay shiyuukhda dawlada imiraatka carabta gaar ahaan mandaqada Dubai waxaanu sheegay in ay indha indhaynayaan waxyaabaha ay wax inagala qabanayaan oo ay ugu horeyso biyaha iyo jidadka oo dubu dhis lagu sameyn doono iyo waliba iyaga oo aanay ka maqneyn in ay maalgashi ku sameeyaan dalkeena soomaaliland isaga oo intaa wasiirku ku daray in uu kulankii uu dhawaanta la soo qaatay shiyuukhda madaqada Dubai ay balan qaado badan isla meel dhigeen iyaga oo sheegay in ay soo diri doonan wafti soo eega baahiyaha halkan ka jira rajo wanaagsana ay ka qabaan.

 

 

 

Dhinaca kale wasiirka qorsheynta qaranka soomaaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Sheekh Maxamed Aadan oo kamida gudida abaaraha ayaa manta gudoonsiiyaya Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)lacag qdarkeed ay ku sheegeen (25000 $)shan iyo labaatan kun oo Dollaroo ay sheegeen in ay tahay qeytii loogu talagalay in wax lagaga qabto dadka ay abaaruhu saameeyeen ee nawaaxiga Gobolka Saaxil iyaga oo sheegay in ay lacagtani kamid tahay qaadhankii laga soo ururiyay muwaadiniinta reer soomaaliland balse waxa ay carabka aad ugu adkeeyeen in la gaadhsiiyo lacagta dadka loogu tala galay ee abaaruhu aafeeyeen oo aanay meel kale marin lacagtaasi waxaanu wasiirka qorsheyntu sii raaciyay in aanay intani waxba katari karin baahiyaha reer guuraaga balse ay sabaaleyn tahay oo ay wax uun qabaneyso baahida reer guraaguna aanay dhamaan hadii imika ilaahay roob shubo xitaa waxay ubaahanyihiin wax ay raashin siistaan

 

Ugu danbeyntiina waxay waftiga iyo wasirradii horkacaayayba dib uga duuleen madaarka caalamiga ah ee Berbera abaara 3.00 pm galabnmo iyaga oo ku sii jeeda dhinaca magaalo madaxda soomaaliland halkaas oo ay kasii amba bixi doonana waftigu wakhtiyada soo socda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Oo Maanta Berbera Kaga Dhawaaqay In Dalka Imaaraadka Carabtu Uu Somaliland Ka Fulin Doono Mashaariic Horumarineed Oo Xagga Biyaha iyo Wefti Ka Socda Dalkaas Oo Booqday Berbera.

 

Berbera (Ramaas) Feb. 21, 2011- Wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha Somaliland Dr Xuseen Cabdi Ducaalle, ayaa maanta ku dhawaaqay inay dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabtu dhawaan magaalooyinka dalka ay ka fulin doonaan mashaariic la xidhiidha xaga biyaha.

 

Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md Ducaale, ayaa isagu maanta hadal ka sheegay mar uu maanta saxaafada ku hadlayey magaalada Berbera oo uu ka waramayey u jeedada safar ay magaaladaas ku gaadheen wefti ka socday dalka Imaaraadka.

 

Weftigan oo iyagu safar xaga cirka ah ku tagay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxaana si heersare ah ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta gobolka, degmada Berbera iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee xukumada Somaliland.

 

Wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha Somaliland Dr Xuseen Cabdi Ducaalle oo isagu ugu horeyn warbaahinta la hadlay, ayaa ku sheegay u jeedada safarka ay xubnaha weftigani gobolka Saaxil ku yimaadeen uu la xidhiidho qorsheynta mashaariic horumarineed oo xaga biyaha oo laga fulin doono gobolkaas iyo meelo kale oo ka mida dalka, isagoo arintaas wasiirku ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxa ay xubnaha weftigani u socdaan sidii ay dalka iyo gobolkan Saaxil-ba uga fulin lahaayeen mashaariic horumarineed, gaar ahaan xagga biyaha, kuwaasoo aanu aad u rajaynayno inay wax weyn ka tari doonaan baahida dhinaca biyaha iyo abaaraha dalka ka jira.”

 

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Md Maxamuud Cali Saleebaan [Ramaax] oo sheegay inuu weftigan ku soo dhawaynayo gobolka, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay booqashadooda ay ku yimaadeen gobolka Saaxil, waxaana uu yidhi guddoomiye Ramaax “Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta in aan ku soo dhoweeyo weftigan gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera, waana uga mahadcelinayaa booqashadooda ay ku soo doorteen gobolka Saaxil.”

 

Weftigan ka socda dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa noqonaya weftigii ugu horeeyey ee ka socda dalkaas ee yimaada gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera, tan iyo markii ay xukumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegtay bishii July 26-keed ee sannadkii hore.

 

Xubnaha weftiga Imaaraadka Carabta, ayaa booqasho ku soo maray intii ay maanta ku sugnaayeen magaalada Berbera goobaha ay ka mid yihiin dakeddar Berbera, burburka warshada Sibidhka iyo degmada Sheekh oo ka tirsan degmooyinka gobolka Saaxil ka kooban yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this