Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu-Garowe public demonstrations and anger at SNM aggression in CAYN

Recommended Posts

Gaaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo ay saaka dagaalo culus oo dhexmaray ciidamo katirsan kuwa maamulka la magacbaxay Somaliland & dadka deegaanka islamarkaasna khasaaro kaladuwan oo dhimasho & Dhaawacba leh kuwaas oo ay kujiraan labada dhinac ee dagaalkan ka qeybgalaya ayaa waxaa isa soo taraya canbaareynta dagaalkan loo jeedinayo iyadoo shucuubta reer Puntland ee dal & dibadba ay muujiyeen inay ka xunyihiin dagaalka soo noqnoqday ee Kalshaale oo ah mid ay Somaliland ku doonayso dhulbalaarsi & qabasashada deegaanada xasiloon ee Puntland gaar ahaana kuwa kuyaala xuduudka SSC.

 

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dhigay banaanbax maalintii labaad dhacaya kuwaas oo ay uga soo horjeedeen Dagaalada Kalshaale,Heshiiskii Puntland & Galmudug Iyo Wax ka qabasho la'aanta amaanka guud ee gobolka Mudug ayaa maanta banaanbaxoodii ku muujiyey sida ay uga xunyihiin dagaalada Damacdoon ee maamulka Somaliland uu markale kusoo qaaday shacabka gobolka Ceyn ee Puntland,iyagoo sidoo kalena watay boorar ay ku qornaayeen erayo lidi ku ah Maamulka Somaliland & weerarka qaawan ee uu ku waday shacabka gobolada SSC,iyagoo dawlada dhexena ugu baaqay inay u istaagto difaacista gobolka Ceyn.

 

Banaanbixii maanta oo ay ujeedada ugu muhiimsani ahayd canbaareynta dagaalka kasoo cusboonaaday Kalshaale ayaa waxaa ka hadlay qaarkamid ah Haweenka,Odayaasha & Waxgaradka gobolka Mudug oo goobta ka jeediyey hadalo u badnaa Duco ay udirayaan shacabka reer Buuhoodle oo ay ku tilmaameen geesiyaal u babacdhigay ciidamo ka awood badan una dhigay cashar taariikhi ah markasta,waxaana ay sheegeen inay diyaar uyihiin inay kaalmo ciidan & Mid caafimaadba la gaaraan shacabka reer Ceyn ee dagaalka qaawan lagu hayo aysanna jirin dawlad imika u eg inay difaacayso.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta isugu soo baxay dariiqyada waaweyn ee magaalada Garoowe shacab mudaaharaadaayey kuwaas oo ka cabanaayey sida xukuumadda Puntland ay afka iyo gacantaba uga xiratey colaada Somaliland ka wado gobolka Cayn.

 

Dadka mudaaharaadaayey oo u badnaa haween, dhalinyaro iyo caruur ayaa socod ku maray jidka ee laamiga ah, ma jirin cidkatirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland oo la hadashey, Shacaba mudaaharaadka ka dhigaayey caasimadda Puntland ayaa ugu baaqey maamulka Somaliland in ay joojoyaan dagaalada gardarada ah ee ay ka wadaan gobolka Cayn, waxaana mudaaharaadku ku soo dhamaadey si nabadgelyo ah.

 

Gaalkacyo

 

Dhanka kale Mudaharaad ka balaaran kii shalay ayaa markale ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, Mudaaharaadka ayaa waxaa soo abaabuley urarada dhalinyarada ee gobolka Mudug, waxaana ka soo qaybgalay siyaasiyiin uu kamid ayhaya Faarax Cabdi Doorshe oo horey u ahaan jirey wasiiru dawlaha amniga Puntland iyo Wasiirkii hore ee Caafdimaadka Dr.Bashiir Cali Biixi.

 

Shacabka mudaaharaadka dhigaayey ayaa ku dhaliilay xukuumadda Dr.Faroole in ay ka gaabisey balanqaadkii bulshada iyo hankii loo qabey, waxa ay canbaareyn dusha uga tuureen in xukuumaddu aysan waxba ka soo qaadin colaadda iyo dagaalada Somaliland u tafaxaydatey ee ay ka waddo Gobolka Cayn.

 

Mudaaharaadayaasha ayaa sidoo kale ka cabanaaya in xukuumaddu ay kor u qaadey canshuuraadka dalka laga qaado iyada oo aan waxba kaga qaban arimaha amaanka gaar ahaan gobolka Mudug oo ay adagtahay in Gaalkacyo si nabadgelyo ah lagu seexdo.

 

Dadka mudaaharaadaayey ayaa canbaareyn dusha uga tuurey maamulka Somaliland, waxaana ay ku tilmaameen Madaxweynaha Somaliland in uu yahay dagaal ooge kaas oo shacab badan oo u dhashey gobolka Cayn ku xasuuqey deegaanadoodi.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii labaad oo magaalada Gaalakacyo uu ka dhacay Mudaaharaad, Xukuumadda Puntland ayaan iyadu weli si toos ah uga hadal mudaaharaadka iyo waxa shacabku ka cabanaayo, marka laga reebo maamulka Gobolka Mudug oo ku tilmaamey dhawr nin oo Makrafoon meel la istaage, Xaaladdu dalku ku jiro ayaa ah mid aad u qalafsan waxaana dadka hal mar ay wada kulaalayaan Abaar, biyo la’aan iyo Colaad is huwan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa xusid mudan in meydadka la keenay magaalada Buuhoodle ay ahaayeen kuwo lagu sameeyey ruuxtog ama silicdilyeyn, waxaana ka muuqata in la qabtey iyaga oo dhaawac ah laakiin la jiirsiiyey gawaarida dagaalka.

 

Maamulka Puntland ayaa wali wax war kasoo saarin dagaalka ka dhacay deegaanadaasi,xilli mudaaharaadyo looga soo horjeedoo dagaalkaasi uu maanta ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

 

Mudaaharaadyo lagu taageeraayo shacabka Gobolka Cayn ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, shacabkii mudaaharaadaayey ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin doorka dagaalka ee xukuumadda Puntland, waxaana ay ku tilmaameen in xukuumaddu ay gacmaha iyo afkaba ka laabatay shacabka Gobolka Cayn.

 

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Somailand oo muddo caalamka u sheegayey in ay nabad iyo dimoqraadiyey ku taamayaan, ayaa hadda dhexdabaalanaya dagaallo ay ku qaadeen shacabka gobolka Cayn oo iyagu aan dooneyn Maamulka Somaliland, waxaana la isweydiinayaa halka uu ku danbeyn doono dagaalada gobolka Cayn iyo waxa beesha caalamku ka yeeli doonaan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack adeer, the demo's in Galkacyu have nothing to do with the Galmudug agreement signed in the capital Garowe. The main main issues are CAYN, security and delivery of basic services, the people of Galkacyu and now Growe are demontrating for these things...People power is always a good thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waxaan ka mudaaharaadaynaa dadkayaga lagu laynayo Buuhoodle illa Kalshaale" mudaaharaad ka dhacay Garowe.

 

 

Garowe, Feb 20 - Mudaaharaad looga soo horjeedo colaada ka aloosan gobollada Sool & Cayn, laguna dhaliilay kaalinta dawlada Puntland ayaa maanta ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe. Banaanbaxayaasha ayaa si caro leh uga hadlay dagaalka joogtada ah ee ka socda balliga Kalshaale iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Cayn.

 

Banaanbaxyaasha ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee magaalada Garowe oo ay hadalo ka jeediyeen qaar ka mid ah dadka banaanbaxayey.

 

Waxaa ay ku eedeeyeen Somaliland in ay colaad hurinayso, ayna wadato qorshe dhulbalaarsi.

 

Waxaa ay eedayn u soo jeediyeen dawlada Puntland oo ay sheegeen in ay aanay kana hadal, waxna ka qaban dagaalka Kalshaale.

 

"Waxaanu ka mudaaharaadaynaa dadkayagu lagu laynayo Buuhoodle illaa Kalshaale ...maatida ay ku soo duushay Somalidiidka uu u taliyo Siilaanyo" ayaa ay tiri mid ka mid ah dadkii ka hadlay barxada Garowe.

 

"Haddii dawlada Puntland ay keeni weydo garab iyo gaashaan, shacabka ayaa dhaqaaqaya, rag iyo dumar." ayaa ay tiri mid ka mid ah dadka mudaaharaaday.

 

"Annagu dawlada Puntland weli cid kama hayno ...Siilaanyo waxaa uu rabaa in uu dalkayaga iyo dadkayaga afduub ku qabsado, mana aanaan ogolin" ayaa ka mid ahaa erayada ay tiri mid ka mid ah dadka mudaaharaaday.

 

"Waxaan u arkaa dagaalka Kalshaale in uu yahay beel beel ku soo duushay, oo beeshaasina ay adeegsanayso hab dawladeed" ayuu yiri banaanbaxe kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Madax duubte dooni mayno, daryeel & difaac baan doonaynaa, dulmigana waanu diidan nahay" Banaanbax maalintii 2-aad ka dhacay Galkacyo.

 

Galkacyo, Feb 20 - Banaanbax balaaran ayaa maalintii 2-aad ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Banaanbaxa oo ujeedadiisu ay ka duwan tahay kii shalay, ayna isugu soo baxeen dad aad uga badan kuwii shalay mudaaharaaday, ayaa lagu wajahaya amniga Galkacyo iyo colaada ka aloosan gobollada Sool & Cayn.

 

Amniga Galkacyo

 

Dadka mudaaharaaday ayaa ka cabanayey amni xumada ka jirta magaalada Galkacyo oo ay sheegeen in uu gaaray heerkii ugu xumaa, waxna aan laga qaban.

 

"Waxaa la dilay wasiiro, xeer ilaaliyayaal maxkamadeed, garyaqaano, nabadoono, ganacsato, iyo wax garad, cid loo qabtay miyaad garanaysaan?" ayaa uu yiri banaanbaxe ka hadlay ammaan darida ka jirta magaalada Galkacyo.

 

Gobollada Sool & Cayn

 

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale ka hadlay gulufka colaadeed ee ka aloosan gobollada Sool & Cayn oo banaanbaxayaashu ay sheegeen in dawlada Puntland ay gabtay kaalintii kaga aadanayd.

 

Dawlada Puntland ayay ku eedeeyeen in ay albaabada ka xiratay gobollada Sool & Cayn, ayna siyaasad ahaan ay raali ka tahay in gobolladaasi ay u gacan galaan Somaliland.

Mudaaharaadka maanta ka dhacay Galkacyo ayaa la jaanqaadaya mudaaharaad kale oo ka dhacay maanta Garowe oo lagu dhaliilay kaalinta dawlada Puntland ee colaada gobolka Cayn.

 

Gelinkii hore ee maanta ayaa dagaal khasaare lixaad leh gaystay uu ku dhex maray meelo ka mid ha gobolka Cayn ciidamo beeleedka gobolka Cayn iyo ciidamada Somaliland ee fariisimada ka samaystay gobolka Cayn.

 

Mudaaharaadkii shalay ayaa lagu diiday heshiiska dawlada Puntland ay la gashay Galmudug oo lagu macneeyey mid aan laga tala-gelin shacabka gobolka Mudug, danna aan ugu jirin.

 

Cumar Afguduud,

Daljir, Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SSC ayaa ka dambeysay Mudaaharadkii Gaalkacyo:Guduumiye-xigeenka Golaha Deeganka ee Gaalkacyo Axmed Muuse Nuur

 

Shacabkamedia ( Puntland website )

 

deegaanka.jpg

 

 

Sunday, 20 February 2011 05:29

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Gaalkacyo ayaa ka hadley dibadbaxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana eeda dibadbaxaasi ay dusha u saareen hoggaanka SSC.

Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in dibadbaxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee looga soo horjeeday siyaasada dowladda Puntland ay soo agaasimeen dad dano gaar ah wata, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin hoggaanka SSC ee ka dhisan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

“Waxaa maanta banaanbaxii lagu qabtey Gaalkacyo ka hadley xubno SSC ka tirsan, waan ognahay waa dambiilayaal doonaya in ay wadanka iyo dadka kala ququbaan, waxayna doonayaan in ay Puntland kala go’do, mana aha in ay Gaalkacyo ku soo gabadaan oo ay banaanbaxyo ka sameeyaan” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Muuse Nuur yare.

Xildhibaanku waxaa uu sidoo kale beeniyay eedeymo dibadbaxayaashii maanta ay u jeediyeen mas’uuliyiinta Puntland sida Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole.

Ugu dambeyn Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa ka digay banaanbaxyo dambe oo laga qabto gudaha magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku dhigi doonaan ciddii dambe ee isku dayda in ay banaanbax qabato.

 

Rbc-Shacabkamedia

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email: Shacabkamedia@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

General Duke;696487 wrote:
Liiban you are too late adeer, the President of Puntland has spoken and the state will take action against the secessionists..

Duke, Warlord Faroole and his Puntland militia are against SSC people, Puntland admin doesn't anyone to free SSC thats very obvious. Faroole and Puntland is jailing anyone in Puntland who sympathize SSC Movement.

 

Good thing, is people of Mudug Nugaal realized now that Warlord Faroole is crazy man who an enemy of SSC people, today people of Mudug and Nugaal showed their support for SSC people and opposition to Warlord Faroole , people want to make very clear that they don't agree or approve the misguided policies of Faroole toward SSC people.

 

If you telling us that Warlord Faroole will change and will help SSC people, that good. But after 4 years, people of SSC will not believe Warlord Faroole, because Faroole is a snake - a snake can shed it's skin, but never change.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer I like how you are all brave when you are dealing with your kinsmen and countrymen and how you get all shy and timid when addressing the Secessionist men sending mortars into the villages in Cayn. What gives?

 

I also never see you even make a comment about those traitors such as Xabsade & others in Hargaysa, yet at every turn your effort is towards dividingPuntland and its people and insulting its admin. Have some shame and open your eyes. Puntland will deal with this insha Allah and all you will be doing is giving money to crooks in Minneapolis and Toronto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

General Duke;696537 wrote:
^^^Adeer I like how you are all brave when you are dealing with your kinsmen and countrymen and how you get all shy and timid when addressing the Secessionist men sending mortars into the villages in Cayn. What gives?

And I like how you and your uncle Warlord Faroole copycats of Warlord Siilaanyo and his snm militia, Warlord Faroole is parrot who repeats whatever snm leader says, Warlord Siilaanyo SSC freedom fighters are terrorists, and warlord faroole repeated after siilaayo. Warlord Faroole and his pirates are the enemies of SSC people.

 

The only group who fear, shy, and timid when addressing snm secessionists are Warlord Faroole and his pirate militia. Warlord Faroole and his militia were defeated in Las Anod without war, thats a shame. Puntland militia run away from SSC region in 2007, 4 years later puntland militia never look back.

SSC freedom fighters are brave people who defeated SNM in widhwidh, Balihadhac, and Kalshaale twice. SSC freedom fighters killed more 100 members of snm criminals. As we speaking now there is war ongoing between snm militia and SSC freedom fighters in Kalshaale, today for second time within a month snm militia failed to takeover Kalshaale, thanks to SSC freedom fighters.

SSC freedom fighters are defending Buhoodle and Cayn region from SNM militia attacks and mortars when Warlord Faroole doesn’t care at all about the people, also SSC Movement is working toward liberating Laas Caanood from snm militia very soon.

People of Galkacyo and Garowe hold demonstrations to show their support for SSC freedom fighters and people, and made very clear that they don’t support Warlord Faroole and his war against SSC people.

 

General Duke;696537 wrote:
^ I also never see you even make a comment about those traitors such as Xabsade & others in Hargaysa, yet at every turn your effort is towards dividingPuntland and its people and insulting its admin. Have some shame and open your eyes. Puntland will deal with this insha Allah and all you will be doing is giving money to crooks in Minneapolis and Toronto.

For us people of SSC, we treat the our enemies ( Warlord Siilaanyo, Warlord Xaabsade, and Warlord Faroole)

Duke, you should have some shame by blindly supporting Warlord Faroole and his war against SSC people and freedom fighters. People of Galkacyo and Garowe don’t support anymore warlord Faroole who is creating fitna between ssc people and mnb people ( mudug,nugaal and bari). So-called puntland admin is punch of traitors who are waging against SSC people.

 

 

General Duke;696537 wrote:
^ all you will be doing is giving money to crooks in Minneapolis and Toronto.

I am doing whatever I can to help my people in Buuhoodle and SSC to defend their lives and land and to defeat their snm militia and pirate militia. Warlord Faroole and his pirate militia are the crooks, criminals, and mafia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its funny that you just proved my point without a shadow of a doubt, all day you have been fighting me and insulting your kinsmen and countrymen while being shy and reserved when facing secessionists in SOL.

 

Grow some backbone and open your eyes, my dear cousin the leadership will make its move and deal with the secessionist filth as Yusuf did before. The people of Puntland will be united.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this