Somalina Posted February 20, 2011 Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) Yoweri Kaguto Museveni ayaa galabta ku guuleystay madaxweynenimada wadanka Uganda, kaddib markii uu helay 68.4% codadkii ay dhiibteen muwaadiniinta reer Uganda maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha guddiga doorashada Bedru Kigunddu ayaa ku dhaawaacay in madaxwene Museveni uu si rasmi ah ugu guuleystay doroashadii ka dhacday wadanka, isla markaana uu helay 5,428,369 (68.38%), sidaana uu mar kale ku noqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Uganda 5-ta sano ee soo socta. Dr. Col. Kizza Besigye oo ah ninka ku soo xiga madaxweyne Museveni, ahna shaqsiga ugu siyaasadda cad-cad mucaaradka Uganda ayaa soo galay kaalinta 2-aad, isagoo helay codad gaaraya 2,064,963 (26.01%), halka musharraxa kaalinta 3-aad ee Mao Nobert uu helay 147 ,917 oo u dhiganta (1.86%). Mucaaradka ayaa hore u sheegay inaysan aqbali doonin natiijada ka soo baxda doorashada haddii Museveni ku soo baxo, iyadoo wareysi uu goor dhaweyd bixiyay Olara Otunnu oo ah musharraxa kaalinta 4-aad soo galay uu sheegay in Museveni ku shubtay doorashada, laakiin xisbiguusu aanu maxkamada u sare gudbin doonin dacwo ka dhan ah guddigii doorashada. Guddoomiyahah guddiga doorashada Bedru Kigunddu ayaa xaqiijiyay in doorashadu si xor iyo caddaalad ah ay u dhacday, isagoo mucaaradka ugu baaqay inay aqbalaan natiijadii ka soo baxday doorashada. Afhayeen guud ee ciidamada wadanka Uganda Lt. Felix Kulaigye oo uu garab fadhiyay taliyaha ciidanka Booliska Maj. Gen. Kale Kayihura ayaa markii natiijada doorashada lagu dhawaaqay kaddib shir jaraa'id ku qabtay xarunta guddiga doorashada ee garoonka K/cagta Mandella Stadium ee magaaladda Kampala, wuxuu uga digay dadka reer Uganda inay sameeyaan bannaanbax rabshada wato, wuxuuna sheegay in ciddii ammaanka dalka qal-qalisa ay ka qaadi doonaan wuxuu ugu yeeray Tillaabo sharci ah. Museveni ayaa wadanka Uganda madaxweyne ka soo ahaa 25-kii sano ee lasoo dhaafay,wuxuuna wadanka ku qabsaday xukun milatari, isagoo 25 January 1986 inqilaabay madaxweynihii ka horeeyay ee General Tito Lutwa Okello. Waa markii 4-aad oo isku xigta ee Museveni ku guuleystay doorashada madaxtinimada wadanka Uganda. Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Hiiraan Online Kampala, Uganda fblue@hiiraan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites