Sign in to follow this  
Somalina

Soomaalida Talyaaniga oo dibadbax cabasho ah ka dhigay Firenza

Recommended Posts

Somalina   

Firenze — Dibad bax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku dhaqan Magaalada Firenze ee wadanka Talyaaniga gaar ahaan dadka loo diidey in la siiyo Sharciyadda ay ku safraan oo loo yaqaano Titole Di Viagge ayaa wax uu maanta ka dhacay magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga.

Dibabaxayaasha oo watay boorar ay ku qoranyhiin halku dhigyo loogu soo horjeedoqaadashada Baasaboorka Soomaaligaoo ay ku tilmaameen in uu yahay mid aan lagu safri karin sidoo kala waxa ay ku hadaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “waxaan xaq u leenahay in aynu helno Tilole DiViage micnihiisu yahayDucumitidag lagu safro”.

Waxeyna sheegayeen amaba ay ku dhawaaqayeen ma dooneyno Bassbor aanan La’ aqoonsaneen islamarkaana sheegay in xitaa haddii ay qaataan aanan lagu dhax mari kari wadamada Yurub oo ay xuseen in dad badani horey loo soo celiyay lagu dhahay ma naqaano waxa aad wadataan.

Dadkan dibad baxayaasha ah ayaa tibaaxay inay dadaalkooda sii wadi doonaan ilaa iyo inta wax laga bedelayo go’aanada laga qaatay oo ah diidmada Ducumentiyadda ay ku safri lahaayeen oo loo yaqaano TITOLE DI VIAGE,iyagoo dalbanaya in la tix galiyo codsigooda oo la siiyo warqadaha ay ku safrayaan.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay ka biyo diidaan in ay qaataan Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya ,iyagoo muddo aanan saas u fogeyn ka dhigay magaalada Firenze ee Gobolka Toscana banaanbax ceynkan oo kala ah oo ay ku dalbanayaan in loo ogolaado Sharciga lagu safro(TITOLE DI VIagge), islamarkaan lagu qanciyay in wax laga badali doonno hasa ahaatee arrinta ayaa u egeyd mid lagu qancinyay banaanbaxayaasha Soomaaliyeed.

 

Isha Warka:- Baledweyn

Warbaahinta Xogsheeg

Miiska Warqabadka

E. xogsheeg@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this