Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government sends a strong message to the clan states of neighbouring Somalia

Recommended Posts

Somaliland_Egal.gif

 

 

 

 

Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Maamu-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, Digniina U Jeedisay Cida Ku Hawlan Hurinta Shaqaaqada Ka Taagan Kalshaale.

 

Hargeysa (Ramaas) Feb. 19, 2011- Xukumada Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay maamul-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug oo sheegay inay u qabayanayaan shir dib u heshiisiineed kooxaha ku hirdamaya gacan ku haynta siyaasada Somaliya, isla markaana ay Somaliland qayb ka tahay cida shirkaas loo qabanayo.

 

 

Xukumada, ayaa sheegtay in aanay Somaliland shirkaasi wax khuseeya aanu ahayn, isla markaana aanay ka mid ahayn kooxaha ku dagaalamaya Somaliya. Hase yeeshee ay tahay dal madaxbanaan oo qadiyada gooni isu taageedana ay 97% go’aamiyeen shacabkeedu.

 

 

Waxa hadalkan ka soo yeedhay labada maamul gobolleed ee Puntland iyo Galmudug si kulul uga jawaabay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuuse] oo ku hadlayey afka xukumada Somaliland, isagoo la hadlaya labada maamul mar uu galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa, waxaa uu yidhi “Waxaan halkan kala hadlayaa maamul-gobolleedka Puntland iyo nimanka la yidhaahdo Galmudug oo inta ay shireen iyagu yidhi waanu heshiinay, Somali-na shir baanu u qabanaynaa Somaliland waa ka mid yidhi dadkaa ay shirka u qabanayaan.”

 

Md Cukuuse, isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku sii daray “Angu annaga oo ixtiraamayna Somalinimada iyo darisnimada, waxaanu leenahay waa laga wanaagsan yahay daandaansiga iyo farafaraynta, annaga [JSL] waa ogtihiin dal madaxbanaan banau nahay, umad jirta oo qadiyadeedii gacanta ku haysata baanu nahay JSL baanu nahay idinkuna waxan aad shirarka u qabanaysaan ee aad ku heshiinaysaane ama aad ku heshiini waayeysaan waa jamhuuriyada Somaliya.

 

Maaha inaynu mar kasta isku khaladno labada jamhuuriyadood ee SL iyo Somaliya, waxaanu idiin sheegaynaa in aanu nahay dal madaxbanaan oo distuur leh oo distuurkiisa ay u codeeyeen 97%, qadiyadana 97%-kaas ayaa u codeeyey, markaa waxaanu idiin leenahay walaalayaal aynu kala xishoono oo maalin walba inaga oo dad darisa ah farafaraynta noocan oo kale ah aynu is kula wareegno maaha.”

 

Afhayeenka Madaxtooyadu, waxa uu sheegay in aanay marnaba Somaliland ka qaybgalayn shir dib u heshiineed oo loo qaybtay kooxaha ku hirdamaya awooda dalka Somaliya, isagoo shirkii magaalada London-na sheegay mid ay Somaliland beesha caalamka ugu soo bandhigaysay qadiyadeed, isla markaana ay kaga qaybgaleen casuumad rasmi ah oo ay ka heleen dalka Ingiriiska, waxaanu yidhi “shirkaa waanu ka qaybgalnay waxaana si toos ah noogu soo marti qaaday dawlada Ingiriiska, waxaanu nahay dawlad 20 sannadood jirtay, waxaanu nahay dawlad markii hore ka mid ahaan jirtay Somaliya, waxaanu nahay dawlad madaxbanaanideedii la soo noqotay, waxaanu nahay dawlad waayo aragnimo badan lagaga da’yan karo, waxaanu nahay dadka ugu dhow ee dariska la ah Somaliya, dawlada Ingiriiska iyo beesha caalamka ee shirkaa ka soo qaybgalay waxa ay doorbideen in aanu talo ka bixin karno sida iyaga wax looga qaban karayo qadiyadooda, anagana waxa fursad noo ahayd in aanu qadiyadayadana ku soo bandhigno caalamka si aanu gacan waydiisano sidii aanu iskaga moosi lahayd dhibaatada had iyo jeer nagaga imanaysa iyo nabadgalyo darrada ka soo fatahaysa dhinaca Somaliya. Shir dib u heshiineed marnaba Somaliland kama qaybgalayso qadiyada iyo madaxbanaanida dalkana waxa iska leh shacabkiisa oo go’aansaday madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland-na waa biyo kama dhibcaan.”

 

Ugu dambayntii isagoo afhayeenku ka hadlaya shaqaaqada deegaanka Kalshaale ka taagan waxaa uu yidhi “Arinta Kalshaale waa sideedii walaahi waxa ay ku xasiloon tahay waa dulqaad xagayga ah, xagoodana waanu ugu yeedhaynaa waxaanu leenahay walaalayaal waxba ma tarayso farafaraynta aad nugu haysaan wax alle wax ay idiin kordhinaysaa ma jirto annagana dhibaato mooyee wax ay noo leedahay ma jirto, waxaanu ka codsanaynaa oo aanu waydiisanaynaa waliba annaga oo itaal iyo awoodba leh oo leenahay waxaanu jecelnahay mandaqada iyo gobolkuba isagoo nabada hadii laga maarmi waayana qadiyadayada waanu dufaacaynaa.”

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Oo Jawaab Ka BixisayHadal Ka Soo Yeedhay Puntland Iyo Gal-mudug Ee Somalia

February 19th, 2011

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay Jimcihii shalay madaxda labada maamul goboleed ee dalka Somalia eek ala ah Puntland iyo Gal-mudug, kuwaasi oo sheegay inay Soomaalida u qabanayaan shir dib u heshiisiin ah oo Somaliland-na ka soo qeyb gali doonto.

 

Xukuumadda Somaliland waxay mowqifkeeda ku faah faahisay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay qasriga Madaxtooyada Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse, waxaanu yidhi “Waxaan shirkan jaraa’id u qabanaynaa inaanu ka jawaab ka bixino hadal ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo maamul goboleedyada Puntland iyo Gal-mudug ay ku sheegeen inay heshiiyeen oo ay heshiiskooda ka mid tahay inay shir u qabtaan Soomaaliya oo Somaliland-na ka mid tahay. Xukuumadda Somaliland iyo qaranka Somaliland ma aha markii koowaad ama tobnaad ee ay mowqifkeeda si cad u sheegto. Iyaguna ma aha kuwo moog inay Somaliland qaran jira tahay oo go’aansaday inay madaxbaanidooda kala soo noqdaan dalkii Soomaaliya si ay noqdaan qaran madax banaan. Somaliland waxay leedahay tilmaamihii qaran lahaan jiray wax Soomaaliya ka khuseeyaana aanu jirin.”

 

“Waxaanu ku cel-celinaynaa in dawlada iyo qaranka Somaliland ay ixtiraamayaan deganaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqada iyo jaarnimo wanaag lagu wada noolaado, idinku waxaad tihiin maamul goboleedyo ka tirsan dalka Soomaaliya markaa haddii aad heshiinaysaan iyo haddii aad nabad gaadhaysaan anaga nooma taalo., waa wax meel ka dhac ah inaad tidhaahdaan waxaanu qabanaynaa shir Somaliland ka soo qeyb galayso,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada.

 

Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyadu wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee dalka maanta ku soo laabtay uu wax badan ka soo qabtay siyaasada dibada ee Somaliland,

 

Afhayeenku wuxuu xusay In Xoghayaha Iskaashiga caalamiga ah ee Ingiriisku uu u soo qoray madaxweyne Siilaanyo qoraal, waxaanu tilmaamay in nuxurka qoraalkaasi Madaxweynaha Somaliland lagu bogaadiyay sida ay Somaliland u soo ajiibtay shirkii Wilton Park ee lagu qabtay dalka Ingiriiska.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in Xoghayuhu uu ku sheegay in Somaliland shirkaasi caalamka u iftiimisay wax badan.

 

Cabdilaahi Cukuse waxa kale oo uu sheegay in Xoghayuhu ku sheegay dhambaalkiisa in sanadkan dawlada Ingiriisku dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay ugu deeqday 250 Milyan oo Gini, halka 80 Malyan oo Gini loogu tallo galay arrimaha bini’aaminimada, 170-ka Malyan ee kale 60% waxa loogu deeqay Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this