caydarus Posted February 21, 2011 maxa ugu dembeeyey dagaaladii dhexmaray shacabkii reer Kalshaale iyo burcadii maleeshiyaadka ahayd ee reer somalidiidka ahaayeen? Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Buhoodle,(Lasanod)- Xaalada degaanada Hagoogane, Maygaagle iyo Kalshaale ayaa saaka xasiloon,waxaana degaanadaasi dhamaantood isu bedeleen.. goobo dagaal oo ay dadka shacabka ahi ka qaxaan. Iyaadoo ciidamada degaanka Buhoodle iyo kuwa Somaliland wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan. Inkastoo saaka xaaladu tahay mid xasiloon haddana waxaa jira dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan, kaasi oo ay wadaan ciidamada degaaka Buhoodle oo doonaya inay dagaalo kale oo adag la galaan Somaliland,waxaana ciidamada degaanku saaka tijaabinayeen hub aad u culus oo aan hore dagaalka uga qayb qaadan. Ciidamada degaanka Buhoodle ayaa shalay dagaaladii galinkii dambe soo gaadhey ka sheegtey guulo la taaban karro,waxaana ciidamada degaanku sheegeen inay gubeen 5 gaadiid dagaal ah,waxaana ay sheegeen inay furteen gaadhi dagaal oo ciidamada somaliland lahayeen,waxaana ay sheegeen 5 -ta gaadiidka ah ay qabsadeen inay gubeen ka dib markii cilad ay ku timid. Sidoo kale cusbitaalka magaalada Buhoodle,waxaa shalay ilaa xalay la keeney dhaawaca 6 ruux oo ka tirsan ciidamada degaanka oo ay weheliso gabar,waxaana dhimashada ciidamada degaanka la sheegayaa inay gaareyso 8 askari oo ciidamada ka tirsanaa,waxaana dhamaantooda lagu aasay degmada buhoodle. Dhankale Ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijiyey in dagaaladaasi ay ka soo gaareen qasaare lixaad leh isla markaasna inta la hubo waxaa ka geeriyoodey 15 askari oo maydkooda la geeyey tuulada Qorulugud,waxaana la xaqiijiyey in dhaawaca in ka badan 27 askari loo gudbiyey magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer, iyadoo qaarkood xaaladooda caafimaad laga dayrinayo. Dhanka kale maydadka labada dhinac ayaa la kala garan waayey ka dib markii ay hub culus oo wajiyadooda bedeley isu adeegsadeen,waxaana la sheegey inay dhamaantooda wada bedelmeen,waxaana maydadka qaarkood la sheegayaa in la kala garan waayey. Ugu dambeyntii inkastoo xaaladu saaka tahay mid caadi ah haddana waxaa jira dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac kala wadaan,waxaana markasta saaka laga cabsi qabaa inay kooxaha dagaalamaya fooda isdaraan isla markaasna dagaalo khasaare badan sababa saaka halkaasi dib uga qarxaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Buuhoodle, Feb 21, 2011 Wararkii maanta ugu dambeeyay ee laga helo Deegaanada Meygaagle iyo Hagoogane iyo Wariyaha Ceegaag Online Cali Dhagjar. Dhageyso Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 21, 2011 War deg deg ah oo soo gaaray xafiiska Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in gawaari fara-badan oo kuwa dagaalka ah oo uu lee-yahay Puntland in’ay maanta u amba baxeen magaaladda Buuhoodle oo uu ka soconaayo dagaalo kulul. Gawaari fara-badan iyo ciidamo xoogan oo ka tirsan Maamul Goboleedka ee Puntland ayaa waxay galabta ka shiraacdeen magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo kusii jeeda deeganada Hagoogane iyo Maygaagle ee duleedka magaaladda Buuhoodle, oo ay ka soconayaan dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamadda Milatariga ee Somaliland iyo Jabhadda SSC. Gawaarida dagaalka ee maanta ka baxday magaaladda Galkacyo ayaa waxaa qaarkood saaran ciidamadda Daraawiishta ee Puntland, waxaana lagu wadaa in’ay ka qeyb qaataan dagaalada culus ee ka soconaaya deeganada Hagoogane iyo Maygaagle ee duleedka magaaladda Buuhoodle. Puntland ayaa jawaab deg deg ah ka bixineysa dagaalada culus ee uu Somaliland ku yahay deegaanka Kalshaale ee duleedka magaaladd Buuhoodle, iyadoo uu horey madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu u sheegay in’ay saldhig milatari ka sameysan doonaan deegaanka Kalshaale, taasoo ka dambeysay in uu halkaasi ka qarxo dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Somaliland iyo SSC. Maanta ayay ahayd, kadib markii uu madaxweynaah Maamul Goboleed ee Puntland DR. C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” uu sheegay in’ay si deg deg ah jawaab uga bixin doonaan, dagaalada ka soconaaya deeganada Hagoogane iyo Maygaagle ee duleedka magaaladda Buuhoodle. Banaanbaxyo waaweyn ayaa waxay ka dhaceen magaalooyinka Galkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, kuwaasoo ay shacabka magaalooyinkaasi ay ku dalbadeen in loo-gurmado dadka SSC ee uu xasuuq ku haayo bay yiraahdeen maamulka Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 http://www.saafistudio.net/infusions/the_kroax/embed.php?url=1995 - Universal TV coverage.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii maanta ka dhacay Hagoogane iyo Maygaagle (Buuhoodle, February 20, 2011 Ceegaag Online) Maleeshiyo hubaysan oo ka soo jeedda deegaanka Buuhoodle iyo ciidamada maamulka Somaliland ayaa saaka abbaarihii 5 subaxnimo dagaal iskaga horyimi degaannada Maygaagle iyo Hagoogane. Dagaalkaas saaka bilaabmay ayaa istaagay galabta galinkii danbe ee manta,kaasoo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhinacwalibana uu sheeganayo in uu jabiyay dhinaca kale. Wariyaha shabakadda Ceegaag ayaa xaqiijiyay in dhinaca Buuhoodle inta la hubo ay ka dhinteen 9 ruux halka dhaawucuna yahay ilaa 15 iyadoo ay jiraan dadkale oo loomalaynayo in ay maxaabiis ahaan u kaxaysteen ciidanka Soomaaliland .. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Qorulugud iyo Burco ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliland ay ka dhinteen ugu yaraan 6 askari 10 kalana ay ka dhaawacmeen iyagoo dhaawacaas la gaadhsiiyay cusbitaalka Burco, Dhinaca Buuhoodle ma jiraan illaa iyo hadda maxaabiis laga soo qabtay ciidanka Soomaaliland oo la keenay Buuhoodle. Waxaa jira warar iskhilaafsan oo sheegaya in labada ciidan ee dagaalku dhexmaray ay mid waliba sheeganayo in ay gacanta ku hayaaan degaannadii lasyku farasaaray saaka iyo galabta ee Hagoogane iyo Maygaagle. Arrintu si kastaba ha ahaatee lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay degaannadaas aan kor ku soo sheegnay,umana suuragalin wariyahayaga shabakadda Ceegaag Online ee Buuhoodle in uu arrintaas noo soo xaqiijiyo maanta ,balse waxaan idiinsoo gudbindoonnaa wararkaas wixii ka soo kordha saacadaha innagu soo fool leh. www.ceegaag.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Correction: SSC maaha Jabhad. Jabhad waxaa ah marka dowlad la aqoonsanyahay ay koox ka soo horjeedo. Meesha dowlad ma jirto qabiil baa raba aar goosi, dhulboob iyo qabsasho dul dad somaliya degan yihiin,qabiilkii kalana wuxuu leeyahay war walaalayaalow nadayaa hadaad islaam tihiin. Marka dadkaa dhulkooda jooga jabhad in loogu yeedho maaha.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Madaafiic La Isku Weydaarsaday Jiida Kalshaalle iyo Tikniko laga gubey SNM oo weli Qiiqaysa. Deegaanadii dagaalku ka dhacay shalay ayaa maanta aysan ka jirin iska hor’imaadyo waa weyni, marka laga reebo madaafiic ay labada dhinac isku ganayaan. Madaafiicda waxaa soo bilaabayu maleeshiyaadka Dagaal Ooge Siilaanyo, kuwaasoo loogu jawaabay hubka noocyadiisa kala duwan sida madaafiicda Goobta. Dhanka kale waxaa inta u dhaxaysa Kalshaale iyo Hagoogane ku gubayana labo Taangi oo ay halkaas kaga carareen Maleeshiyaadka SNM, kuwaasoo ka firxaday dagaalkii la isku gabal dhacsaday ee Shalay. Dhanka kale waxaa laga soo bandhigay warbaahinta, labo ruux oo xoolo la joogey, kuwaas oo ay Beebe jiidhsiiyeen maleeshiyaadka Siilaanyo oo ku soo jabay dagaalkii Maygaagle, warar naga soo gaadhaya Burco oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Horjoogihii hogaamianyey dagaalka Maxamed Kaahin uu dhaawac culusi ka soo gaadhay shalay dagaalkii ka dhacaay Hagoogane. Warkan oo aan ilaa hada la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale ay halkaas ku hoobteen sraaalkiil badan oo Horjooge u ahaa maleeshiyaadka Damaaciga waalan ee SNM. Horufadhi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Wareysi- Col: Ali Sabarey Sunday, February 20, 2011 - 06:28 PM Hogaamiye Xigeenka SSC Col: Ali Sabarey oo ku sugan jiida hore Ee Meygaagle oo wareysi siiyey Xargaga Online.. Halkan ka dhegeyso Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Dhinaca SNM bogagooda War Deg Deg ah: 70 Nin oo lagu tuhunsanyahay alshabaab oo Ciidanka Qaranku Ku wareegsan yihiin Dhaam ku yaala Hagoogane. Published By Webmaster On Monday, February 21st 2011. Under News Hagoogane -(Qori)-Warar Xogogaal ah oo aanu goor dhawayd ka helnay Xogo ku dhaw dhaw jiida hore ee aagga dagaalku ka dhacay shalay ee hagoogane ayaa sheegay in 70 nin oo lagu tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxaha Alshabaab oo ku jira dhaam weyn oo biyaha laga cabi jiray wakhtiga gu’ga oo ka qodan deegaankasi kuwaasi oo dhufays ka dhigtay, isla markaana ku haysta hubkii iyo raashinkii ay isticmaalayeen. Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa ku Wareegsan isla markaana gaadh ka haya Nimankaasi ku jira dhufayska ee lagu tuhunsanyahay inay ka tirsan yihiin alshabab. Warkan oo Qorulugudonline ka heshay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan jiida hore ee aagga dagaalka ayaa waxa kale oo ay sheegeen in dagaalkii uu joogsatay shalay maqribkii. Dagaalka ka dhacay shalay deegaanadaasi ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen dhawr iyo labaatan qof oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee Dagaalku u dhexeeyo, Warku waxa uu intaasi ku darayaan Maleeshiyadda Nabad diidka ah ee SSC shalay laga dilay ku dhawaad 20 ruux dhaawacuna hadh belay, halka ciidanka Somaliland ay kaga dhinteen 2 Askari kana dhaawacmeen 3 askari. Dagaalka shalay oo ahaa mid baaxad leh ayaa la sheegayaa in khasaaruhu intaa ka balaadhanyahay balse aan lahayn xaqiiqda rasmiga ah ee uu gaystey dagaalkaasi shalay ka dhacay Hagoogane. Waxaa soo ifbaxaya tuhun hore oo laga Qabay in Ciidamo Argagixiso ahi ku lug leeyihiin dagaalka gaadmada ah ee lagu soo qaado ciidanka Somaliland kuwaasi oo gacan siinaya Maleeshiyo beeleedka Nabad diidka ah ee ka soo hor jeeda jiritaanka qaranimada Somaliland, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo jirintaanka qaranimada Dalka somaliland Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco www.Qorulugud.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Lol@@@@@Al-shabaab.. Markii nafta looyaabo yaasiinka.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 21, 2011 Eebboow amuuraha sahal. Dadkii abaaro ba'an heyso korkoodana lagu sii hardamaayo. Waa ibtilo weyn. Hana la ogaado dadka ku dhimanaayo, ku dhiig baxaayo dagaaladaan inay wada Soomaali yihiin, not Jameykaan iyo Shiinees. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Ciidanka Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Fadhiisimadii Kooxda SSC Ee Taageerada Ka Haysta Maamulka Budhcad baddeedka ee xaruntiisu Garoowe Iyo Tirada Maxaabiista Laga Qabtay Published By Webmaster On Sunday, February 20th 2011. Under News <<<<---------- Photoshoped pic, armed vichele from Buholde mounted snm flag as their.. caadi maaha.. Burco (QOR) Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee duleedka Buuhoodle ayaa gebi ahaanba la wareegay subaxnimadii hore ee saaka saddex goobood oo fadhiisin u ahaa Maleeshiyada Nabad -diidka SSC ee taageerada ka haysta maamulka budhacad-badeedda ee xaruntiisu tahay Garoowe. Talaabada ciidanku kula wareegeen goobahaa oo fadhiisin u ahaa ... Read More Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 21, 2011 nabadiidku halkay wax marinayan Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 21, 2011 Who is nabadiid? The invader to peaceful town or those who remain their home? Waa aduun waalan. Quote Share this post Link to post Share on other sites